01/10/2026
Dadaalo Nabadeed (Outreach) | Towfiiq iyo Dhinowda
16โ20 Luulyo 2026, waxaa Towfiiq, Dhinowda, Hir-salaama iyo Bog-qalooc ka dhacay dadaallo nabadeed oo oo wacyigalin iyo xaqiiqo raadin ah oo ay fududaysay PSA, iyadoo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Koowaad ee Guddoomiyaha Gobolka. Wafdiga waxaa sidoo kale ku weheliyay odayaal dhaqameed dhexdhexaad ah oo h**e uga shaqaynayay nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka.
Intii ay socdeen dadaallada nabadeed , 17kii July 2026 waxaa Towfiiq lagu qabtay kulan wacyigelin ah oo bulshada lagula hadlay muhiimadda nabadda iyo ka hortagga khilaafaadka. Maalintii xigtay, 18kii July, dadaalku wuxuu u gudbay xog-ogaal iyo xaqiiqo-raadis ku saabsan khilaafaadka dhulka, iyadoo la eegayay arrimaha jira, goobaha ay khilaafaadku ka taagan yihiin iyo cidda leh ama maamusha dhulalka ay khilaafaadku khuseeyaan. Dadaallada wacyigelinta ayaa 19kii July ka sii socday Dhinowda, halkaas oo bulshada lagula hadlay muhiimadda nabadda iyo ka hortagga khilaafaadka.
Dadaalladani waxay bulshada gaarsiiyeen farriimo ku saabsan nabadda iyo ka hortagga khilaafaadka, halka xog-raadistii deegaanka ay ka caawisay in si wanaagsan loo fahmo arrimaha iyo goobaha ay khilaafaadka dhulku ka jiraan. Xogtan ayaa saldhig u noqon karta wada-hadallada iyo tallaabooyinka xiga ee wax looga qabanayo arrimahaas.
---------------------
Peace Outreach | Towfiiq and Dhinowda
16โ20 July 2026, PSA facilitated a peace outreach across Towfiiq, Dhinowda, Hir-salaama and Bog-qalooc, led by the First Deputy Governor. The delegation included neutral traditional elders with prior experience in peacebuilding and conflict mediation.
As the outreach progressed, a community awareness meeting was held in Towfiiq on 17 July, focusing on the importance of peace and conflict prevention. The following day, 18 July, the outreach moved into field-level fact-finding on land disputes, examining the issues involved, identifying the areas where disputes were occurring, and clarifying questions of land ownership and jurisdiction. On 19 July, the awareness activities continued in Dhinowda, where the community was engaged on the importance of peace and preventing conflict.
The outreach helped strengthen community awareness around peace and conflict prevention, while the field-level fact-finding provided a clearer understanding of the issues and locations linked to land disputes. These findings can provide a basis for subsequent dialogue and follow-up on the issues identified.
Facilitated by PSA Somalia through the SSF III Joint Peace Initiative (JPI) Phase II, with support from the Somalia Stability Fund III (SSF III).
UK in Somalia