30/08/2026
HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY XARUNTA WASAARADDA WARFAAFINTA.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Koonfur Galbeed oo dib-u-casriyeyn iyo horumarin lagu sameeyey.
Hogaamiyaha ayaa xarunta Wasaarada waxaa ku soo dhoweyey wasiirka, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud iyo howlwadeenada Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Bulshada.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee wasaaradda ay ka koobantahay, isagoo u kuurgalay shaqada iyo adeegyada ay wasaaraddu u hayso bulshada, gaar ahaan howlaha warfaafinta, wacyigelinta iyo gudbinta xogaha rasmiga ah ee Dowladda.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa bogaadiyey dadaallada lagu horumarinayo xarunta wasaaradda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha Dowladda loo sameeyo xarumo casri ah oo awood u siinaya inay si hufan uga jawaabaan baahiyaha bulshada, waxaana uu balan qaaday Hogaamiyaha wixii kale oo ka dhiman hormarinta wasaarada ay dowladda diyaar la tahay.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale ku adkeeyey masuuliyiinta wasaaradda oo ugu horeeyo Wasiirka Warfaafinta Mudane Nuur Siidow Baba in la sii xoojiyo tayeynta shaqada warfaafinta, adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah iyo wacyigelinta bulshada, si loo gaarsiiyo shacabka xog sugan, degdeg ah oo la isku halayn karo.
DHAMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya .
Email: [email protected]