Dowladda Hoose Ee Degmada Ceeldibir Galmudug-Somalia

Dowladda Hoose Ee Degmada Ceeldibir Galmudug-Somalia Page Rasmiga ah Ee Dowladda Hoose ee degmada ceeldibir Galmudug Somalia.

Guddoomiyaha Degmada Ceeldibir Mahdi Seefle iyo Gudoomiyaha Degmada Xerodhagaxleey Cabdicasiis Ahmed Qeyliye ayaa go'aan...
11/08/2026

Guddoomiyaha Degmada Ceeldibir Mahdi Seefle iyo Gudoomiyaha Degmada Xerodhagaxleey Cabdicasiis Ahmed Qeyliye ayaa go'aan ka gaaray iskaashiga ka hortaga xaalufinta dhirta iyo ilaalinta Deegaanka πƒπ‘πšπ¦π›πšπ²π₯ oo ah dhul daaqsimeed ay bulshada Degmooyinka ka faaidaystaan

Gudoomiyaasha ayaa wadajir u hogaamiyay shalaytoole howlgal ay fuliyeen Ciidamada Amniga Soomaaliyeed kaasoo ka dhacay Deegaanka πƒπ‘πšπ¦π›πšπ²π₯

Go'aankaan ay Gudoomiyaashu gaareen ayaa xoojinaya dadaaladii Guddoomiyaha Degmada Ceeldibir Mahdi Maxamed Shirdoon Seefle uu horay ugu jiray ilaalinta Deegaanka iyo ka hortaga burcad dhireedka

Degmada Ceeldibir iyo Deegaanada hoos yimaada waxaa saaka looga dareeray doorashooyinka Galmudug maanta ka dhacayaQeybah...
30/07/2026

Degmada Ceeldibir iyo Deegaanada hoos yimaada waxaa saaka looga dareeray doorashooyinka Galmudug maanta ka dhacaya

Qeybaha bulshada ayaa safka u galay inay qeyb ka noqdaan inay wax ka joongooyaan mustaqbalka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Degmada Mahdi Seefle ayaa bulshada kula dardaarmay inay daganaasho u dhiibtaan codkooda

29/07/2026

Gudoomiyaha Degmada Ceeldibir Mahdi Maxamed Shirdoon Seefle ayaa booqasho iyo dhiirrigelin ugu tagay Ciidamada loo diyaarshay sugitaanka Amniga goobaha codbixinta Ceeldibir iyo Deegaanada hoos yimaada

29/07/2026

Musharax Hogaamiyaha Galmudug π‹π’π’π›πšπšπ§ π€π‘π¦πžπ π‡πšπ¬π¬πšπ§ ayaa maamulka iyo Shacabka Degmada Ceeldibir kaga mahad naqay doorka wanagsan ee ay ka qaateen ilaalinta Deegaanka

29/07/2026

Gudoomiyaha Degmada π‚πžπžπ₯𝐝𝐒𝐛𝐒𝐫 Mudane Mahdi Seefle ayaa u mahad celiyay musharax Hogaamiyaha Galmudugta Cusub π‹π’π’π›πšπšπ§ π€π‘π¦πžπ π‡πšπ¬π¬πšπ§ Safarka uu ku imaaday Degmada Ceeldibir

27/07/2026

Guddoomiyaha Degmada π‚πžπžπ₯𝐝𝐒𝐛𝐒𝐫 Mudane 𝐌𝐚𝐑𝐝𝐒 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐑𝐒𝐫𝐝𝐨𝐨𝐧 π’πžπžπŸπ₯𝐞 ayaa sheegay inay bulshada Ceeldibir diyaar u yihiin ka qeyb galka doorashooyinka Galmudug ka dhacaya dhamaadka Asbuucaan

23/06/2026

Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Ceeldibir Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay inay Deegaanada Ceeldibir hoos yimaada ka jirto xaalad Qatar taasoo ka dhalatay abaarta 6 sano jirsatay

Dowladda Hoose Ee Degmada Ceeldibir Galmudug-Somalia

22/06/2026

xoolo dhaqato kusoo hayaamay ee bariga Gobolka Mudug Mudug gaar ahaan deegaano hoos yimaada Degmada Ceeldibir ayaa walaac ka muujiyay xaalad adag oo ka jirta halkaasi

"Maamulka Degmada Ceeldibir wuxuu ugu baaqayaa Samafalayaasha iyo muxsiniinta Soomaaliyeed inay dadkaas gargaar lasoo gaaraan

Dowladda Hoose Ee Degmada Ceeldibir Galmudug-Somalia

Guddoomiyaha Degmada Ceeldibir Mahdi Maxamed Shirdoon Seefle oo wehliyaan Aqoon-yahan Degmada ah ayaa Galabtay kulan la ...
19/06/2026

Guddoomiyaha Degmada Ceeldibir Mahdi Maxamed Shirdoon Seefle oo wehliyaan Aqoon-yahan Degmada ah ayaa Galabtay kulan la qaatay wasiir dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Galmudug Mustaf qodhob

Kulan ayaa ku saabsanaa sidi loo xoojin lahaa ladagaanka dhuxusha iyo ka hortaga xaalufinta deegaanka taasoo maleeshiyad burcad ah ku howlanaayeen jarista dhirta

Guddoomiyaha ayaa wasiirka xog ka siiyay guulihii laga gaaray ka hortaga xaalufinta deegaanka taasoo maamulka Ceeldibir dhabarka u xirteen joojinta dhuxusha iyo ladagaalanka burcadda

Wasiir dowlaha ayaa maamulka Degmada Ceeldibir iyo bulshada oo iskaashaday ay Wasaraddu ku amaanayso doorkii ladagaalanka dhuxusha iyo ka hortaga xaalufinta deegaanka taasoo ahayd masuuliyadda ay Galmudug ku mataleen

Wasiirka ayaa sheegay inay garab taagan yihiin maamulka ladagaalanka dhuxusha iyo ilaalinta Deegaanka

Dowladda Hoose Ee Degmada Ceeldibir Galmudug-Somalia

19/06/2026

Maamulka Degmada Ceeldibir ee Bariga Gobolka Mudug ayaa u mahadceliyay Haayadda 𝐈𝐎𝐌 oo Gurmad biyo-dhaamis ah ka fuliyay Ceeldibir iyo tuulooyinka hoos yimaada

Dowladda Hoose Ee Degmada Ceeldibir Galmudug-Somalia

Address

El Dibir

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose Ee Degmada Ceeldibir Galmudug-Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share