13/11/2025
Baraawe, 06 Nofeembar 2025 — Wafdi isugu jira agaasimeyaal waaxeedyo iyo la-taliyayaal dhanka dakhliga ah oo ka socda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Baraawe, caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Intii ay wafdigu ku sugnaayeen magaalada, waxay si rasmi ah u daahfureen tababar loo qorsheeyay diiwaangelinta ganacsatada ku dhaqan degmada Baraawe.
Tababarkan ayaa lagu saleeyay qorshaha lagu xoojinayo nidaamka canshuur ururinta iyo kobcinta dakhliga gudaha, iyadoo diiradda la saarayo in ganacsi kasta yeesho Nambarka Aqoonsiga Ganacsiga (TIN), taas oo fududeyn doonta hannaanka is-diiwaangelinta iyo bixinta canshuuraha si hufan oo casri ah.
Ujeeddada guud ee tababarkan ayaa ahayd kor u qaadista aqoonta iyo fahamka ganacsatada ee ku saabsan waajibaadka canshuur bixinta, iyo sidoo kale adkeynta iskaashiga ka dhexeeya wasaaradda iyo qaybaha ganacsiga ee magaalada.
Kulankan tababarka ah ayaa ahaa kii labaad ee noociisa ah ee lagu qabto magaalada Baraawe, taas oo muujineysa dadaalka joogtada ah ee Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed ay ku tayeyneyso nidaamka maaliyadeed iyo kor u qaadista dakhliga dowlad-goboleedka.
Xog dheeraad ah:
📧 Email: [email protected]
📘 Facebook: facebook.com/mofswss
🐦 Twitter: