Dowladda hoose ee Degmada Cadaado

Dowladda hoose ee Degmada Cadaado Waxaad boggaan ka heleysaa wararka rasmiga ah ee Dowlada Hoose ee Degmada Cadaado

Gudoomiyaha degmada Cadaado oo Muqdisho uga qayb galay kulan aqoon is waydaarsi ah.Muqdisho; 26-Aug-2026:- Guddoomiyaha ...
26/08/2026

Gudoomiyaha degmada Cadaado oo Muqdisho uga qayb galay kulan aqoon is waydaarsi ah.

Muqdisho; 26-Aug-2026:- Guddoomiyaha Degmada Cadaado Mudane Faarax Diiriye Warsame oo uu wehliyo Xoghayaha dowlada hoose degmada Cadaado Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xirsi ayaa maagalada Muqdisho uga qayb galay kulan aqoon is waydaarsi ah oo ay isugu yimaadaan qaar kamid ah Degmooyinka dalka iyo Gobolka Banaadir.

Kulankaan oo diirada lagu saaraayey in degmooyinku wax ka bartaan waayo-aragnimada Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, adeegyada NIRA iyo diiwaangelinta dadweynaha (dad-dhigista), canshuur ururinta iyo kobcinta dakhliga gudaha.

Barnaamijka ayaa wuxuu ka koobnaan doonaa kulamo farsamo, bandhigyo iyo
booqashooyin lagu tegi doono waaxyaha iyo goobaha adeegyada muhıimka ah.

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email:[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL
Website: https://Cadaado.gm.so

Cadaado; 18-Aug-2026:- Guddoomiyaha Degmada Cadaado Mudane Faarax Diiriye Warsame ayaa Hambalyo u diray dhamaan ardeyda ...
18/08/2026

Cadaado; 18-Aug-2026:- Guddoomiyaha Degmada Cadaado Mudane Faarax Diiriye Warsame ayaa Hambalyo u diray dhamaan ardeyda dugsiyada dhexe Galmudug ee kasoo gudbay Imtixaanka dugsiga dhexe.

Si gaara wuxuu Gudoomiyuhu u Hambalyeenaa Ardeyga Mohamed Abdinasir Abdulkhadir oo kaalinta 6aad ka galay Imtixaanka.

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email:[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL
Website: https://Cadaado.gm.so

16/08/2026

Soo Dhaweynta Madaxweynaha JFS Ee Degmada Cadaado.

CADAADO, 16 AGOOSTO 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey degmada Cadaado.

Soo dhaweynta madaxda qaranka waxaa hormuud ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, iyadoo ay ka qeyb qaateen kumannaan kamid ah shacabka degmada, kuwaas oo si weyn ugu soo baxay soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku maraya degmooyin iyo deegaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, isagoo kulamo iyo howlo shaqo la yeelanaya madaxda Galmudug iyo bulshada deegaanka.

Cadaado waxay maanta muujisay soo dhaweyn, midnimo iyo garab istaag ay u hayso madaxda Qaranka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha – Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado
[email protected]
Cadaado.gm.so

Soo Dhaweynta Madaxweynaha JFS Ee Degmada Cadaado.  CADAADO, 16 AGOOSTO 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soom...
16/08/2026

Soo Dhaweynta Madaxweynaha JFS Ee Degmada Cadaado.

CADAADO, 16 AGOOSTO 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey degmada Cadaado.

Soo dhaweynta madaxda qaranka waxaa hormuud ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, iyadoo ay ka qeyb qaateen kumannaan kamid ah shacabka degmada, kuwaas oo si weyn ugu soo baxay soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku maraya degmooyin iyo deegaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, isagoo kulamo iyo howlo shaqo la yeelanaya madaxda Galmudug iyo bulshada deegaanka.

