24/08/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐โ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Dowladda Waqooyibari iyo Hayโadda SoDMA ayaa si wadajir ah deeq raashin ah u gaarsiiyey 195 qoys oo ku nool Deegaanka Guumeys ee Gobolka Sool.
Deeqdan ayaa loogu talagalay qoysas ay si gaar ah u saameeyeen abaarta iyo duruufaha nololeed ee ka jira deegaanka, iyadoo Gargaarkani mid yahay dadaallada lagaga Jawaabayo Xaaladaha abaarta ee ka jirta Deegaanada waqooyibari.
Qaybinta deeqdan waxaa goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka iyo Hayโadda SoDMA, maamulka degmada, odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Wasaaradda iyo Hayโadda SoDMA waxay sii wadi doonaan iskaashiga iyo gurmadka loo fidinayo bulshada ay saameeyeen abaarta iyo xaaladaha nololeed ee adag, iyadoo diiradda la saarayo qoysaska ugu baahida badan.
๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐-
โโโโโโโโโโโโโโโโโโ
โ ๐ซ๐๐๐๐๐ฆ๐๐ ๐ช๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ก๐ง๐ & ๐ซ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ช๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐ค๐ค ๐ถ๐ ๐ฒ๐ ๐ ๐ฑ๐ ๐ฃ๐ฃ๐ ๐ฆ๐ ๐ฑ๐ฆ๐ ๐ ๐ฑ๐ช๐ ๐จ๐ธ๐ฎ ๐ฌ๐ ๐ ๐ฑ๐ ๐ธ๐ญ๐ณ๐ ๐ฌ๐ด๐ฒ๐จ๐จ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ธ๐จ๐ญ๐ช๐ ๐ฃ๐ฎ๐ถ๐ซ๐ ๐ฃ๐ฃ๐ ๐ถ๐ ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ธ๐จ๐ก๐ ๐ฑ๐จ,๐ฒ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ ๐ ๐ซ๐จ๐ธ๐ โ
๐ง Email:
[email protected]
๐ Website:
mohadm.ne.soโ
๐ Facebook:
https://www.facebook.com/share/1CTBnCuWWu/โ ๏ฟฝ
TikTok:
๐ฅ tiktok.com/