03/09/2026
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Puntland Maxamed Jaamac, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso Maxamuud Cabdullaahi Axmed Kawte, ayaa ka qaybgalay kulan ay soo qabanqaabisay Wasaaradda qorshaynta kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta isku-xirk dhinacyada gargaarka bani'aadannimo, horumarinta, iyo nabad-dhiska (HDP Triple Nexus). Kulankan waxaa ka soo qaybgalay Agaasimayaal ka tirsan dowladda hoose, hay'adaha gargaarka, wasaaradaha amniga iyo caddaaladda, maaraynta masiibooyinka iyo khubaro kale iyadoo laga wada hadlay sidii loo abuuri lahaa hannaan isku-dhafan oo wax ku ool ah, si looga jawaabo baahiyaha dhabta ah ee bulshada.
Ujeedada kulanka ayaa ahayd in mashaariicda gargaarka iyo horumarinta lala jaanqaadiyo xasiloonida iyo nabad-dhiska, iyadoo la xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo daneeyayaasha. Kulanku wuxuu ahaa fursad ay ka qaybgalayaashu khibrado iyo talooyin ku dhaafsadeen sidii loo wanaajin lahaa wax-ku-oolnimada howlahan, si loo gaaro natiijooyin waara oo ka tarjuma baahiyaha deegaannada Puntland.