Cadaado waxay maanta muujisay soo dhaweyn, midnimo iyo garab istaag ay u hayso madaxda Qaranka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha – Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado
[email protected]
Cadaado.gm.so

Guddoomiyaha Degmada Cadaado oo Daah-furay Maalinta Furitaanka Qandaraasyada (Bid Opening Day)📍 Cadaado, 15 Ogoosto 2026...
15/08/2026

Guddoomiyaha Degmada Cadaado oo Daah-furay Maalinta Furitaanka Qandaraasyada (Bid Opening Day)

📍 Cadaado, 15 Ogoosto 2026: Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, oo uu weheliyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xirsi, ayaa maanta si rasmi ah uga qayb galay munaasabadda Furitaanka Qandaraasyada (Bid Opening Day) oo lagu qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa wakiillo ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta (MoIFAR) ee Galmudug, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,UNICEF, Guddiga Qandaraas-yada Degmada iyo masuuliyiin kale.

Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa si rasmi ah loo furay qandaraasyada la xiriira mashaariic muhiim ah oo loogu talagalay horumarinta adeegyada bulshada, kuwaas oo ay kamid yihiin:
🔹 Dhismaha iyo kordhinta fasalo qaar kamid ah School-da degmada.
🔹 Dhismaha iyo dayactir qaybo lagu kordhinayo Isbitaalka Weyn ee Cadaado
Mashaariicdan ayaa kamid ah qorshayaasha mudnaanta u leh bulshada degmada, iyadoo laga filayo inay wax weyn ka tari doonaan horumarinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Habraaca furitaanka qandaraasyada ayaa u dhacay si waafaqsan mabaadi’da hufnaanta, caddaaladda, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, iyadoo ay si dhow ula socdeen Guddiga Qandaraasyada Degmada iyo bah-wadaagta horumarinta.

Maamulka Degmada Cadaado wuxuu mar kale caddeynayaa sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta kaabeyaasha muhiimka ah iyo hirgelinta maamul wanaagsan oo ku dhisan hufnaan iyo isla xisaabtan.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha – Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado
[email protected]
Cadaado.gm.so

12/08/2026

Maamulka degmada Cadaado oo koormeeray wadooyinka suuqa oo la saaraayo Interlock-ka.

Cadaado; 11-August-2026: Gudoomiye ku xigeenka degmada Cadaado mudane Cabdixakiin Maxamed Cali(Shilin) oo ay wehliyaan Xoghayaha Dowlada hoose degmada Cadaado Mudane: Abdirahman Ahmed Hirsi, Qaar kamid ah Xubnaha Goleha degaanka degmada, Agaasimeyaasha degmada iyo Taliska Saldhiga ciidanka degmada ayaa saakay Kormeer iyo Wacyigelin ku tagay wadooyinka suuqa ee la saaraayo Interlock-ka.

Interlock-ka loogaan oo ay dowlada hoose ee degmada Cadaado fulineyso iyadoo iska kaashanaayaan Mashruuca Dowlad-Kaab iyo Bulshada deegaanka ayaa waxaa la saaraa laba wado oo muhiim ah dhex marana suuqa wayn ee degmada.

Maamulka ayaa Dadka wadad soo galay ee sandaqadaha iyo Hangarada ka dhistey ku wargaliyey inay baneeyaan maadaama wada dhamaanteed la saaraayo Interlock-ka.

Maamulka Degmada Cadaado oo Kormeeray Waddooyinka Suuqa ee La saaraayo  Interlock-ka.Cadaado, 12 Agoosto 2026: Guddoomiy...
12/08/2026

Maamulka Degmada Cadaado oo Kormeeray Waddooyinka Suuqa ee La saaraayo Interlock-ka.

Cadaado, 12 Agoosto 2026: Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Cadaado, Mudane Cabdixakiin Maxamed Cali (Shilin), oo ay weheliyaan Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado, Mudane Cabdirahman Axmed Xirsi, qaar ka mid ah xubnaha Golaha Deegaanka, agaasimeyaasha degmada iyo Taliska Saldhigga Ciidanka Degmada, ayaa saaka kormeer iyo wacyigelin ku tagay waddooyinka suuqa weyn ee degmada Cadaado oo lagu wado in lagu saaro Interlock.

