Galmudug Vice President

Galmudug Vice President The Vicepresident of the Galmudug state of Somalia

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa hambalyo iyo bogaadin  u diray dhammaan...
30/06/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda weyn ee 1-da Luuliyo, oo ku beegan sannad-guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay Xurriyadda Gobollada Koonfureed, Midowgii Labada Gobol (Woqooyi iyo Koofur) iyo Yagleeliddii Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay in 1-da Luuliyo ay tahay astaan qaran oo weyn, taas oo xusuusinaysa halgankii dhiiggii loo huray xorriyadda iyo midnimada dalka,
isagoo xurmo iyo qaddarin weyn u muujiyay hoggaamiyayaashii, dhalinyaradii, iyo halgamayaashii naftooda u soo hurey in maanta la hantiyo calankan xorta ah.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug wuxuu Alle uga baryey dhammaan ummadda Soomaaliyeed in sanno dambe ay ku gaadhaan nabad, caafimaad, midnimo, iyo horumar waara.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Hogaamiyaha  la doortay ee Dowladda Koonfur Galbeed So...
10/06/2026

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Hogaamiyaha la doortay ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUNMadaxweynaha Dowlada Galmudug,Madaxweyne Kuxigeenka iyo Gudomiyaha Barlamanka Ga...
22/04/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Dowlada Galmudug,Madaxweyne Kuxigeenka iyo Gudomiyaha Barlamanka Galmudug waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo guud ahaan ehelkii uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Sheikh Daaud Xirsi Siyaad oo ku geeriyooday Magaalada Caabudwaaq.

Alaha u naxariiste Sheikh Daud Xirsi Siyaad waxaa uu ka mid ahaa Culimada ugu weyn Galmudug waxana uu caan ku ahaa ka shaqaynta Nabada iyo Faafinta Cilmiga .

Waxaan Alle uga baryayaa in uu ka waraabiyo naxariistiisa Jannatul Firdowsna, dhammaan qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fidriga u...
19/03/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fidriga u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Mudane Ali Eid ayaa Alle uga baryay in uu ka aqbalo dhammaan muslimiinta soonkii, salaaddii, iyo acmaashii wanaagsanaa ee lagu waynaynay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, isla markaana uu ka dhigo kuwa ku guulaysta ajarka iyo dembi dhaafka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in munaasabadda Ciidul Fidriga ay tahay maalin farxad, iyo isu naxariisasho, isaga oo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Galmudug in la isu naxariisto, gacanna la siiyo bulshada kuwooda nugul.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Ali Dahir Eid ayaa manta kormeer shaqo ku tagay Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha D...
14/03/2026

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Ali Dahir Eid ayaa manta kormeer shaqo ku tagay Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay Wasaarada waxana u halkaasi kula dardarmay Masuliiyiinta iyo Howlwadenada Wasaarada in adeegyada Wasaarada la daadajiyo oo Shacabka Galmudug ee Dagmooyinka iyo Deeganada lo dhaweeyo.

Wasirkii Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Wasiir ahmednuur ayaa sheegay in Wasaarada ay qoday in ka badan 100 ceel biyood oo nooca Solar ka ah hadana ay dhamaysay Shaybaarka biyo ee ugu weyn Soomaaliya oo dhawaan Xariga laga jaridoono.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiirki h**e ee Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Wasiir ahmednuur iyo Waasiirka Cusub ee Wasaarada abdulahi Maxamed Dahir oo uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaariye.

Tacsi Inaa Lilaahi Wa’inaa Ilaah Rajicoon    Madaxweynaha Dowlada Galmudug  Ahmed Abdi  Kaariye , Madaxweyne kuxigeenka ...
19/02/2026

Tacsi

Inaa Lilaahi Wa’inaa Ilaah Rajicoon

Madaxweynaha Dowlada Galmudug Ahmed Abdi Kaariye , Madaxweyne kuxigeenka Ali Dahir Eid Gudomiyaha Barlamanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal waxay ka tacsiyaynayan Geeridii ku timid Marxuun Ganacsade Raawe Suleiman Ciid,

Alaha u naxariiste Marxuunka Raawe Suleiman Ciid waxaa uu ahaa Ganacsade Sadaqo badan dadkuna aad u jecel yihiin

Waxaan Alle uga baryaynaa in uu u dambi dhaafo, kuna casuumo jannatul Fardawsa Qoyskiisii, Ehelada iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed waxaan Leenahay Ilaahay samir iyo iimaan ha innaga siiyo Amiin Amiin Amiin.

