Ministry of Planning,Investment & Economic Development-Galmudug

Ministry of Planning,Investment & Economic Development-Galmudug Ministry of Planning,Investment & Economic Development-Galmudug

Dhuusamareeb, Arbaco, 26 Agoosto 2026Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Gal...
26/08/2026

Dhuusamareeb, Arbaco, 26 Agoosto 2026

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Galmudug, Mudane Abdirahman Ahmed Haile, ayaa maanta si rasmi ah usoo xiray Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga Galmudug (Galmudug Business & Investment Climate Forum).

Madashan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Galmudug, Somali Business, iyo Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Galmudug.

Kulanka ayaa isu keenay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Galmudug, oo ay ku jiraan Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga iyo Beeraha, bangiyada gaarka loo leeyahay, ganacsatada, iskaashatooyinka beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada, maalgashatada, hal-abuurayaasha, iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.

Intii uu socday madashan muhiimka ah, Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay:

— Xoojinta iskaashiga dowladda iyo ganacsatada
— Horumarinta ganacsiga Galmudug si loo soo jiito maalgashi cusub
— Dhiirrigelinta fursadaha ganacsi ee ka jira guud ahaan deegaanada Galmudug

Madashu waxay noqotay fursad muhiim ah oo lagu falanqeeyay caqabadaha horyaalla ganacsiga iyo maalgashiga, lagu wadaagay fikrado iyo waayo-aragnimo, isla markaana lagu xoojiyay wada-shaqaynta dhinacyada kala duwan si loo gaaro koboc dhaqaale oo waara.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Galmudug, Cabdullaahi Cumar Aa...
02/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Galmudug, Cabdullaahi Cumar Aadan (Sakiin), ayaa maanta ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Guddoomiyeyaasha Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dowladda Galmudug.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta adeegyada bulshada, kor u qaadidda hufnaanta shaqada dowladda, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha si loo xaqiijiyo adeeg-bixin tayo leh oo waxtar u leh shacabka.

Sidoo kale, Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha Hay’adaha Madaxa-bannaan ayaa isla qaatay in Agaasimayaasha, xirfadlayaasha, iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay si buuxda u hubiyaan habsami-u-socodka jadwalka shaqada iyo gudashada waajibaadka loo igmaday, si loo xoojiyo tayada adeegyada dowladda.

27/07/2026

Dhuusamareeb | 27 Luulyo 2026

Maanta waxaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah looga daahfuray Siyaasadda Maalgashiga Galmudug, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Galmudug.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday Dowladda Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ah, ganacsatada, iyo daneeyayaal kale.

Mudane Cabdirahman Ahmed Haile, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, ayaa jeediyay khudbad muhiim ah oo dhiirrigelin leh xilligii daahfurka. Khudbaddiisa ayaa si qoto dheer u iftiimisay muhiimadda Siyaasaddan cusub ee saldhig u noqonaysa:
• dhisidda jawi maalgashi hufan
• soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda
• kobcinta dhaqaalaha
• abuurista fursado shaqo
• horumar waara

Daahfurkan wuxuu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo kalsoonida maalgashadayaasha, laguna horumarinayo fursadaha dhaqaale ee Galmudug.

Dhuusamareeb | 27 Luulyo 2026Maanta waxaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah looga daahfuray Siyaasadda Maalgashiga Galm...
27/07/2026

Dhuusamareeb | 27 Luulyo 2026

Maanta waxaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah looga daahfuray Siyaasadda Maalgashiga Galmudug, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Galmudug.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday Dowladda Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ah, ganacsatada, iyo daneeyayaal kale.

Mudane Cabdirahman Ahmed Haile, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, ayaa jeediyay khudbad muhiim ah oo dhiirrigelin leh xilligii daahfurka. Khudbaddiisa ayaa si qoto dheer u iftiimisay muhiimadda Siyaasaddan cusub ee saldhig u noqonaysa:
• dhisidda jawi maalgashi hufan
• soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda
• kobcinta dhaqaalaha
• abuurista fursado shaqo
• horumar waara

Daahfurkan wuxuu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo kalsoonida maalgashadayaasha, laguna horumarinayo fursadaha dhaqaale ee Galmudug.

Dhuusamareeb, Galmudug | 22 Luulyo 2026Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaa...
24/07/2026

Dhuusamareeb, Galmudug | 22 Luulyo 2026
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Qorsheynta Galmudug, ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qabatay Shirka Isku-duwidda Arrimaha Horumarinta iyo Bani'aadannimada (NEXUS), kaas oo diiradda lagu saaray kulamada farsamo ee tiirarka Dowlad wanagsan iyo Tiirka hormarinta arimaha bulshada.
Kulamadan farsamo waxay qayb ka yihiin dadaallada heer qaran ee lagu xoojinayo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo mamul goboleedka Galmudug iyadoo la adkeynayo isku-duwidda qorsheynta, wada shaqeynta hay'adaha dowladda, iyo waafajinta mudnaanta horumarineed ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Kulanka waxaa ka qayb galay khubaro farsamo, masuuliyiin ka socday wasaaradaha iyo hay'adaha dowladda, iyo daneeyayaal kale oo door muhiim ah ku leh geeddi-socodka qorsheynta iyo hirgelinta NTP 2025–2029. Intii ay socdeen doodaha, waxaa dib-u-eegis lagu sameeyey mudnaanta istaraatiijiga ah ee labada tiir, iyadoo xoogga la saaray xoojinta hannaanka hirgelinta, isku-duwidda hay'adaha, iyo xaqiijinta in mudnaanta horumarineed ee Dowladda Galmudug si buuxda ugu milmaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Dhuusamareeb, Galmudug – 21 Luulyo 2026: Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka ...
22/07/2026

