Southwest State of Somalia

Southwest State of Somalia This is the official page of Southwest State House of Somalia.
-
(1)

HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED AYAA HAMBALYO U DIRAY ARDAYDA KU GUULEYSATAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE FASALKA 8...
26/08/2026

HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED AYAA HAMBALYO U DIRAY ARDAYDA KU GUULEYSATAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE FASALKA 8-AAD

Baydhabo, 26 Agoosto 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa hambalyo iyo duco u diray dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda Koonfur Galbeed, ee maanta la shaaciyey natiijadooda Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad.

Hoggaamiyuhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda ku guuleysatay imtixaanka, isagoo ku ammaanay dadaalkii, adkaysigii iyo juhdigii ay u soo mareen waxbarashadooda.

Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyey waalidiinta, macallimiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada ee garab istaagga iyo dadaalka ay u muujiyeen ardayda.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wuxuu dhammaan ardayda u rajeynayaa mustaqbal waxbarasho oo wanaagsan, guul iyo horumar, isagoo ku boorrinaya inay sii wataan dadaalkooda waxbarasho, si ay mustaqbalka uga qayb qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya
Email: [email protected]

26/08/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidanka Birmadka KG ee ku sugan furimaha laga ilaaliyo amniga magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

HOGGAAMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE AYAA BOOQASHO KU TAGAY FURIMAHA LAGA ILAALIYO AMNIGA MAGAALADA BAYDHABO.Baydhabo - 26 Ag...
26/08/2026

HOGGAAMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE AYAA BOOQASHO KU TAGAY FURIMAHA LAGA ILAALIYO AMNIGA MAGAALADA BAYDHABO.

Baydhabo - 26 Agoosto, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidanka Birmadka KG ee ku sugan furimaha laga ilaaliyo amniga magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Hoggaamiyaha ayaa intii uu ku guda jiray booqashada u kuurgalay xaaladda ciidamada, howlaha ay hayaan iyo dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran. Waxa uu sidoo kale ciidamada ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee furimaha iyo howlaha socda ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada shacabka.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ciidamada ugu hambalyeeyey guusha iyo geesinimada ay muujiyeen, gaar ahaan iska caabintii ay kala hortageen weerarkii Khawaarijta ay maalmo ka hor kusoo qaadeen magaalada Baydhabo.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida iyo ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed, isagoo ku ammaanay geesinimada, dulqaadka iyo dadaalka ay ku bixinayaan difaaca shacabka iyo ilaalinta amniga.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in ciidamada ay yihiin laf-dhabarta amniga iyo xasilloonida, isla markaana Dowladda Koonfur Galbeed ay muhiimad gaar ah siinayso tayeynta iyo taageerada ciidamada ku sugan furimaha dagaalka iyo goobaha muhiimka ah ee amniga.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan howsha adag ee ay bulshada u hayaan, isagoo xusay in shacabka Koonfur Galbeed ay garab taagan yihiin ciidamada difaacaya dalkooda, dadkooda iyo dowladnimada.

Booqashada Hoggaamiyaha ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso amniga magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo mudnaanta la siinayo sugidda amniga, taageeridda ciidamada iyo ilaalinta shacabka.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya .
Email: [email protected]

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Luul Maxamed Kheyr u magacabaay La...
24/08/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Luul Maxamed Kheyr u magacabaay Lataliyaha Arimaha Barakacayaasha iyo Dib-u-dejinta.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay gudoomiye ku xigeenada ...
24/08/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay gudoomiye ku xigeenada Gobolka Baay ee qorshaynta iyo arimaha bulshada.

24/08/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirka Horumarinta Waxbarashada Koonfur Galbeed.

HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO DAAHFUREY SHIRKA HORMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED.Baydhabo - 24 Agoosto,...
24/08/2026

HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO DAAHFUREY SHIRKA HORMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED.

Baydhabo - 24 Agoosto, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirka Horumarinta Waxbarashada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iyo horumarinta nidaamka waxbarashada, sare u qaadista tayada waxbarashada, tayeynta macallimiinta, ballaarinta adeegyada waxbarasho iyo sidii carruurta iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed loo siin lahaa fursado waxbarasho oo tayo leh.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa adkeeyay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka bulshada, nabadda iyo dhismaha mustaqbalka jiilka soo koraya, isagoo sheegay in Dowladda Koonfur Galbeed ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta waxbarashada iyo taageeridda dadaallada lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha bulshada.

Shirka waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, oo ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Cusmaan Jiidow, macallimiin, bahda waxbarashada iyo qeybaha kala duwan Bulshada, waxaana laga filayaa shirka in laga soo saaro talooyin iyo qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu sii horumarinayo waxbarashada deegaannada Koonfur Galbeed.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya.
Email: [email protected]

23/08/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey shirka amniga Dowladda Koonfur Galbeed kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xoojinta dadaallada looga hortagayo falalka guracan ee Khawaarijta Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan shacabka.

HOGGAAMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE AYAA GUDOOMIYEY SHIRKA AMNIGA OO LOOGA HADLAY AMNIGA GUUD DEEGANADA KOONFUR GALBEED.Bayd...
23/08/2026

HOGGAAMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE AYAA GUDOOMIYEY SHIRKA AMNIGA OO LOOGA HADLAY AMNIGA GUUD DEEGANADA KOONFUR GALBEED.

Baydhabo - 23, Agoosto, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey shirka amniga Dowladda Koonfur Galbeed kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xoojinta dadaallada looga hortagayo falalka guracan ee Khawaarijta Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan shacabka.

Shirka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amni ee deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga, iyo sidii ciidamada ammaanka loogu diyaarin lahaa ka hortagga weerarrada iyo falalka argagixiso ee lagu beegsanayo shacabka iyo goobaha muhiimka ah.

Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa faray hay’adaha amniga in ay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu ilaalinayo nafta, hantida iyo nabadgelyada shacabka, isaga oo ku boorriyey bulshada in ay si dhow u la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ka hortagga falalka amni-darrada.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, Agaasimaha Madaxtooyada, saraakiisha hay’addaha amniga, gudoomiyaha Gobolka Baay iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya.
Email: [email protected]

22/08/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo.

Address

Baydhabo

Telephone

+252618360081

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Southwest State of Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Southwest State of Somalia:

Shortcuts

Share