22/09/2026
Maanta waxaan kormeer shaqo ku tagay degmooyinka Huurshe, Xeraale, Caabudwaaq iyo Balanballe. Intii aan ku guda jiray kormeerka, waxaan warbixin guud ka dhageystay saraakiisha iyo ciidamada Booliska ee degmooyinka aan booqday, anigoo ka xog-wareystay xaaladda amniga, howlaha shaqo iyo xaaladda guud ee deegaanadaasi.
Waxaan saraakiisha iyo ciidamada Booliska ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay u gudanayaan waajibaadkooda shaqo, gaar ahaan sugidda amniga, ilaalinta nabadgelyada iyo kala dambeynta, iyo u adeegidda bulshada Galmudug,Waxaan kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaallada ay ugu adeegayaan bulshada iyo sugidda amniga deegaanada ay masuulka ka yihiin.