Eyl Local Government

Call Directions Contact the organization

Eyl Local Government Page kaan waxa uu u soo gudbinayaa bulshada reer Punt Land wax qabadka iyo horumarka ka socda degmada Eyl.

01/09/2026

𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐄𝐲𝐥, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐅𝐚𝐲𝐬𝐚𝐥 𝐊𝐡𝐚𝐥𝐢𝐢𝐟 𝐖𝐚𝐜𝐚𝐲𝐬, 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞-𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐄𝐲𝐥, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐬𝐚𝐚𝐪 𝐊𝐢𝐥𝐰𝐞 𝐘𝐮𝐮𝐬𝐮𝐟 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐗𝐢𝐥𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐄𝐲𝐥.

Waxay Tacsi Udirayaan Qoyska Iyo Qaraabada 𝐐𝐨𝐲𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐞𝐞𝐫 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐑𝐞𝐞𝐫 𝐗𝐚𝐚𝐣𝐢 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜, 𝐠𝐞𝐞𝐫𝐢𝐝𝐚 𝐤𝐮 𝐭𝐢𝐦𝐢𝐝 𝐌𝐚𝐫𝐱𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝 𝐅𝐚𝐚𝐝𝐮𝐦𝐨 𝐗𝐚𝐚𝐣𝐢 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 oo ku geeriyootay deegaanka 𝐗𝐚𝐬𝐛𝐚𝐡𝐚𝐥𝐞

Waxay Alle uga baryayaan Marxuumadda inuu ka waraabiyo Jannatul Fardowsa, kitaabkeedana Midigta uga dhigo, una naxariisto.

Sidoo Kale Waxaan Dhamaan 𝐞𝐡𝐞𝐥𝐤𝐚, 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚
ay ka geeriyootay Marxuumaddu Alle uga baryayaan inuu Alle ka siiyo 𝐒𝐚𝐦𝐢𝐫 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐢𝐦𝐚𝐚𝐧.

𝐀𝐥𝐥𝐞 𝐡𝐚 𝐮 𝐧𝐚𝐱𝐚𝐫𝐢𝐢𝐬𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐱𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝 𝐅𝐚𝐚𝐝𝐮𝐦𝐨 𝐗𝐚𝐚𝐣𝐢 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜.

Guddoomiyaha Degmada Eyl, Mudane Faysal Khaliif Wacays ayaa ka qayb galay xafladda qalinjabinta dufcaddii 4aad ee Dugsig...
21/08/2026

Guddoomiyaha Degmada Eyl, Mudane Faysal Khaliif Wacays ayaa ka qayb galay xafladda qalinjabinta dufcaddii 4aad ee Dugsiga Sare iyo dufcaddii 2aad ee Dugsiga Hoose kuwaas oo dhammeystay barashada luuqadda Ingiriisiga ee Secondary-ga English Program .

Xafladda ayaa ka dhacday Hoolka Dugsiga Sare ee Degmada Eyl, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan, xildhibaano, Maamulka Dugsiga, Macallimiin, Waalidiin, Arday iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadda ayaa lagu bogaadiyey dadaalka ardayda qalinjabisay iyo kaalinta ay waxbarashadu ka qaadanayso horumarinta aqoonta iyo xirfadaha bulshada.

Mas’uuliyiintii ka qaybgalay xafladda ayaa ardayda ku dhiirrigeliyey inay sii wataan waxbarashada, gaar ahaan barashada luuqadda Ingiriisiga oo maanta door muhiim ah ku leh waxbarashada, shaqada iyo isgaarsiinta caalamiga ah.

Guddoomiyaha Degmada Eyl, Mudane Faysal Khaliif Wacays ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ardayda Qalinjabisay, isagoo ku boorriyey inay aqoontooda uga faa’iideeyaan naftooda, qoysaskooda iyo bulshada guud ahaan.

