Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed

Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Wassaradda Amniga Gudaha DKGS

Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Isaak Mohamed Isaak Korsaar oo uu Wehliyo Agaasimaha Guud Wasaarada Amni...
01/09/2026

Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Isaak Mohamed Isaak Korsaar oo uu Wehliyo Agaasimaha Guud Wasaarada Amniga Mudane Mohamed Yaasiin Abdulaahi ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo ka furmay magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Shirkan ayaa looga hadlayaa xoojinta amniga gudaha, horumarinta hay’adaha amniga, iskaashiga hay’adaha dowladda, adkeynta amniga iyo xasilloonida dalka.

Waxaa ka qeybgalaya Shirkan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ugu sareeyo Ku-simaha Madaxweynaha JFS, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Saraakiil Ciidan, masuuliyiinta amniga ee Dowlad Goboleedyada, Qubaro dhanka Amniga ah iyo Wakiilo ka socda beesha Caalamka.

01/09/2026

Muqdisho | Talaado, 1 Sebtembar 2026

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamed Isaaq (Korsaar), iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Mudane Maxamed Yaasiin Cabdullaahi, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeyb galay Shirweynaha Qaranka ee Amniga Gudaha 2026 (National Internal Security Conference 2026).

Shirweynaha waxaa si rasmi ah u furay Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Shirweynaha ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta amniga gudaha, iskaashiga hay’adaha amniga iyo sidii loo horumarin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

Inta uu socdo shirweynaha, waxaa ka qeybgalaya madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiinta hay’adaha amniga dalka, iyo wakiillo ka socda dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga iyo xasilloonida.

Ka qeybgalka Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada.

31/08/2026

Wasiirka Wasarada Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Isaak Maxamed Isaak (Korsaar) oo Shir Jaraid ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa soo saaray Awaamiir ku saabsan Qofkii la Macaamiila Maleeshiyaadka New Alshabaab inay ula dhaqmi doonan sidii Khawaarijta Qof la Macaamiilay oo kale.

31/08/2026

👀👂

30/08/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gudoomiyey shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka ayaa laga soo saaray qaraar iyo bayaan rasmi ah oo ku saabsan xoojinta xmniga iyo xaqiijinta caddeymaha la xiriira iskaashiga ka dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka hubeysan ee taageera madaxweynihii h**e ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya haddana Ah horjooge kooxda argagixiso Al-Shabaab ku biiray.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Isaak Mohamed Isaak (Korsaar) ayaa Guddoomiyey Shirka ...
29/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Isaak Mohamed Isaak (Korsaar) ayaa Guddoomiyey Shirka Amniga oo lagu qabtay Xarunta Wasaarada Amniga ee Magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Baay, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo iyo Saraakiisha Hay’adaha Amniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud, adkeynta wada shaqeynta hay’adaha amniga, qiimeynta xaaladda amni ee Gobolka Baay iyo Magaalada Baydhabo, iyo sidii loo sii dardargelin lahaa qorshayaasha lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada.

Wasiirka Amniga ayaa faray Saraakiisha Hay’adaha Amniga in ay sii laba jibaaraan dadaallada lagu sugayo amniga, isla markaana la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda ciidamada iyo hay’adaha kala duwan ee amniga.

Shirka ayaa sidoo kale lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo hay’adaha amniga ay si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni ka hanaqaadda deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Isaak Mohamed Isaak (Korsaar) ayaa maanta guddoomiyey munaasa...
29/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Isaak Mohamed Isaak (Korsaar) ayaa maanta guddoomiyey munaasabad xil-wareejin ah oo Taliyaha cusub ee Ciidanka Birmadka Dowladda Koonfur Galbeed Gaashanle Mustaf Ahmed Mohamed (Malaag Guudow) Xilka kula wareegayey

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hannaanka hoggaamineed, isku-duwidda iyo tayeynta hay’adaha amniga Dowladda Koonfur Galbeed.

Wasiirka Amniga ayaa Taliyaha cusub kula dardaarmay inuu si masuuliyad leh u guto waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu mudnaanta siiyo ilaalinta amniga, wada-shaqeynta ciidamada iyo u adeegidda shacabka.

Wasiir Korsaar ayaa kula dardaarmay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku-duubnida ciidamada amniga.

28/08/2026

Baydhabo | Jimco, 28 Agoosto 2026

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Koonfur Galbeed, Mudane Isaaq Maxamed (Korsaar), ayaa galabta xarunta Wasaaradda kulan ku soo dhoweeyey Wasiirrada Arrimaha Gudaha, X.xoolaha ,Ganacsiga, Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, iyo Taliyaha Guutada 8-aad ee Qaybta 60-aad ee CXDS.

Kulanka ayaa looga hadlay is-xogwareysi, kala warqaadasho, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda iyo dardargelinta howlaha muhiimka ah, gaar ahaan amniga iyo xasilloonida Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamed Isaaq (Korsaar), oo markale Hambalyo leh Tal...
27/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamed Isaaq (Korsaar), oo markale Hambalyo leh Taliyaha cusub ee Ciidanka Birmadka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Taliye G/le Mustaf Axmed Maxamed (Malaaq Guudow), oo caawa uu magacaabay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Wasiir Korsaar ayaa Taliyaha cusub u rajeynaya inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday, isagoo xoogga saaraya adkeynta amniga, ilaalinta shacabka iyo xoojinta hay’adaha amniga Koonfur Galbeed.

Hambalyo Taliye, xilka cusubna Alle ha kuu fududeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed aya ka qeyb galay Shirka Golaha WasiirradaWasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad G...
27/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed aya ka qeyb galay Shirka Golaha Wasiirrada

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Issack Maxamed Issack (Korsaar), ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed.

Shirka waxaa guddoomiyay Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana looga hadlay arrimo muhiim u ah dowladnimada, amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada

Address

Madaxtooyada Baidoa
Baydhabo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed:

Shortcuts

Share