Mashruuca Interlock-ka oo ay fulinayso Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado, iyadoo iska kaashanaysa Mashruuca Dowlad-Kaab iyo bulshada deegaanka, ayaa lagu sameynayaa laba waddo oo muhiim ah oo dhex mara suuqa weyn ee degmada.

Intii uu socday kormeerka, maamulka degmada ayaa bulshada iyo ganacsatada ku wargeliyay muhiimadda ay leedahay in waddooyinka loo baneeyo hawsha dhismaha, si mashruucu u qabsoomo, loona helo waddooyin qurux badan, nadiif ah oo fududeeya isku socodka bulshada iyo ganacsiga.

Sidoo kale, maamulka ayaa dadka waddada soo galay ee halkaasi ka dhistay sandaqado iyo hangarro ku wargeliyay inay baneeyaan goobahaas, maadaama waddada oo dhan lagu sameynayo Interlock, si loo dardargeliyo loona dhammeystiro mashruuca.

Dowladda Hoose ee Cadaado waxay bulshada uga mahadcelinaysaa wada-shaqeynta iyo taageerada ay ka geysanayaan horumarinta bilicda iyo kaabayaasha degmada.

DHAMMAAD –

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL
Website: https://Cadaado.gm.so
Twitter: https://x.com/DegmadaCadaado

Cadaado | 3 Agoosto 2026Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, oo uu wehliyo Xoghayaha Dowladda Ho...
03/08/2026

Cadaado | 3 Agoosto 2026

Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, oo uu wehliyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado, Mudane Cabdirahman Ahmed Xirsi, ayaa maanta si rasmi ah deegaanka Babur-Harsi uga dhagax dhigay ceel-biyood loogu talagalay in lagu daboolo baahida biyaha ee bulshada deegaanka.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka degmada ee lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan helitaanka biyo nadiif ah, si loo hagaajiyo nolol maalmeedka Dadka Deegaanka.

Maamulka Degmada Cadaado ayaa adkeynaya inuu sii wadi doono hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah, kana jawaabaya baahiyaha bulshada ku nool degmada iyo deegaannada hoos yimaada.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL
Website: https://Cadaado.gm.so
Twitter: https://x.com/DegmadaCadaado

02/08/2026

Gudoomiyaha degmada Cadaado oo deegaanka Gobsoor ka dhagax dhigay maashaariic dhowr ah oo deegaanka laga fulinaayo.

📍Cadaado | 02 Agoosto 2026

Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, oo uu wehlinayay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xirsi, iyo Madaxa Waxbarashada Degmada, Ustaad Sahal, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Madarasada Deegaanka Gobsoor.

Intii ay munaasabaddu socotay waxaa sidoo kale si rasmi ah loogu dhawaaqay in magaca Deegaanka Beendhaarte loo beddelay Deegaanka Gobsoor, kaddib markii bulshada deegaanka ay si wadajir ah ugu heshiiyeen magaca cusub.

Dhanka kale, Deegaanka Gobsoor waxaa ka socda mashaariic horumarineed oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta iyo hirgelinta Master Plan-ka Deegaanka Gobsoor, si loo helo qorshe casri ah oo lagu hagayo koboca iyo horumarka deegaanka.

Maamulka Degmada Cadaado ayaa markale xaqiijiyey sida ay uga go'an tahay horumarinta adeegyada bulshada iyo taageeridda mashaariicda waxbarashada iyo horumarinta kaabeyaasha deegaanka.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL
Website: https://Cadaado.gm.so
Twitter: https://x.com/DegmadaCadaado

Gudoomiyaha degmada Cadaado oo deegaanka Gobsoor ka dhagax dhigay maashaariic dhowr ah oo deegaanka laga fulinaayo.📍Cada...

Address

Madaxtooyada
Cadaado

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda hoose ee Degmada Cadaado posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dowladda hoose ee Degmada Cadaado:

Shortcuts

Share