Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Puntland

Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Puntland Waa Page rasmiga ah ee Wasaaradda Gaadiidka Badda Dekadaha & Ka Hortagga Dembiyada Badda

Boosaaso: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Dowladda Puntland Mudane Shaakir Mohamed Guled ayaa maanta ko...
15/08/2026

Boosaaso: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Dowladda Puntland Mudane Shaakir Mohamed Guled ayaa maanta kormeer ku tegay waddada isku xirta Sodonka Bari iyo Dekedda Magaalada Boosaaso, taas oo muddo u xirnayd xaalado sababay in gaadiidka iyo isu-socodka dadka iyo badeecaduhu hakad ku yimaadaan.

Waddadan oo muhiim u ah isku socodka ganacsiga iyo adeegyada Dekedda Boosaaso ayaa maanta dib loo furay, waxaana dib u bilaabmay isu-socodkii gaadiidka iyo adeegyada la xiriira dekedda.

Wasiirka ayaa sheegay in dib-u-furista waddadu ay muhiim u tahay fududeynta isu-socodka, dardargelinta ganacsiga iyo xoojinta adeegyada Dekedda Boosaaso, oo ah mid ka mid ah xarumaha muhiimka u ah dhaqaalaha Puntland.

Boosaaso | 02 Agoosto 2026Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Dowladda Puntland, Mudane Eng-Moham...
02/08/2026

Boosaaso | 02 Agoosto 2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Dowladda Puntland, Mudane Eng-Mohamed Ali Maraykan , ayaa ka qayb galay kulan uu Shir guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni , oo safar shaqo ku jooga magaalada Boosaaso.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud iyo dardargelinta dhammaystirka howlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda buuraha Calmiskaad.

Waxaa kulanka sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland, La-taliyeyaasha Madaxweynaha, Maamulka Gobolka Bari iyo saraakiisha hoggaaminaya howlgalka Calmiskaad.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Puntland ee lagu xoojinayo amniga, laguna dardargelinayo sidii loo soo afjari lahaa kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada buuraha Calmiskaad.

▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA DEKADAHA IYO GADIIDKA,BADDA PUNTLAND

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Dowladda Puntland Mudane Shaakir Mohamed Gulled, ayaa hambalyo iyo boga...
31/07/2026

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Dowladda Puntland Mudane Shaakir Mohamed Gulled, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya dhammaan shacabka reer Puntland munaasabadda Xuska 28-aad ee Aasaaska Dowladda Puntland, oo ku beegan 1-da Agoosto.

28/07/2026

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka Badda iyo Dekadaha Dowladda Puntland Mudane Shaakir Mohamed Gulled oo uu weheliyo Agsimaha Guud ee Wasaradda Mudane Abdimajiid Samatar Jafaan ayaa maanta hortagay Guddiga Arrimaha Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Wasiirku wuxuu guddiga uga warbixiyey waxqabadka Wasaaradda, horumarinta dekedaha, dakhliga, caqabadaha jira iyo qorshayaasha mustaqbalka. Sidoo kale, wuxuu faahfaahin ka bixiyey cabashooyinka la xiriira Dekedda Boosaaso iyo tallaabooyinka ay Wasaaraddu qaaday si loo xaqiijiyo habsami u socodka adeegyada dekedda iyo ganacsiga.

27/07/2026

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka Badda iyo Dekadaha Dowladda Puntland Mudane Shaakir Mohamed Gulled oo uu weheliyo Agsimaha Guud ee Wasaradda Mudane Abdimajiid Samatar Jafaan ayaa maanta hortagay Guddiga Arrimaha Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Wasiirku wuxuu guddiga uga warbixiyey waxqabadka Wasaaradda, horumarinta dekedaha, dakhliga, caqabadaha jira iyo qorshayaasha mustaqbalka. Sidoo kale, wuxuu faahfaahin ka bixiyey cabashooyinka la xiriira Dekedda Boosaaso iyo tallaabooyinka ay Wasaaraddu qaaday si loo xaqiijiyo habsami u socodka adeegyada dekedda iyo ganacsiga.

MADAXDA WASAARADDA OO WARBIXIN DHAMAYSTIRAN SIIYEY GUDDIGA HAWLAHA GUUD, GANACSIGA IYO KAABAYAASHA DHAQAALAHA EE BAARLAM...
27/07/2026

MADAXDA WASAARADDA OO WARBIXIN DHAMAYSTIRAN SIIYEY GUDDIGA HAWLAHA GUUD, GANACSIGA IYO KAABAYAASHA DHAQAALAHA EE BAARLAMAANKA PUNTLAND

Garoowe | 27 Luulyo 2026
Madaxda Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Dowladda Puntland, oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda, Mudane Shaakir Mohamed Gulled , oo weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, mudane Cabdimajid Samatar Jaafan, ayaa maanta hortagay Guddiga Hawlaha Guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa guddiga u soo bandhigay warbixin dhamaystiran oo ku saabsan waxqabadkii Wasaaradda, mashaariicda iyo barnaamijyada socda, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha horumarineed ee loo dejiyey xoojinta adeegyada gaadiidka badda iyo horumarinta dekedaha Puntland.
Sidoo kale, kulanka waxaa diiradda lagu saaray guulaha muhiimka ah ee Wasaaraddu ku tallaabsatay muddadii u dambeysay, iyadoo guddigu su'aalo iyo talooyin wax-ku-ool ah ka bixiyey sidii loo sii dardargelin lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan sii xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Wasaaradda iyo Guddiga Hawlaha Guud, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, si loo dardargeliyo horumarinta iyo tayeynta adeegyada muhiimka u ah koboca dhaqaalaha Puntland.

▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA DEKADAHA IYO GADIIDKA,BADDA PUNTLAND

Boosaaso | 27 Luulyo 2026Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Dowladda Puntland, Mudane Eng-Mohame...
27/07/2026

Boosaaso | 27 Luulyo 2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Dowladda Puntland, Mudane Eng-Mohamed Ali Maraykan , oo uu weheliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha, Mudane Maxamed Siciid, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Dekedda Boosaaso.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda howlaha ka socda dekedda, gaar ahaan dejinta badeecadaha iyo dhoofinta xoolaha oo si habsami leh uga socda Dekedda Boosaaso.

Mas'uuliyiinta waxaa halkaas ku soo dhoweeyey Agaasimaha Waaxda Faraca Badda, Mudane Khaalid, iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka dekedda. Waxay warbixin ka dhegeysteen howlaha socda, iyagoo bogaadiyey dadaalka lagu dardargelinayo adeegyada dekedda iyo kor u qaadidda hufnaanta shaqooyinka ka socda Dekedda Boosaaso.

▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA DEKADAHA IYO GADIIDKA,BADDA PUNTLAND

Boosaaso | 23 Luulyo 2026Maanta waxaa si rasmi ah loo soo xiray tababarka Port Security and Law Enforcement Training (Ta...
23/07/2026

Boosaaso | 23 Luulyo 2026

Maanta waxaa si rasmi ah loo soo xiray tababarka Port Security and Law Enforcement Training (Tababarka Amniga Dekedaha iyo Dhaqan-gelinta Sharciga), kaas oo ay ka faa'iidaysteen hawl-wadeennada Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Dowladda Puntland.

Tababarkan, oo socday muddo laba toddobaad ah, ayaa qayb ka ahaa barnaamijka Women in Maritime Sector (Dumarka Ka Shaqeeya Arrimaha Badaha). Ujeeddadiisu waxay ahayd kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha la xiriira amniga dekedaha, dhaqan-gelinta sharciga, iyo xoojinta awoodda shaqaalaha ka hawlgala waaxda badaha.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa si rasmi ah u soo xiray Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Dowladda Puntland, Mudane Eng-Mohamed Ali Maraykan , waxaana ku weheliyey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha mudane Maxamed siciid iyo Taliyaha Booliska Dekedda Korneel warsame

Mas'uuliyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa bogaadiyey ka qaybgalayaashii tababarka, iyagoo ku dhiirrigeliyey inay aqoonta iyo xirfadaha ay kororsadeen ku dabaqaan gudashada waajibaadkooda shaqo. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay tababarrada noocan ahi u leeyihiin sare u qaadidda amniga dekedaha, horumarinta adeegyada badda, iyo tayeynta shaqaalaha ka hawlgala Wasaaradda.

▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA DEKADAHA IYO GADIIDKA,BADDA PUNTLAND

Boosaso:    Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Maxamuud (Arbac) , ayaa maanta booqa...
20/07/2026

Boosaso: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Maxamuud (Arbac) , ayaa maanta booqasho shaqo ku yimid Dekedda Boosaaso.

Wasiirka waxaa halkaas ku soo dhoweeyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Dowladda Puntland, Mudane Eng-Mohamed Ali Maraykan .

Mas'uuliyiintu waxay si wadajir ah kormeer ugu sameeyeen qaybaha kala duwan ee Dekedda Boosaaso, iyagoo u kuurgalay howlaha shaqo ee ka socda dekedda iyo habsami u socodka adeegyada ay bulshada iyo ganacsatadu ka helaan.

Intii uu kormeerku socday, masuuliyiintu waxay warbixinno ka dhegeysteen maamulka dekedda iyo masuuliyiinta ay khusayso, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey heerka ay marayaan howlaha dekedda, adeegyada la bixiyo, iyo dadaallada lagu horumarinayo waxqabadka dekedda.

Mas'uuliyiintu waxay bogaadiyeen shaqada ka socota Dekedda Boosaaso, iyagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay dekeddu u leedahay koboca dhaqaalaha Puntland iyo fududeynta ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah. Sidoo kale, waxay xoojiyeen muhiimadda iskaashiga hay'adaha dowladda si loo sii dardargeliyo horumarinta adeegyada dekedda loona kordhiyo hufnaanta iyo tayada adeegyada loo fidiyo bulshada iyo ganacsatada

▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA DEKADAHA IYO GADIIDKA,BADDA PUNTLAND

Boosaaso: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Dowladda Puntland, Mudane Shaakir Mohamed Gulled , oo ay wehe...
19/07/2026

Boosaaso: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Dowladda Puntland, Mudane Shaakir Mohamed Gulled , oo ay weheliyaan Wasiirro ka tirsan Dowladda Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdimajid Samatar Jaafan, iyo Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, ayaa kormeer shaqo ku tegay Dekedda Boosaaso.

Mas'uuliyiintu waxay qiimeeyeen habsami u socodka howlaha dekedda, waxqabadka shaqaalaha, iyo adeegyada loo hayo ganacsatada, iyagoo sidoo kale xog-ogaal u noqday xaaladda guud ee dekedda.


Kormeerkan wuxuu muujinayaa sida ay Dowladda Puntland uga go'an tahay xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga, iyo casriyeynta adeegyada Dekedda Boosaaso, oo ah halbowlaha ganacsiga Puntland iyo marin istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku socodka badeecadaha iyo horumarka dhaqaalaha.

▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA DEKADAHA IYO GADIIDKA,BADDA PUNTLAND

Address

Boosaaso

Opening Hours

08:00 - 17:00

Telephone

+252907780150

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Puntland:

Shortcuts

Share