22/01/2022
Afhayeenka Madasha Badbaadada Galmudug Awil Suudi ayaa warbaahinta la wadaagay Ujeedooyinka Madashu u taagan tahay
MADASHA BADBAADADA GALMUDUG WAXEY U TAAGANTAHAY
1. Uruurinta iyo abaabulidda waxgaradka reer Galmudug ee ku sugan Dalka gudihiisa iyo dibadiisa ee isbedel-doonka ah.
2. Ka badbaadinta Galmudug kooxaha danaystayaasha ee ay gacanta u gashay iyo dhismaha Galmudug midaysan, loo dhan yahay, danaha dadkeeda ka shaqaysa ayadoo loo marayo wadada Sharciga ah ee ugu suurtagalsan sida ugu dhaqsaha badan.
3. La socodka iyo diiwaangalinta tacadiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada, musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodda ee uu geysanayo hogaanka Galmudug.
4. Ka difaacidda Galmudug in aysan gacanta u gelin kooxaha argagixisada ah waqtiga kala guurka ah iyo wacyigelinta bulshada in ay iska difaacaan cadowga.
5. Ka ilaalinta Galmudug in aysan ka dhicin b**b doorasho oo sabab u noqda dagaallo, fowdo iyo xasillooni darro la xakamayn waayo, ayadoo la diiwaangelinayo b**bka doorashada isla markaana dacwad ka dhan cid kasta oo ku lug yeelata la gudbin doono.
Ugu danbayn, waxaan caddaynaynaa in Madasha Badbaadada Galmudug ay soo dhowaynayso xubin ka noqoshada qof kasta oo reer Galmudug ah oo ku qanacsan mabaadi’da iyo ujeedooyinka ay u taagan tahay, Isla markaana diyaar u ah ka qeybgalka hawlaha Madasha.