Xafladdu waxay ku soo dhammaatay jawi farxadeed iyo dhiirrigelin, iyadoo loo dabaaldegayay guusha ay gaareen ardayda ka qalinjabisay English Program

20.08.2026 Eyl : Degmada Eyl ayaa ka Mid noqotay Degmooyinka Puntland ee ku Guulaystay Mashruuca Bulsho oo ah Mashruuc L...
20/08/2026

20.08.2026 Eyl : Degmada Eyl ayaa ka Mid noqotay Degmooyinka Puntland ee ku Guulaystay Mashruuca Bulsho oo ah Mashruuc Loogu Talagalay horumarinta Degmooyinka iyo kobcinta adeegyada bulshada.

Eyl ayaa ka mid Noqotay Afar degmo oo Puntland ah oo ku soo baxay mashruucan, kuwaas oo kala ah Eyl, Gaalkacyo, Bareedo iyo Buraan.

Mashruuca Bulsho ayaa ah fursad muhiim ah oo lagu horumarinayo degmooyinka dalka, waxaana maalgelintiisa qayb ka ah Bangiga Adduunka (World Bank) Mashruucu wuxuu diiradda saarayaa taageeridda horumarka deegaanka iyo wax ka qabashada baahiyaha muhiimka ah ee bulshada.

Ku Guulaysiga mashruucan ayaa Degmada Eyl u ah Fursad weyn oo Horumarineed, Maadaama ay heli doonto fursad ay Bulshada Degmada uga Faaidayso masharuucaan kaas oo diirada saari doona adeegyada Bulshada.

Maamulka Degmada Eyl ayaa Soo Dhaweeyay Guushan, Isagoo Bogaadiyay Mashruuca Bulsho iyo Muhiimadda uu u leeyahay Bulshada Degmada Eyl

Sidoo Kale Gudoomiyaha Degmada Eyl Faysal Khaliif Wacays ayaa bogaadiyay Shaqaalaha Dawladda iyo Xogahaya Degmada doorkii ay ka qaateen guushan

Dhan kale Duqa Degmada ayaa bogaadiyey doorkoodii wax ku oolka ahaa ee ay qaateen Qaar kamid ah Gollaha Deegaanka iyo Gudiyada kala Duwan ee ka jira Degmada, sida Gudiga Horumarinta Degmada, Gudiga Nabad Galyada, Gudiga Ganacsatada iyo Gudiyada Xaafadaha Degmada.

Guushan ayaa bulshada Degmada Eyl u ah Tallaabo Cusub oo loo qaaday dhanka Horumarka

DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA DAWLADDA HOOSE DEGMADA EYL

Kulan Isdhexgal iyo Horumarinta Dhalinyarada Xaafadaha Badey iyo DaawadDawladda Hoose ee Degmada Eyl, gaar ahaan Waaxda ...
13/08/2026

Kulan Isdhexgal iyo Horumarinta Dhalinyarada Xaafadaha Badey iyo Daawad

Dawladda Hoose ee Degmada Eyl, gaar ahaan Waaxda Arrimaha Bulshada, ayaa soo qabanqaabisay kulan ciyaareed isdhexgal ah oo dhexmaray dhalinyarada xaafadaha **Badey iyo Daawad**, kaas oo ujeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka, isdhexgalka iyo wadajirka dhalinyarada degmada.

Kulankan ciyaareed ayaa qayb ka ahaa dadaallada Dawladda Hoose ee Degmada Eyl ay ku horumarineyso dhalinyarada, iyadoo la adeegsanayo ciyaaraha oo ah hab muhiim ah oo lagu dhiso wadajir, saaxiibtinimo.

Ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa labada dhinacba ku soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo tartan xushmad ku dhisan. Ugu dambayn, guushu waxay raacday Xaafadda Badey, taas oo ku guuleysatay koobkii loo dhigay labada kooxood ee dhalinyarada ka kala socday Badey iyo Daawad.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Dawladda Hoose ee Degmada Eyl, Yuusuf Axmed Deeq ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddada kulanka, isagoo sheegay in barnaamijkani yahay mid lagu xoojinayo is-dhexgalka dhalinyarada, kobcinta kartidooda iyo ka qaybgelintooda horumarka degmada.

Kulankan ayaa sidoo kale muujinaya sida Dawladda Hoose ee Degmada Eyl ay muhiimad gaar ah u siinayso dhalinyarada, iyadoo dhiirrigelinaysa in ay kaalin firfircoon ka qaataan horumarinta iyo mustaqbalka degmada.

