Ministry of Commerce and Industry SW-State of Somalia

Ministry of Commerce and Industry SW-State of Somalia Ministry Of Commerce and Industry - Southwest State of Somalia. Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha

MAGACAABIS ISKU-DUWAHA GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE - WASAARADA GANACSIGA & WARSHADAHA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFURGALBEED.
03/09/2026

MAGACAABIS ISKU-DUWAHA GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE - WASAARADA GANACSIGA & WARSHADAHA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFURGALBEED.

02/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Ibrahim Ali Tifow, ayaa kulan is-xogwareysi ah la yeeshay qaar ka mid ah howl-wadeennada Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Ibrahim Ali Tifow, ayaa kulan is-x...
02/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Ibrahim Ali Tifow, ayaa kulan is-xogwareysi ah la yeeshay qaar ka mid ah howl-wadeennada Wasaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo, iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada iyo ganacsatada Koonfur Galbeed.

Wasiir Ibrahim Ali Tifow ayaa howl-wadeennada kula dardaarmay inay muujiyaan hufnaan, daacadnimo, iyo adeeg hufan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in Wasaaraddu yeelato shaqaale isku duuban oo si wadajir ah uga shaqeeya horumarinta ganacsiga iyo warshadaha

Nairobi Kenya : Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka koonfurgalbeed  Mudane Yakub Is...
31/08/2026

Nairobi Kenya :

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka koonfurgalbeed Mudane Yakub Isak ayaa magaalada Nairobi kulan laba-geesood ah kula yeeshay Deepak Adhikary, Madaxa Fulinta (CEO) ee Frontline Development Solutions LLC.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo kobcinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs) iyo xoojinta karaanka ganacsatada si ay u kobcaan, tartamaan, isla markaana abuuraan fursado shaqo.

22/08/2026
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadeynta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ibraahim Cali Tifow, ayaa maanta dib...
22/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadeynta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ibraahim Cali Tifow, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, kaddib safar shaqo oo uu magaalada Muqdisho ugu maqnaa.

03/08/2026

Daawo khudbada Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Ibrahim Ali Tifow uu ka jeediyey munaasabadda furitaanka Bandhigga Maalgashiga Sannadlaha ah ee Ganacsiyada Yaryar iyo Dhexe (SMEs).

Khudbadda Wasiirku waxay diiradda saartay muhiimadda ay ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe u leeyihiin kobaca dhaqaalaha, abuurista fursadaha shaqo, dhiirrigelinta hal-abuurka, iyo horumarinta maalgashiga gudaha.

Muqdisho:๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—œ๐˜€๐˜๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ถ๐—ท๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ค๐—ผ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—™๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ฑ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ (๐—ก๐—ง๐—™๐—–).Agaasimaha G...
03/08/2026

Muqdisho:๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—œ๐˜€๐˜๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ถ๐—ท๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ค๐—ผ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—™๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ฑ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ (๐—ก๐—ง๐—™๐—–).

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Koofurgalbeed Mudane Yakub Isak Hussein ayaa ka Qeyb galay ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—œ๐˜€๐˜๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ถ๐—ท๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ค๐—ผ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—™๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ฑ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ (๐—ก๐—ง๐—™๐—–).

Shirka ayaa diirada lagu saaray muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya si buuxda uga faaโ€™iidaysato xubinnimadeeda EAC, iyadoo loo baahan yahay in la waafajiyo xeerarka, la mideeyo habraacyada kastamka, la xoojiyo heerarka tayada, lana yareeyo caqabadaha aan canshuurta ahayn.

02/08/2026

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxa ay ugu baaqaysaa dhamaan ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs) in ay ka soo qayb galaan Bandhigga Maalgashiga ee lagu qabanayo Baydhabo dhammaadka toddobaadkan.

22/07/2026

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Ibrahim Ali Tifow ayaa kulan Is-barasho iyo Xog-weydaarsi La Qaatay Shaqaalaha Wasaaradda

Address

Baydhabo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Commerce and Industry SW-State of Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Commerce and Industry SW-State of Somalia:

Shortcuts

Share