MADAXWEYNE KUXIGEENKA GALMUDUG OO HAMBALIYO KU ADAN BILASHADA BISHA RAMADAAN U DIRAY SHACABKA GALMUDUGMadaxweyne Ku-xige...
17/02/2026

MADAXWEYNE KUXIGEENKA GALMUDUG OO HAMBALIYO KU ADAN BILASHADA BISHA RAMADAAN U DIRAY SHACABKA GALMUDUG

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bishan barakaysan ee Ramadaan u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed , gaar ahaan Shacabka Dowlada Goboleedka Galmudug.

Mudane Ciid ayaa sheegay in bisha Ramadaan ay tahay fursad qiimo leh oo Alle loogu dhawaanayo, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la sii xoojiyo acmaasha khayrka leh, gaar ahaan is-cafinta, isku duubnida bulshada iyo garab istaagga dadka tabaaleysan, isaga oo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan fadliga bisha barakaysan, isla markaana ay dalkooda iyo dadkooda ugu duceeyaan nabad, xasillooni iyo horumarka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale tilmaamay in Ramadaantu tahay bil lagu xoojiyo qiyamka Islaamka ee naxariista, samafalka iyo wadajirka, isaga oo Alle uga baryay in uu shacabka Soomaaliyeed ku gaarsiiyo bishan kheyr, barwaaqo iyo nabad waarta.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa manta Xarunta Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay Masuliyiinta ug...
17/02/2026

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa manta Xarunta Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay Masuliyiinta ugu sareysa hay,ada Caalamiga ah ee ICRC.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa Hay,ada ICRC Kala hadlay ka qayb qadashasa Gurmadka Abaraha iyo dhamaystirka Mashaaricda Hay,ada ay ka wado Galmudug.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiiro, Gudomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha F...
10/02/2026

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug Mudane Ali Dahir Eid ayaa Magacabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u Heshisiinta Galmudug.

Madaxweyne kuxigenka Galmudug oo furay Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Hay’adda WFP (WFP Country Strategic Plan 2026–2030)...
04/02/2026

Madaxweyne kuxigenka Galmudug oo furay Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Hay’adda WFP (WFP Country Strategic Plan 2026–2030)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, uga furay Shirka La-tashiga Dowladda Galmudug ee Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Hay’adda WFP (WFP Country Strategic Plan 2026–2030).

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Galmudug, ayaa ujeeddadiisu tahay in la xaqiijiyo is-waafajin buuxda oo u dhexeeya Qorshaha Istaraatiijiga ah ee WFP iyo Qorshaha Isbeddelka Galmudug 2026–2030, si loo xoojiyo hoggaaminta dowladeed, lahaanshaha qaranka, iyo saameynta waarta ee barnaamijyada la fulinayo.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Maxamed Cabdullaahi Dhagacade, ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda shirka, isagoo xusay in ka-qaybgalayaasha lagala tashanayo qaabka, mudnaanta, iyo jihada mashaariicda horumarinta, xasilinta, iyo gargaarka bini’aadannimo ee shanta sano ee soo socota laga hirgelin doono Galmudug.

Shirka waxaa ka qeyb galay wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal guud, maamulka degmooyinka, iyo madax kale oo dowladeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya dejinta aragti mideysan oo ku saabsan horumarinta iyo adkeynta adkeysiga bulshada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa ku ammaanay ka-qaybgalayaasha shirka doorkooda firfircoon iyo ka-qaybqaadashadooda wax ku oolka ah, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadatashi ballaaran iyo iskaashi dhow si loo gaaro natiijooyin waara oo wax ku ool ah.

Address

GALMUDUG STETE
Dhuusamarreeb
0000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galmudug Vice President posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Galmudug Vice President:

Shortcuts

Share