Dhalinyaro isku xiran waa bulsho horumaraysa.
Ciyaaruhu waa isku xiraha bulshada, horumarkuna waa masuuliyad wadajir ah.

10/08/2026

Eyl : Balankeenu waa Hiigsi fog, dadaal joogto ah, iyo guul la wada leeyahay.

07/08/2026

Gudoomiyaha Degmada Eyl Faysal Khaliif Wacays ayaa bogaadiyay bulshada Reer Qarxis Oo Hab isku Tashi ayaa Kuwada Dayactirta Wadada Qarxis iyo Eyl

07/08/2026

Gudoomiyaha degsiimada Qarxis Jaylaani Xasan Cilmi ayaa Waftiga gudoomiyaha Uga warbixiyay shaqada ay ka wadaada Wadada Qarxis iyo Eyl Gaar ahaan Togga Odol oo ka socoto shaqadu.

Eyl  Guddoomiyaha Degmada Eyl Faysal Khaliif Wacays, ayaa hoggaamiyay wafdi kormeer iyo u kuurgalid ah oo ku tegay wadda...
07/08/2026

Eyl Guddoomiyaha Degmada Eyl Faysal Khaliif Wacays, ayaa hoggaamiyay wafdi kormeer iyo u kuurgalid ah oo ku tegay waddada dheer ee isku xirta Degmada Eyl iyo deegaanka Qarxis, gaar ahaan deegaannada Biyo Cado iyo Togga Odol si ay u qiimeeyaan xaaladda waddada iyo caqabadaha hortaagan isu socodka gaadiidka.

Kormeerka ayaa yimid xilli bulshada deegaannadaasi, iyagoo garab ka helaya Maamulka Degmada Eyl iyo Hay'adda ACF ay wadaan hawlo iskaa wax u qabso ah oo lagu baneynayo laguna saarayo dhagxaanta iyo caqabadaha ka soo dhacay waddada, kuwaas oo si weyn u adkeeyay isu socodka gaadiidka.

Wafdiga Guddoomiyaha waxaa ku weheliyay masuuliyiin ka socday Hay'adda ACF kuwaas oo si toos ah uga qayb qaatay barnaamijka dib-u-habaynta iyo furista waddada. Intii ay booqashada ku jireenna waxay kulamo gaar ah la yeesheen waxgaradka iyo odayaasha deegaannada Biyo Cado iyo Qarxis iyagoo ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa hawlaha dayactirka waddada iyo xoojinta iskaashiga bulshada.

Muddooyinkii u dambeeyay, gaadiidka isticmaala waddadan ayaa la kulmay dhibaatooyin ba'an, gaar ahaan inta u dhexeysa Togga Odol iyo Buuro Lafo halkaas oo ay waddadu noqotay mid aad u adag in gaadiidku maro sababo la xiriira dhagxaanta iyo burburka ka jira.

Maamulka Degmada Eyl ayaa h**e u soo saaray go'aan lagu mamnuucayo in gaadiidku ka leexdo waddada rasmiga ah ee u dhexeysa Eyl iyo Qarxis, si looga hortago burburka deegaanka iyo samaysanka waddooyin cusub. Kulamadii maanta ka dhacay deegaannadaas waxaa maamulka degmada, masuuliyiinta ACF iyo odayaasha dhaqanka ay isla qaateen in waddada lagu dayactiro hab isku tashi iyo iskaashi si loo helo marin fududeynaya isu socodka gaadiidka iyo shacabka.

Guddoomiyaha Degmada Eyl, Faysal Khaliif Wacays, ayaa uga mahadceliyay shacabka, waxgaradka iyo Hay'adda ACF doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan dib-u-hagaajinta waddadan muhiimka u ah isku socodka iyo horumarka degmada, isagoo xusay in wada shaqeynta maamulka, bulshada iyo hay'adaha taageeraya ay tahay tiirka lagu gaari karo adeegyo waara iyo horumar bulsho.

Address

Dawad
Eyl
252

Telephone

+252907767748

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eyl Local Government posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Eyl Local Government:

Shortcuts

Share