Galmudug State TV

Galmudug State TV Bogga Rasmiga ah ee Talafeshinka Dowladda Galmudug

The Offical Page of Galmudug State Television

06/09/2026

Warka Habeenimo ee Telefashinka Dowladda Galmudug 06/09/2026.

Waxana soo jedinaysa Laylo Cali Cabdi

Galmudug State TV

06/09/2026

Taliye Ku-xigeenka C.I.D.-da Gobolka Galgaduud, Dhamme Cabdulqaadir Abshir Cali, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarumaha garsoorka iyo caddaaladda ee degmada Cadaado.

06/09/2026

Munaasabaddaan oo iskugu jidhay Furitaanka iyo qalin badalashada ardayda fasalka 8-aad ee Dufcaddii 3aad ee Dugsiga Hoose dhexe ee Sahan ayaa lagu gudaha xarunta Dugsiga oo ku taalla Degmada Godinlabe ee Gobalka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gor Gor, Gashanle Hussein Salad Ibrahim (Molif), ayaa billad sharaf guddoonsiiyay S...
06/09/2026

Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gor Gor, Gashanle Hussein Salad Ibrahim (Molif), ayaa billad sharaf guddoonsiiyay Shirkadda JEEGAAN INTERIOR DESIGN, oo door muuqda ka qaadatay naqshadeynta, dib-u-habeynta iyo qurxinta Xafiiska Taliyaha Guutada.

Taliyaha ayaa shirkadda ku ammaanay dadaalka, xirfadda iyo shaqada wanaagsan ee ay ka qabatay xafiiska, isaga oo uga mahadceliyay sida hufan ee ay u gutay hawshii loo igmaday.

Billadda sharafta ayaa loo guddoonsiiyay shirkadda si loo muujiyo qaddarinta iyo mahadcelinta loo hayo shaqadii wanaagsanayd ee ay ka qabatay Xafiiska Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gor Gor.

05/09/2026

Taliyaha Hay’adda NISA Qaybta Galmudug, Col. Xuseen Faarax Dubad, ayaa laba gaari ku wareejiyay Guddiga Khayrdoon ee ka shaqeeya nabadaynta Degmooyinka Balanballe iyo Guriceel.

05/09/2026

Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug, oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta bahda jaamacadaha Gobolka Mudug, ayaa deegaanka Docol ee hoostaga degmada Gaalkacyo kaga qeybgalay munaasabad lagu dhiirrigelinayay ardayda sannadkan ka qalin-jabisay dugsiga sare iyo dugsiga dhexe.
Galmudug State TV

04/09/2026

Masuliyiin Katirsan Dawladda Galmudug ayaa Kaqaybgalay Xaflada Shaacinta Musharax Xildhibaan DFS Kursiga Drs Nasro Mahad Jaamac Taaa oo Lagu Qabtay Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Guriceel iyo Balanbale ayaa guddoominayay shirka Guddiga Nabadeynta labada degmo, waxaana k...
04/09/2026

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Guriceel iyo Balanbale ayaa guddoominayay shirka Guddiga Nabadeynta labada degmo, waxaana ka qayb galay Taliyaha NISA ee Qaybta Galmudug.

Kulankan oo ay ka qayb galeen xubnaha labada Guddiga Nabadeynta labada degmo ayaa lagu lafa-guray guulihii laga gaaray colaaddii soo jireenka ahayd ee ka dhexeysay beelaha wada dega Degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Waxaana heer wanaagsan maraya nabadeynta beelaha wada dega Degmada Balanbale iyo deegaannada ku teedsan, horusocodka iyo dardargelinta nabadeyntana waxaa door weyn ku leh Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Galmudug, Mudane Cali Maxamud Faarax (Cali Seeko), ayaa...
04/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Galmudug, Mudane Cali Maxamud Faarax (Cali Seeko), ayaa ka mid ah martida ka qeybgeleysa Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum 2026).

Shirweynahan oo markii labaad la qabanayo ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa horumarinta warfaafinta dalka, jihada mustaqbalka warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka dowladda iyo dadweynaha, fursadaha ay bixiyaan tiknoolajiyadda iyo baraha bulshada, iyo caqabadaha la xiriira wararka been-abuurka ah.

04/09/2026

Madaxwayanah Dowladda Galmudug mudane Ahmed abdi kaariye ayaa Casar liiqii Shalay booqday Xarunta dhaxe ee Telefashinka Dowladda Galmudug ee Galmudug State TV

Madaxwayana oo uu wehliyay wasiirka Wasaarada Warfaafinka Galmudug Ali mohamed farah iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa xarunta Telefashinka Kusoo dhaweyay Agaasimaha Guud ee Galmudug State TV mudane Mahad bashiir xilif ayadoona uu madaxwaynaha iyo masuuliyiintii kale oga warbixiyay qaybaha shaqada iyo halka ay oga jirto xaruntaan dowladnimada Galmudug ee curdunkaa.

Address

Dhuusamarreeb

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galmudug State TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share