Dhuusamareeb, Galmudug – 21 Luulyo 2026: Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qabtay shir muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo taageero hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029). Shirkan, oo uu furay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Galmudug, Mudane Cabdulxakiin Yaasiin, ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta si loo kobciyo maalgashiga, loo abuuro fursado shaqo, loona dardargeliyo horumarka dhaqaale ee gobolka. Ugu dambeyn, shirku wuxuu ku soo gabagaboobay is-afgarad lagu ballanqaaday in la sii xoojin doono iskaashiga si loo gaaro yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Galmudug.

Dhuusamareeb 19-20 July:  Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Galmudug, Muda...
22/07/2026

Dhuusamareeb 19-20 July:
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Haile, ayaa si rasmi ah u furay Madasha Ka-qaybgalka Ganacsiga Gaarka loo Leeyahay ee Waxbarashada iyo Adkeysiga (Private Sector Engagement Forum on Education and Resilience), oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, iyadoo Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ay qayb muhiim ah ka ahayd hirgelinta madasha.

Madasha oo socotay muddo laba maalmood ah (19–20 Luulyo 2026) ayaa lagu xoojiyay iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado maalgashiga waxbarashada, horumarinta xirfadaha, iyo adkeysiga bulshada.

Waxaa madasha ka qayb galay wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay, WFP iyo bahwadaagta horumarinta, kuwaas oo ka wada hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga si loo taageero horumar waara iyo kobaca dhaqaalaha Galmudug.

Dhuusamareeb: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Galmudug, Mudane Cabdir...
19/07/2026

Dhuusamareeb: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xayle, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daahfuray Shirka Wasaaradaha Wax-soo-saarka iyo Dhismaha Guddiyada Farsamo ee Qorsheynta Galmudug (SPTWGs).

Shirkan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Galmudug.

Waxaa shirka ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Galmudug, masuuliyiin ka socday wasaaradaha wax-soo-saarka, iyo xubno kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda, is-waafajinta qorshayaasha Dowladda Galmudug iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), iyo dhammaystirka Guddiyada Farsamo ee Qorsheynta (SPTWGs), kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona isku-duwidda, hirgelinta iyo la socodka qorshayaasha horumarineed ee Galmudug.

Dhuusamareeb, Juun 17, 2026: Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug ayaa maanta qabatay ...
17/06/2026

Dhuusamareeb, Juun 17, 2026: Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug ayaa maanta qabatay kulanka PIC–JPMG Coordination Meeting ee Barnaamijka Joint Resilience Programme (JRP).

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Galmudug, hay’adaha Qaramada Midoobay sida UNICEF iyo WFP, sidoo kale hay’adda NRC iyo bahwadaag kale oo ka qeyb qaata fulinta barnaamijka.

Intii uu socday kulanka ayaa lagu falanqeeyay heerka uu marayo barnaamijka JRP, guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhexeysa Dowladda Galmudug, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta fulinta, si loo dardargeliyo adeegyada bulshada, kor loogu qaado xalalka waara, loona xoojiyo adkeysiga bulshooyinka ku nool deegaannada Galmudug.

Dhuusamareeb, Juun 14, 2026; Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta ka qayb galay munaa...
14/06/2026

Dhuusamareeb, Juun 14, 2026; Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu saxiixayay Qorshaha Shaqo ee Iskaashiga ee u dhexeeya Dowladda Galmudug iyo Hay’adda Carruurta ee Qaramada Midoobay ee UNICEF, kaas oo socon doona illaa Diseembar 2027.

Qorshahan ayaa Dowladda Galmudug waxaa u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Heyle.

Qorshaha oo ku kacaya miisaaniyad dhan 35.8 milyan oo doollar, ayaa qeexaya habka ay UNICEF iyo Wasaaradaha Dowladda Galmudug uga wada shaqeynayaan hirgelinta barnaamijyo muhiim u ah bulshada. Barnaamijyadan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo fayadhowrka, xoojinta adkeysiga bulshada, iyo dadaallada lagu yaraynayo saboolnimada si loo dardargeliyo horumarka iyo fursadaha nololeed ee shacabka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Heyle, ayaa sheegay in qorshahan iskaashiga ah uu ka tarjumayo sida ay Dowladda Galmudug uga go’an tahay horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Wasiirku wuxuu xusay in miisaaniyaddan ay door muhiim ah ka qaadan doonto kor u qaadista adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo horumarinta bulshada, isaga oo uga mahadceliyey UNICEF taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Galmudug.

Address

Section 21 Street
Dhuusamarreeb

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252615119160

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Planning,Investment & Economic Development-Galmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Planning,Investment & Economic Development-Galmudug:

Shortcuts

Share