03/08/2026
Waraysi dheer oo uu Cali Xaaji Warsame siiyay Cabdijaliil Cismaan ayaan maalin dhawayd daawaday. Waxa uu waraysigu taabanayay mawduucyo kala duwan oo ku saabsanaa maaliyadda, khayraadka, dawladnimada iyo khibradda Cali Xaaji. Cali Xaaji Warsame waa xisaabiye iyo hantidhowre muddo ku shaqaynayay xirfaddan, kana qaatay shahaadooyin dhowr ah, isaga oo ka hawlgalay Afrika, Aasiya iyo Yurub, waxa uuna soo noqday Maareeyaha Shirkadda Golis. Dhanka kale, waxa uu Cali soo noqday Wasiirka Waxbarashada Puntland, xilalkale oo la taliyayaal ka mid yihiinna waa uu soo qabtay, isaga oo holladayna in uu hanto jakada u sarraysa ee Madaxweynanimo. Shaqooyinkaa kala duwan iyo waayo aragnimadiisaas ayaa waraysiga sal u ah.
Bilowga waxa uu sawir guud Cali ka bixinayaa xaalka dalka, waxa uuna Soomaaliya ku tilmaamayaa in ay ka jirto saboolnimo dad samee ah, waxa uu u cuskanayaa khayraadka dihin ee dalka ka jira iyo sida aanay Soomaalidu u ahayn xirfadlayaal khayraadkaas hanan kara. Waxa uuna u tiirinayaa saboolnimadaas dad samayga ahi in ay ka timi dawladnimadeena habacsan iyo nidaamkeena oo ay xoojinayso hab dhaqankeenu.
Inta uu hadlayo waxa uu Cali marar badan xusayaa muhiimadda ay dawladnimada iyo nolosha u lee dahay in la helo hay'ado dawladeed oo dhisan, si sax ahna u shaqaynaya. Hay'adahaas oo wada shaqayn leh, sidoo kalena kala madax bannaan oo is xisaabin kara, isna dhammaystiri kara. Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa dalka Singapore oo uu tilmaamayo in ay ku guulaysatay samaysashada hay'ado shaqeeya, iyada oo aan khayraad haysanna u sahashay in ay ladnaan gaarto. Waxa uuna farta ku fiiqayaa in Soomaaliya ay ka maqan yihiin hay'adihii khayraadka habayn lahaa, laakiin ay haysato khayraad badan. Mudnaanta koowaad waxa uu Cali Xaaji siinayaa hay'ado dawladeed oo shaqaynaya, "Waxaa ugu mudan hay'adaha, haddii aadan hay'ado lahayn oo aad khayraad badan lee dahay waxay kugu noqonayaan halaag, hay'aduhu waxa ay kuu samaynayaan nidaam waxayna soo saarayaan hoggaan."
Cali ayaa bidhaaminaya in dawladdeenu tahay dawlad jilicsan oo aan nidaamkeedu fadhiyin, laameheeda dawladduna aanay heshiis ahayn, hay'adeheedii maamulka iyo maaliyadduna shaqaynayn. Isaga qodobbkaa xoojinayana waxa uu yidhi, "Adduunku marka uu rabo in uu dal maalgashto waxa uu eegayaa waxa aad haysato saad u maamusho. Yaa hantidaada ilaaliya? Hantidhawre Guud oo madax bannaan ma lee dahay. Yaa xeerarkaaga ilaaliya? Baarlamaan xor ah ma lee dahay. Yaa wixii qaldan sheega? Saxaafad xor ah ma lee dahay. Xukunka see loola kala wareegayaa? Guddi madax bannaan oo xor ah ma lee dahay. Waxa ay dawladdu soo gadato ee dibadda laga keeno yaa xakameeya? Procurement Authority oo xor ah ma lee dahay dawladdu. Hay'adahaas iyo kuwo kale ayaa aaminaadda abuura, dalkuna malaha, waana sababta aynu u galno dalka koowaad ee musuqmaasuqa ah. Intaas midkoodna ma shaqeeyo, dawladdu waa jilicsan tahay waxna laguma aamini karo."
Marka laga yimaado hay'adaha, waxa uu Cali mudnaanta labaad siinayaa xirfadaha. Xirfaduhu waa waxa kuu sahlaya in aad shaqo hesho, waxa uu yidhi, "dugsiyada sare, jaamacaadka iyo suuqa wax xidhiidh ah k**a dhexeeyaan." Waxa uu sheegay Cali in aanay wada socon Jaamacadaha iyo Suuqa Shaqadu oo aanay wax xidhiidh ahba lahayn, suuqii shaqada oo yarna aanay dhalinyarada soo baxdaa xirfaddeeda buuxin karin, maadaama asalkaba aanay jaamacaduhu maadooyinka ay bixiyaan aanu ku dhisnayn suuqa shaqada.
Waxa uu Cali xusay in aanay xirfad yari oo kaliya jirin, laakiin uu jiro caqabad dhaqan oo ah in dhalinyarada badankood ka hawoodaan shaqooyinka qaarkood, sida mudallabka oo uu xusay. Xirafadaha kale ee uu xusay waxaa ka mid ah, midda b**r falashada, soo-dhawaynta (Hospitality), shaqooyinka dhismayaasha iyo qurxintooda iyo timajirista. Dhammaan xirfadahaas, waxa uu Cali sheegayaa in ay badidood Soomaaliya ka hayaan dadyow dalal kale ka soo jeeda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiyaan, Kenyan, Bangaali, Hindi iqk. Cali marka uu qodobkan ka hadlayo waxa uu dhalinyarada ku boorinayaa in ay ka gudubto in shaqadu ceeb tahay oo ay u gudbaan in ay sharaf tahay.
Qodobkan xirfadaha marka uu ka hadlayo waxa uu Cali soo dhexgalinaya siyaasiga iyo sida uu musuqa isaga ilaalin karo, una noolaan karo marka ay ka dhammaadaan muddo xileedkiisu. Waxa uu lee yahay, “Siyaasadda qofka soo gala laba mid ayuu u baahan yahay, dhaqaale ku filan oo uu isagu uu lee yahay taas oo uu caddeeyay marka uu soo galayo siyaasadda, qofka labaadna waa qof xirfadleh. Labadaas qofkaan ahayn wuxuu ku khasbanaanayaa in uu tuug noqdo. Wuxuuna ka fekerayaa marka uu xataa xilka waayo waxa uu ku sii noolaan lahaa.” Waxa uu qofka siyaasadda galaya kula taliyay in uu xirfad lee yahay marka h**e oo uu ku noqon karo xirfaddaas haddii uu jagada shaqada waayo.
Labadaa qodob oo aan muhiim u arkay marka laga yimaado, waxa uu Cali ka hadlay mawduucyo kala duwan, waxa uu ka sheekeeyay qaar ka mid ah noloshiisa, sida uu ku qaatay shahaadada CPA, khibraddiisii Golis, middiisii wasaaradda, arrimaha shirkadaha bixiya adee