08/06/2026
Isuduwaha Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Gobolka Saaxil Rakad Mxd Sultan ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay tababar muhiim ah oo loo qabtay 30 haween ah oo ka ganacsada kalluunka, kaas oo ujeeddadiisu ahayd kor u qaadidda xirfaddooda ganacsi, tayeynta hababka ay u maareeyaan ganacsigooda, iyo xoojinta awooddooda dhaqaale si ay uga faa’iidaystaan fursadaha ka jira suuqa.
Tababarkani waxa uu sidoo kale diiradda saaray la-tashiga haweenka si loo ogaado baahiyahooda dhabta ah, caqabadaha horyaalla, iyo sidii loogu heli lahaa mashaariic iyo taageerooyin kor loogu qaadayo ganacsiyadooda iyo noloshooda dhaqaale. Intii uu socday tababarku, ka qaybgalayaashu waxay barteen hababka casriga ah ee iibka, maamulka ganacsiga, kaydinta xogta ganacsiga iyo adeegyada macaamiisha, si ay ula jaanqaadaan isbeddellada cusub ee ganacsiga.
Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, oo masuul ka ah taageerada, horumarinta iyo dhiirrigelinta haweenka, waxay si joogto ah uga shaqaysaa hirgelinta barnaamijyo lagu xoojinayo doorka haweenka ee horumarka dhaqaalaha iyo bulshada. Sidaa darteed, wasaaraddu waxay mudnaan gaar ah siisaa kobcinta xirfadaha iyo awood-siinta haweenka ku hawlan ganacsiyada yaryar.
Barnaamijkan waxaa hirgelintiisa iyo taageeradiisa nagala qayb qaatay Hay'ada iyo European Union iyada oo loo marayo mashruuca eWins, kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta awoodda dhaqaale ee haweenka iyo abuurista fursado waara oo lagu horumarinayo noloshooda.
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan haweenkii ka qaybgalay tababarkan, waxaana rajaynaynaa in aqoonta iyo xirfadaha ay korodhsadeen ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan horumarinta ganacsiyadooda, kordhinta dakhligooda iyo kor u qaadidda nolosha qoysaskooda iyo bulshadoodaba.
Xafiiska Berbera Ee
Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska ee Gobolka Saaxil.