Ministry of Planning, Investment & Economic Development - SWS

Ministry of Planning, Investment & Economic Development - SWS The Official Page Ministry of Planning Investment & Economic Development South West State of Somalia.

WASIIR KU-XIGEENKA WASAARADDA QORSHEYNTA DKGS OO DAAH-FURAY KULANKA DIB-U-EEGISTA QORSHAHA HAWLEEDKA WADAJIRKA AH EE DKG...
09/08/2026

WASIIR KU-XIGEENKA WASAARADDA QORSHEYNTA DKGS OO DAAH-FURAY KULANKA DIB-U-EEGISTA QORSHAHA HAWLEEDKA WADAJIRKA AH EE DKGS IYO UNICEF

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Isxaaq Maxamuud Ganey, ayaa maanta daah-furay kulan dib-u-eegis ah oo ku saabsan Qorshaha Hawleedka Wadajirka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo UNICEF ee 2026.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Abdi Ali Dogey, madax iyo wakiillo ka socday Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed, iyo wakiillo ka socday Hay’adda UNICEF.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista horumarka laga gaaray qorshayaasha 2026, caqabadaha jira iyo mudnaanta qeybta labaad ee sannadka, iyadoo la isla meel dhigay tallaabooyin lagu dardargelinayo hirgelinta qorshayaasha wadajirka ah.
Wasaaradda Qorsheynta waxay sii xoojinaysaa wada-shaqeynta ay la leedahay UNICEF iyo bah-wadaagta horumarinta, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay keenaan natiijooyin muuqda oo bulshada Koonfur Galbeed wax u tara.

———
‘’𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃’’
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DKGS.
Email: [email protected]
Website:http://mopied.sw.so/home/
Facebook: https://www.facebook.com/

04/08/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Reena Ghelani, agaasimaha guud ee hay’adda Plan International, oo maanta soo gaartay magaalada Baydhabo.

WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA DKGS OO KULAN LA QAATAY MADAXDA UNICEF IYO FAOWasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga...
02/08/2026

WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA DKGS OO KULAN LA QAATAY MADAXDA UNICEF IYO FAO

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto), ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Hay'adaha UNICEF iyo FAO, iyadoo ay kulanka ka qayb galeen qaar ka mid ah Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, dardargelinta mashaariicda horumarinta iyo howlaha samafalka, iyo sidii loo sii adkeyn lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo hay'adaha Qaramada Midoobay.

———
‘’𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃’’
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DKGS.
Email: [email protected]
Website:http://mopied.sw.so/home/
Facebook: https://www.facebook.com/

WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA DKGS OO DAAHFURAY KULANKA DHAMMEYSTIRKA QORSHAHA U DIYAAR-GAROWGA ROOBAABKA EL-NIÑOBaydha...
29/07/2026

WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA DKGS OO DAAHFURAY KULANKA DHAMMEYSTIRKA QORSHAHA U DIYAAR-GAROWGA ROOBAABKA EL-NIÑO

Baydhabo – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray kulanka lagu dhammaystirayay Qorshaha U Diyaargarowga Roobabka Xooggan ee xilli-roobaadka El-Niño.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasiirka Wasaaradda Isbeddelka Cimilada, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray dhammaystirka qorshaha u diyaar-garowga roobabka xooggan iyo fatahaadaha la filayo inay ka dhashaan El-Niño, iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay saameynta ay ku yeelan karaan bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo hab-nololeedka shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in hay'adaha dowladda ay yeeshaan qorshe mideysan oo ku saleysan iskaashi, xog sax ah iyo u diyaar-garow h**e, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara masiibooyinka dabiiciga ah loona ilaaliyo nolosha iyo hantida bulshada.

Qorshahan ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo toddobaadka soo socda, iyadoo hoggaanka fulintiisa ay yeelan doonto Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa dhammaan wasaaradaha iyo hay'adaha ay khusayso.

