18/08/2026
DHAGAX-DIGGA SALDHIGGA BOOLISKA BIYO-KULULE
Boosaaso, 18 Agoosto 2026: Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, G/sare Siciid Aadam oo ay weheliyaan maamulka Gobolka Bari, saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland, Hoggaanka Ilaalinta Deegaanka iyo Duurjoogta Ciidanka Booliska Puntland G/dhexe Faadumo
Cabdiqaadir, iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga
ayaa maanta si rasmi ah uga qayb galay dhagax-dhigga Saldhigga Booliska Biyo-kulule ee magaalada Boosaaso.
Saldhigga ayaa dib-u-habayn iyo casriyeyn lagu samayn
doonaa, iyadoo loo dhisayo qaab casri ah oo ka jawaabaya baahiyaha amni ee bulshada deegaanka.
Dhismaha saldhigga ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga, tayaynta adeegyada Booliska iyo
adkaynta wada-shaqaynta Booliska iyo bulshada.
Saldhigga cusub ayaa la filayaa inuu nogdo xarun muhiim u ah sugidda amniga iyo bixinta adeegyo Boolis oo hufan oo
loo fidiyo bulshada ku dhaqan Biyo-kulule iyo
nawaaxigeeda, mashruuca waxaa Fulinaya Hay'adda UNDP
waxaana ku deeqay Dowladda Japan.
Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari