10/07/2026
Waxaan fursad u helay inaan soo bandhigo talo-soo-jeedin ku saabsan xaaladda amniga, garsoorka iyo dakhliga ee dowladaha hoose ee Puntland, caqabadaha jira iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee loo baahan yahay si loo xoojiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada.
Puntland waxay soo martay marxalado kala duwan iyo duruufo adag. Waxaa lagu soo dhisay dadaal, wadajir, adkaysi iyo aragti fog oo ay muujiyeen shacabkeeda iyo hoggaankeedu. Maanta, waxaa muhiim ah inaan qiimeyno halka aan ka nimid, guulaha aan gaarnay, caqabadaha weli jira iyo halka aan doonayno inaan gaarno.
Mid ka mid ah guulaha muhiimka ah ee Puntland gaartay waa hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah, taas oo shacabka siisay fursad ay si toos ah ugu doortaan goleyaasha deegaanka iyo cidda matalaysa.
Haddaba, tallaabada xigta waa in la dhiso Dowlado Hoose oo xooggan, awood leh, hufan, isla-xisaabtan leh, una dhow shacabka ay matalaan.
Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in la sii xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Puntland iyo Dowladaha Hoose, la ballaariyo adeegyada amniga iyo garsoorka, la xoojiyo awoodda maamul iyo dhaqaale ee degmooyinka, lana dhiso nidaamyo hufan oo ku saleysan wada-shaqeyn, isla-xisaabtan iyo adeeg bulsho.