07/10/2026
: | Waxaan si weyn u soo dhowaynaynaa codadka iyo baaqyada nabadeed ee kasoo yeeraya Beelaha Nuux Yuusuf iyo Maxamuud Yuusuf.
Tallaabooyinkan iyo hadalladan nabadeed waa bilow muhiim ah oo loo maro isu soo dhowaanshaha, isfahamka iyo mustaqbal wadaag ah oo ay yeeshaan labada beelood ee walaalaha ah.
Sidoo kale, waxaan bogaadin iyo dhiirigelin u diraynaa isimada sida joogtada ah uga shaqaynaya isu soo dhowaanshaha labada dhinac, xalinta khilaafaadka iyo dib-u-dhiska kalsoonida walaaltinimo.
Doorka isimadu ku leeyihiin nabadaynta iyo isu keenidda bulshada waa mid muhiim ah, maadaama ay tahay masuuliyad bulsho oo culus, isla markaana diinteennu ay siisay qiime iyo fadli weyn.
Waxaan mar kale codkayaga ku biirinaynaa dhammaan dadaallada nabadaynta, baaqyada nabadda iyo hawlaha lagu xoojinayo wada noolaanshaha bulshada reer Sanaag.
Nabaddu waa masuuliyad wada saaran dhammaan reer Sanaag.
YMP | Yubbe Media Production