18/07/2026
Sabti; 18/07/2026; Baydhabo, KGS.
Waxaa maanta si rasmi ah uga qabsoontay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Koonfur Galbeed munaasabadda xilwareejinta Wasiirkii h**e ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Ibrahim Barre, iyo Wasiirka cusub ee Wasaaradda, Mudane Cabdifatax Maxamed Cali (Abroone).
Munaasabadda xilwareejinta ayaa waxaa xilka u Kala wareejiyay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdiraxiin Maxamed Xasan, iyadoo ay sidoo kale kasoo qaybgaleen wasiirro, xildhibaanno, Agaasimeyaal, madax ka tirsan hay’adaha dowladda iyo marti sharaf kale.
Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa loo mahadceliyey Wasiirkii h**e, Mudane Maxamed Ibrahim Barre, dadaalkii iyo adeegii uu u soo qabtay Wasaaradda iyo shacabka Dowladda Koonfur Galbeed. Sidoo kale, waxaa Wasiirka cusub, Mudane Cabdifatax Maxamed Cali (Abroone), loo rajeeyey inuu Alle ku asturo mas’uuliyadda loo igmaday, isla markaana ku guuleeyo gudashada waajibaadka horyaalla.
====Dhamaad====