Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo PL

Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo PL GAALKACYO DISTRICT- PUNTLAND

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, Mudane Cabdiqani Maxamed Faarax, ayaa maanta ka qayb galay kulan wadatash...
05/09/2026

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, Mudane Cabdiqani Maxamed Faarax, ayaa maanta ka qayb galay kulan wadatashi iyo wacyigelin ah oo dowlada hoose u qabatay bulshada ku dhaqan IDPs-ka duleedka magaalada Gaalkacyo sidoo kalena ay kasoo qayb galeen gudoomiyaasha xaafadaha Magaalada.

Kulanka ayaa looga hadlay ballaarinta adeegga korontada Gaalkacyo, faa’iidooyinka adeegga, badbaadada korontada iyo sidii bulshada ay ula shaqayn lahayd shaqaalaha mashruuca.

Kulanka waxaa fududaysay shirkadda Renewvia, oo fulinaysa mashruuca ballaarinta adeegga korontada, iyadoo iskaashanaya Dowladda Hoose ee Gaalkacyo iyo Shirkada xooga korontada ee NEPCO.

Duqa Degmada Gaalkacyo, Mudane Xuseen Cabdinuur Maxamed, oo uu wehlinayo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Maxamed Ciise Xu...
05/09/2026

Duqa Degmada Gaalkacyo, Mudane Xuseen Cabdinuur Maxamed, oo uu wehlinayo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Maxamed Ciise Xuseen iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay goobaha ay ka socdaan hawlaha bilic-soocelinta magaalada, gaar ahaan dhismaayasha ku yaala aaga Cagaarweyne ee xaafadda Garsoor.

Mas’uuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay goobaha ay hawluhu ka socdaan, iyagoo u kuurgalayay habsami-u-socodka shaqooyinka lagu horumarinayo bilicda, nadaafadda iyo muuqaalka guud ee magaaladda.

Waaxda Arrimaha Bulshada ee Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo, uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxda Maxamuud Cabdullaahi Jaam...
03/09/2026

Waaxda Arrimaha Bulshada ee Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo, uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxda Maxamuud Cabdullaahi Jaamac, ayaa saaka kulan wadatashi iyo wacyigelin ah oo ku saabsan ballaarinta iyo ka faa’iidaysiga adeegga korontada Gaalkacyo u qabatay bulshada ku dhaqan IDPs-ka Halabookhad ee magaalada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa muhiimadda mashruuca ballaarinta adeegga korontada, qaabka looga faa’iidaysan karo adeegga, iyo sidii bulshada ay ula shaqayn lahaayeen shaqaalaha ku hawlan hirgelinta mashruuca, iyada oo kulankaan ay fududasay shirkadda Renewvia, oo gacanta ku haysa mashruuca ballaarinta adeegga korontada Gaalkacyo.

Khuburo ka tirsan shirkadda ayaa bulshada la wadaagay talooyin iyo tilmaamo la xiriira badbaadada korontada, ka fogaanshaha waxyeellooyinka iyo khataraha ka dhalan kara isticmaalka khaldan ee korontada, iyo muhiimadda ay leedahay in bulshada ay si dhow ula shaqeyso shaqaalaha shaqada wada.

Mashruuca ballaarinta adeegga korontada magaalada Gaalkacyo waxaa fulinaya shirkadda RENEWVIA, iyadoo ay iska kaashanayaan Dowladda Hoose ee Gaalkacyo iyo Shirkadda Korontada NEPCO, waxaana muhiimad gaar ah la siinayaa sidii adeegga korontada loo gaarsiin lahaa bulshada iyo deegaanada u baahan.

Gaalkacyo, 3 Sebtembar 2026 – Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa maanta ka fulisay Xaafadda Cagaarweyne hawl lagu ...
03/09/2026

Gaalkacyo, 3 Sebtembar 2026 – Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa maanta ka fulisay Xaafadda Cagaarweyne hawl lagu banaynayo dhismeyaasha iyo xayndaabyada ku soo fiday waddada laamiga ah.

Hawshan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Hoose ee lagu hagaajinayo bilicda magaalada, nidaaminta waddooyinka iyo ilaalinta marinada dadweynaha, iyadoo la doonayo in la helo waddooyin si wanaagsan loo isticmaali karo, muuqaal ahaan na la hagaajiyey.

Dhammaad

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA EE DOWLADDA HOOSE DEGMADA GAALKACYO

02/09/2026

Mas’uuliyiin ay kamidyihiin Maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa galabta kulamo wacyigelin ah ku tagay Bulshada Xaafadda Garsoor, gaar ahaan bulshada degan aaga Cagaarweyne, halkaas oo berri laga wado in laga bilaabo hawlo shaqo oo lagu baneynayo goobaha.

Mas’uuliyiinta ayaa bulshada ku nool goobahaas ugu baaqay inay si buuxda uga shaqeeyaan arrimaha horumarka magaalada, isla markaana ay baneeyaan goobaha loo qorsheeyay in laga fuliyo howlaha horumarineed.

WARGELIN MUHIIM AHOgeysiis ku socda dadka deggan agagaarka Waddada Weyn ee Hala-Bokhad, gaar ahaan waddada ka leexata la...
02/09/2026

WARGELIN MUHIIM AH

Ogeysiis ku socda dadka deggan agagaarka Waddada Weyn ee Hala-Bokhad, gaar ahaan waddada ka leexata laamiga weyn.

Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo waxay bulshada ku wargelinaysaa in berri, Khamiis ah,la samayn doono dayactir iyo dib-u-habayn lagu sameynayo waddadaasi.

Sidaa darteed, dadka deggan iyo gaadiidleyda isticmaala waddada waxaa lagu wargalinayaa inay la shaqeeyan guddiga wada hawshu sidoo kalena baneeyaan goobaha laga wado hawlaha.

01/09/2026

Gudoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo Mohamed Ise Husein ayaa caawa ka qayb galay kulan looga hadlayey horumarinta xaafada garsoor ee magaalada Gaalkacyo oo ay yeesheen guddiga xaafada iyo masuuliyiin ka mid ah goleyaasha dowladda

Gaalkacyo, 1-da Sebtembar 2026; Duqa Degmada Gaalkacyo, Mudane Xuseen Cabdinuur Maxamed, oo uu wehelinayo Guddoomiye Ku-...
01/09/2026

Gaalkacyo, 1-da Sebtembar 2026; Duqa Degmada Gaalkacyo, Mudane Xuseen Cabdinuur Maxamed, oo uu wehelinayo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada, Maxamed Ciise Xuseen, ayaa ka qayb galay kulan ay mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Xildhibaannada Dowladda Puntland la yeesheen Guddiga Amniga Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga Gobolka Mudug, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa sidoo kale iska xog-waraystay xaaladda guud ee Gobolka Mudug, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga iyo nabadda, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda amniga, xoojinta nabadgelyada iyo ilaalinta danaha bulshada.

--𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃--

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA BULSHADA EE DOWLADDA HOOSE DEGMADA GAALKACYO.

01/09/2026

Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa saaka ka qayb galay kulan gaar ah oo xarunta madaxtooyada ku yeesheen guddiga amniga gobalka mudug iyo xubno ka tirsan goleyaasha xukuumada iyo baarlamaanka dowladda Puntland

31/08/2026

Kormeer shaqo iyo u kuurgalid ayaa lagu sameeyey shaqooyinka ka socda goobo kala duwan oo ay ka socdaan hirgelinta Mashruuca Biyo-saarka Magaalada Gaalkacyo.

Address

Dawlada Hoose D. Gaalkacyo Dhinaca Waqooyi Ee Madaxtooyada Gobolka
Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo PL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share