———
‘’𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃’’
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DKGS.
Email: [email protected]
Website:http://mopied.sw.so/home/
Facebook: https://www.facebook.com/

21/07/2026

𝐗𝐈𝐋 𝐖𝐀𝐑𝐄𝐄𝐉𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐐𝐎𝐑𝐒𝐇𝐄𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐊𝐆𝐒.

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐐𝐎𝐑𝐒𝐇𝐄𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐊𝐆𝐒 𝐎𝐎 𝐒𝐈 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐗𝐈𝐋𝐊𝐀 𝐔𝐋𝐀 𝐖𝐀𝐑𝐄𝐄𝐆𝐀𝐘Baydhabo, 21 Luulyo 2026: Wasiirka cusub ee W...
21/07/2026

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐐𝐎𝐑𝐒𝐇𝐄𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐊𝐆𝐒 𝐎𝐎 𝐒𝐈 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐗𝐈𝐋𝐊𝐀 𝐔𝐋𝐀 𝐖𝐀𝐑𝐄𝐄𝐆𝐀𝐘

Baydhabo, 21 Luulyo 2026: Wasiirka cusub ee Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Abduqadir Omar Abdullahi (Baasto) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Wasiirkii h**e ee Wasaaradda munaasabad ka dhacday Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Qorsheynta.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada DKGS, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada DKGS, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta DKGS, agaasimeyaasha waaxyaha, shaqaalaha Wasaaradda, iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Abdi ali Dogey ayaa munaasabadda ka jeediyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan waxqabadka, waajibaadka iyo howlaha Wasaaradda, isagoo ka warbixiyay horumarradii iyo qorshayaasha socda.

Mas’uuliyiintii iyo madaxdii ka hadashay munaasabadda ayaa bogaadiyay dadaallada ay Wasaaradda Qorsheynta ku bixisay horumarinta adeegyada Qorsheynta, iyagoo Wasiirka cusub Alle uga baryay inuu ku garab galo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, kuna asturo xilkiisa.

Wasiirkii h**e ee Wasaaradda Qorsheynta DKGS mudane Abdulhakim Mohamud Xaaji Faqi, oo munaasabadda ka jeediyay kalmadiisa ayuu uga mahadceliyay dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta wada-shaqeyntii wanaagsaneyd ee ay muujiyeen muddadii uu hoggaaminayay Wasaaradda. Waxa uu sidoo kale xusay waxqabadyadii mudnaanta lahaa ee la hirgeliyay iyo muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo adeegyada Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Koonfur Galbeed .

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta DKGS Mudane Abduqadir Omar Abdullahi (Baasto) ayaa uga mahadceliyay Hoggaanka Dowladda Koonfur Galbeed kalsoonidiisa, isagoo si gaar ah ugu mahadnaqay Wasiirkii h**e shaqadii iyo dadaalkii uu geliyay horumarinta Wasaaradda intii uu xilka hayay. Wasiirku waxa uu ballanqaaday inuu sii ambaqaadi doono waxqabadyada socda, isla markaana uu laba jibbaari doono dadaallada lagu horumarinayo adeegyada si waafaqsan siyaasadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Abdirahin Mohamed Hassan oo guddoominayay munaasabadda, ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Wasiirkii h**e iyo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta DKGS, isagoo Wasiirka cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay una rajeeyay guul iyo inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka loo igmaday.

———
‘’𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃’’
Wixii Faafaahin ah kala xariir Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DKGS.
Email: [email protected]
Website:http://mopied.sw.so/home/
Facebook: https://www.facebook.com/

Wasiirka Xilka Sii Baneeynaya Ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed ...
19/07/2026

