Telefishinka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Telefishinka Koonfur Galbeed Soomaaliya SOUTHWETS STATE TELEVISION. KGS TV
(1)

06/08/2026

Munaasabad farbarasho ah oo si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa maanta lagu qabtey magaalada Baydhabo.

War-Saxaafadeed ku Saabsan Diiwan-gelinta Hubka Xakamaynta Isticmaalkiisa iyo Qaadashada Ruqsadaha Shirkadaha Amniga.
06/08/2026

War-Saxaafadeed ku Saabsan Diiwan-gelinta Hubka Xakamaynta Isticmaalkiisa iyo Qaadashada Ruqsadaha Shirkadaha Amniga.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay amar lagu joojinayo qodist...
06/08/2026

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay amar lagu joojinayo qodista iyo daabulidda carrada laga qaadayo deegaanada Jaziira iyo Dhanaane, si loo ilaaliyo deegaanka, xeebaha iyo khayraadka dabiiciga ah. Wasaaraddu waxay fartay hay’adaha ay khusayso inay si degdeg ah u hirgeliyaan amarka, iyadoo digniin siisay in tallaabo sharci laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta.

05/08/2026

Guddoomiyaha Degmada Bardaale oo Safar Dhulka ah ku Maray Deegaannada u Dhexeeya Baydhabo iyo Bardaale

05/08/2026

Wasiirka Howlaha Guud oo Kormeeray Waddada Istaraatiijiga ah ee Isku Xirta Garoonka Shaatigaduud iyo Magaalada Baydhabo.

Qaar ka mid ah  Wasiirrada Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, isla markaana ay wehliyeen Wasiirrada...
05/08/2026

Qaar ka mid ah Wasiirrada Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, isla markaana ay wehliyeen Wasiirrada Haweenka, Deegaanka & Isbeddelka Cimilada, Dhallinyarada & Ciyaaraha, iyo Gargaarka, ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Agaasimaha iyo Ku‑xigeenka IOM Somalia.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka IOM iyo Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo mudnaanta la siiyay barnaamijyada dhallinyarada iyo haweenka, iyo sidoo kale ka jawaabidda caqabadaha sii kordhaya ee isbeddelka cimilada.

Waxaa sidoo kale la falanqeeyay horumarka laga gaaray diiwaangelinta biometrics ee barakacayaasha (IDPs) ee hoos yimaada CCCM Cluster, iyadoo labada dhinac ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda xoojinta hababka Isu‑duwidda Degmooyinka (ABC) si loo wanaajiyo u diyaar garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca heer gobol iyo degmo.

Wasiirka Qorsheenta ayaa ka codsaday Hayadda IOM iney xoojiyaan wada shaqeynta Wasaaradaha kala duwan ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

HOGAAMIYE SHEKH AADAN MADOOBE IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO AYAA SI DIIRAN LOOGU SOO DHOWEYEY MAGAALADA MUQDISHO EE CAASIMADA...
05/08/2026

HOGAAMIYE SHEKH AADAN MADOOBE IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO AYAA SI DIIRAN LOOGU SOO DHOWEYEY MAGAALADA MUQDISHO EE CAASIMADA DALKA.

Muqdisho, 5, Agoosto, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka, halkaas oo uu uga bilaabanayo safar shaqo oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saaxibada Beesha Caalamka iyo Dowladda Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kuso dhoweyey Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladd Federaalka Soomaaliya, xubno ka socday Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimada.

Safarkan shaqo ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ay ugu jirto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxibada Beesha Caalamka si loo dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed iyo kuwa lagu xoojinayo dowladnimada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Madoobe ayaa inta uu ku suganyahay Magaalada Muqdisho wuxuu kulamo miro-dhal ah la yeelan doonaa Madaxda ugu Saraysa Qaranka iyo Dowladaha Taageera Soomaaliya Kulamadaas ayaa diiradda lagu saari doonaa adkeynta amniga, dardargelinta howlgalka ciribtirka kooxaha Khawaarijta, horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda, hirgelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed, iyo arrimo kale oo muhiim u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya .
Email:[email protected]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Tali...
05/08/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti, General Sakaria Sheekh Ibrahim, iyo saraakiil sare oo la socday.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa Muqdisho u yimid ka qaybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ka qaybta ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasi oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, isku-dubbaridka hawlgallada iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulanka Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka Jabuuti ayaa lagu adkeeyey xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyada oo Madaxweynaha uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan taageerada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska hay’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Daaweye Cabdullaahi Arte, oo ay wehliyaa...
05/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Daaweye Cabdullaahi Arte, oo ay wehliyaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Gaadiidka, mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga, iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud ee Baydhabo, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay waddada muhiimka ah ee isku xirta Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud iyo Saldhigga Weyn ee magaalada Baydhabo.

Waddadan, oo uu dhowaan dhagax-dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka mid ah mashaariicda istaraatiijiga ah ee mudnaanta la siiyey si kor loogu qaado kaabeyaasha dhaqaalaha, bilicda magaalada, iyo isku socodka bulshada.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in si dhow loo qiimeeyo xaaladda waddada, isla markaana loo dardargeliyo hirgelinta mashruuca dib-u-dhiskeeda, kaas oo la filayo inuu door weyn ka qaato horumarinta isku xirka Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud iyo xarumaha muhiimka ah ee magaalada Baydhabo.

Intii uu socday kormeerka, Injineerrada Wasaaradda Howlaha Guud ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qorsheynta, naqshadeynta, iyo diyaar-garowga farsamo ee mashruuca. Waxay sidoo kale caddeeyeen in dhammaan hawlaha hordhaca ah ay marayaan heer wanaagsan, isla markaana la qorsheynayo in si degdeg ah loo bilaabo wejiyada xiga ee fulinta mashruuca.

Mas’uuliyiintii kormeerka ka qayb-gashay ayaa bogaadiyey dadaallada socda, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay waddadani u leedahay isku socodka, amniga, iyo koboca dhaqaalaha magaalada Baydhabo. Waxay sidoo kale ku baaqeen in mashruuca lagu dhammeeyo waqtigii loo qorsheeyey iyo iyadoo la ilaalinayo tayada shaqada.

04/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Xasan Idiris (Geney), ayaa maanta magaalada Baydhabo ka daah-furay kulanka billaha ah ee ay yeeshaan bahwadaagta WASH Cluster-ka iyo masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Address

Baydhabo
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Telefishinka Koonfur Galbeed Soomaaliya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Telefishinka Koonfur Galbeed Soomaaliya:

Shortcuts

Share