03/09/2026
Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka dhagax-dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Galmudug, taas oo qayb muhiim ah ka noqonaysa horumarinta iyo tayeynta hay’adaha dowladda.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Galmudug, Mudane Senator Farxaan Cali Maxamuud, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimeyaal, shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo marti-sharaf kale.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Senator Farxaan Cali Maxamuud, ayaa sheegay in dhismaha xaruntan cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladda, laguna horumarinayo adeegyada maaliyadeed iyo habsami-u-socodka shaqada Wasaaradda.
Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa isna tilmaamay muhiimadda ay xaruntani u leedahay tayeynta shaqada Wasaaradda iyo horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Galmudug.
Madaxweynuhu wuxuu adkeeyay in dhismaha iyo tayeynta hay’adaha dowladdu ay saldhig u yihiin dowladnimo waarta, maamul hufan iyo horumar waara oo bulshada gaara.
Dhismaha xaruntan cusub ayaa sidoo kale muujinaya dadaallada Dowladda Galmudug ay ku xoojinayso kaabayaasha hay’adaha dowladda iyo adeegyada ay bulshada u hayaan.
DHAMAAD
Xafiiska Tiknoolojiyada iyo xiriirka Warbaahinta Wasaaradda maaliyada galmudug.
📌Booqo Ciwaanada Wasaarada Maaliyada Galmudug.
Website: https://galmudugmof.so
https://twitter.com/mofgalmudug
https://www.instagram.com/mof.galmud