Wasiirka Xilka Sii Baneeynaya Ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdulhakim Mohamud Xaaji Faqi, ayaa maanta shir-guddoomiyay munaasabadda daah-furka Qorshaha Hawleedka Wadajirka ah (Southwest State Rolling Work Plan 2026–2027), oo ay si wadajir ah u hirgelinayaan Dowladda Koonfur Galbeed iyo Hay’adda UNICEF.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Madaxa Xafiiska UNICEF ee Koonfur Galbeed, Marwo Chillawyer, oo hoggaamineysay wafdiga UNICEF, wasiirrada wasaaradaha ay wada-shaqeyntu ka dhaxeyso UNICEF, mas’uuliyiin ka socday Dowladda Koonfur Galbeed, iyo bahwadaagta horumarinta.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray daah-furka Qorshaha Hawleedka Wadajirka ah ee 2026–2027, iyadoo la soo bandhigay mudnaanta qorshaha, habka hirgelinta, iyo sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda iyo wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo UNICEF.

Wasiir Abdulhakim Mohamud Xaaji Faqi ayaa uga mahadceliyay UNICEF taageerada joogtada ah ee ay siiso Dowladda Koonfur Galbeed, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow iyo qorsheyn mideysan si loo horumariyo adeegyada bulshada, loona gaaro natiijooyin waara.

Wasaaradda Qorsheynta waxay sii xoojin doontaa wada-shaqeynta ay la leedahay UNICEF iyo dhammaan bahwadaagta horumarinta, si loo hirgeliyo qorshayaal iyo barnaamijyo horseeda horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo ay bulshada Koonfur Galbeed ka wada faa’iideysato.

Hambalyo iyo Bogaadin,Dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur...
11/07/2026

Hambalyo iyo Bogaadin,

Dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Wasiir Ku-Xigeenka Cusub ee Wasaaradda, Xil. Abdullahi Issack Mohamud (Ganey), iyagoo ugu hambalyeynaya kalsoonida loo muujiyey iyo magacaabistiisa Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda.

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu ku garab galo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, siiyana xigmad, daacadnimo iyo karti hoggaamineed oo uu ku hormariyo qorsheynta, maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Alle ha kuu fududeeyo waajibaadkaaga. Guul iyo horumar.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay hambalyo iyo bog...
10/07/2026

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Mudane Abduqadir Omar Abdullahi (Baasto) oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaan ugu hambalyeynaynaa kalsoonida ay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya u muujisay, annagoo Alle uga baryeyna inuu ku asturo gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, kuna garab galo hoggaaminta Wasaaradda si hufan, daacadnimo iyo karti leh.

Waxaan kalsooni ku qabnaa in Wasiirku uu door muuqda ka qaadan doono horumarinta qorsheynta, maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed, isaga oo xoojin doona wada-shaqeynta Dowladda, bahwadaagta horumarinta iyo bulshada.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu ku guuleeyo xilka loo magacaabay, ugana dhigo mid shacabka iyo dowladdaba u horseeda horumar iyo barwaaqo

🇸🇴 Hambalyo 1-da Luulyo – Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed 🇸🇴Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga i...
30/06/2026

🇸🇴 Hambalyo 1-da Luulyo – Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed 🇸🇴

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Abdulhakim Mohamud Xaaji Faqi, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo, oo ah maalinta xornimada Gobollada Koonfureed iyo mideyntii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, taas oo saldhig u noqotay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Munaasabaddan taariikhiga ah waxay xusuusinaysaa halgankii geesiyaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay gobannimada, midnimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Waa maalin lagu xoojiyo waddaniyadda, wadajirka iyo ka shaqeynta horumarka dalkeenna.

Wasiirku wuxuu Alle uga baryayaa in uu Soomaaliya ku gallado nabad waarta, midnimo, caddaalad iyo horumar, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ku wada noolaadaan walaaltinimo, is-ixtiraam iyo isku duubni.

Hambalyo Sanad-guurada 66-aad ee 1-da Luulyo.

**Guul Soomaaliya, Guul Shacabka Soomaaliyeed! 🇸🇴

Address

Airport Road
Baydhabo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Planning, Investment & Economic Development - SWS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Planning, Investment & Economic Development - SWS:

Shortcuts

Share