Dawlada Hoose ee Degmada Buuhoodle

Dawlada Hoose ee Degmada Buuhoodle The Official Page Of Buhodle Local government Togdher Region of North east state

Sawiro: Tababarka shaqaalaha dab-damiska degmeda buuhoodle.
15/08/2026

Sawiro: Tababarka shaqaalaha dab-damiska degmeda buuhoodle.

15/08/2026

Laascaanood, 15 Aug, 2026.

Duqa degmeda buuhoodle Cabdifataax Cali Cawil ayaa waxaa uu maanta tababar uga furay magaalada laascaanood ciidanka dab-damiska buuhoodle.

Tababarkan waxaa degmeda ka caawiyay
Mayir ka degmeda laascaanood: Cabdirixiin Cali Ismaaciil.

Ciidanka maanta tababarka loo furay waxay buuxin doonaan kaalintii banaanayd ee uu u baahnaa gaadhiga dab-damiska ee degmadu.

11/08/2026

Dawlada hoose ee Degmada Buuhoodle ayaa wada ololaha Quality control oo lagu hubinayo tariikhda cunooyinka, Sharaabada, cosmatic-ga iyo dhamaan waxyaabaha la quuto olahanboo uu hogaaminayo xogahaya iyo waaxda arimaha bulshada ayaa lagu qaaday suuqyada waawayn ee magaalada Buuhoodle iyagoona soo bandhigay Alaabo badan oo dhacday.

06/08/2026

Xogahayaha fulinta Dawlada hoose ee degmada Buuhoodle Cabdicasiis Maxamud Caydiid ayaa kulan la qaatay agaasimayaasha waaxaha dawlada hoose waxaana lagu lafa gurey dardargalinta hawlaha baaxada leh ee horyaala.

27/07/2026

Buuhoodle, 27-July-2026.

Dawladda hoose ee degmeda buuhoodle oo uu u horeeyo Duqa Degmeda: Cabdifatax Cali Cawil, Mayir ku xigeen-ka Degmeda Muuse Axmed Ali iyo xoghayaha Fulinta Degmeda: Cabdicasis Maxamud Caydiid, ayaa maanta waddo cusub ka bixisay dhan-ka bari ee magaalada.

Qarash-ka wadadan ku baxay iyo dhulka wadadu marayso qayb ka mid ah waxaa bixiyay mid kamid ah u qurba-joogta deegaanka oo ah Maxamud Xasan Uurmaax( Qadhfle), wadadana waxaa loogu magac daray Qadhafle Road.

Duqa degmeda buuhoodle ayaa masuulka uga mahad-celiyay sida uu uga qayb-qaatay horumarka deegaanka,
Maayirku Wuxuu qurba-joogta kale ee deegaanka ugu baaqay inay ka qayb qaataan horumarka degmeda.

—————————————————————
Xafiiska Warbaahinta D.D.B
—————————————————————

25/07/2026

Buuhoodle, 25- July-2026,
waxaa magaalada buuhoodle soo gaadhay wafdi uu hogaaminayo wasiir-ka hawlaha guud, gaadiid-ka iyo dib u dhiska dawlad goboleed-ka woqoyi-bari mudane: Jaamac Faarax Muuse iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Arimaha Gudaha: Cabdisalaan Iimaan.

Soo dhowaynta wafdiga waxaa ka qayb qaatay Maamul-ka Gobolka,degmeda, xildhibaanada golaha deegaanka iyo gudiyada xaafadaha.

Duqa degmeda buuhoodle ayaa war-bixin guud ka siiyay deegaan-ka iyo wax-qabadyada u qabsoomay iyo shaqooyinka hor-tabinta leh ee degmeda u yaalla.

23/07/2026

Wadadii 2aad oo la furey

22/07/2026

Ololaha wadda furista oo ka bilaamnay Buuhoodle waxaana maanta lagu guuleystay in lafuro laba wado oo muhiim ah gaadiidka iyo dad waynaha waxaa sidoo kale la aasay baraak dhibaato ku haysay bulshada. Dawlada hoose ee Buuhoodle ayaa wada barnaamij balaadhan oo lagu hagaajinayo wadooyin.

15/07/2026

Kulan is xogwareysi ah oo ay yeesheen xubnaha fulintada demada Buuhoodle iyo qaar kamid ah xildhibaanada Woqooyi bari Ayaa ka qabsoomay magaalada Buuhoodle waxaana diirada lagu saarey shaqooyinka degmada kasocda iyo dardargalinteeda.

12/07/2026

Dawlada hoose ee Degmada Buuhoodle oo uu horkacayo gudoomiyaha degmada Cabdifataax Cali Cawil gudoomiye ku xiggeenka iyo xoghayaha ayaa xaley olole balaadhan oo nadaafadeed ka fuliyo suuqa wayn laamigu maro iyadoo gabi ahaanba laga nadiifiyey qashinka iyo ciid badan oo taaley.

Address

Buuhoodle

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawlada Hoose ee Degmada Buuhoodle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share