Africa Primary and secondary school

Africa Primary and secondary school Africa secondary school Galkio

📚 🎉 WELCOME BACK TO SCHOOL 🎉Waxaa si rasmi ah loogu wargelinayaa dhammaan Waalidiinta iyo Ardayda Africa Secondary Schoo...
01/08/2026

📚 🎉 WELCOME BACK TO SCHOOL 🎉

Waxaa si rasmi ah loogu wargelinayaa dhammaan Waalidiinta iyo Ardayda Africa Secondary School in dib loo bilaabayo waxbarashada Sanad Dugsiyeedka 2026–2027.

🗓️ Taariikhda: Isniin, 03 August 2026

Waxaan dhammaan ardayda ku dhiirrigelinaynaa inay waqtiga ilaaliyaan oo ay u diyaar garoobaan sanad cusub oo ay ka buuxaan dadaal, aqoon iyo guulo.

🌍 Africa Secondary School "Together We Learn, Together We Succeed."

24/07/2026

DIWAANGELINTA ARDAYDA CUSUB

FORM ONE

Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ardayda ka soo gudubtay Fasalka 8-aad iyo waalidiinta in diwaangelintu si rasmi ah u bilaabmayso.

Sabti, 25-ka Luulyo, 2026

8:00 Subaxnimo ilaa Galabtii

xafiiska Africa Secondary School La xariir 907 986 071

Ku soo dhowaada Africa Secondary School - Hoyga Aqoonta.

HAMBALYO! 🎓Waxaan hambalyo u diraynaa dhammaan ardayda usoo gudubtay Fasalka 1-aad ee Dugsiga Sare.📚 Ku soo dhowaada AFR...
23/07/2026

HAMBALYO! 🎓

Waxaan hambalyo u diraynaa dhammaan ardayda usoo gudubtay Fasalka 1-aad ee Dugsiga Sare.

📚 Ku soo dhowaada AFRICA SECONDARY SCHOOL – Hoyga Cilmiga iyo Aqoonta.

Waxaan idiin rajaynaynaa guul, horumar iyo mustaqbal ifaya.

SHAACIN: Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland oo Shaacisay in beri oo khamiis ah Taariikhduna tahay 23 ...
22/07/2026

SHAACIN: Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland oo Shaacisay in beri oo khamiis ah Taariikhduna tahay 23 July 2026 si rasmi ah loo Shaacin doono natiijada Imtixaanka fasalka 8aad.
Guul ayan rajaynaynaa dhamaan Ardayda fasalada 8aad ee Dugsiga dhexe ee Puntland

Maalinta jimcaha ee 17 ka bishan july waxaa  shaacin doonaa natiijada imtixaanka ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 ee dugsi...
16/07/2026

Maalinta jimcaha ee 17 ka bishan july waxaa shaacin doonaa natiijada imtixaanka ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 ee dugsiga sare africa secondary school

Iskuulka wuxuuu hambalyo u dirayaa ardayda u gudubtay fasalada 2aad, 3aad iyo 4aad ee dugsiga sare wxuuna u rajeeynayaa dadaal iyo guul.

FG. Arday kasta wxuu natiijadiisa ka fiirsan karaa appka iskuulka isagoo isticmaalaya userkiisa u goonida
Mhdsanidin

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH Waxaan ogeysiinaynaa dhammaan ardaydeena fasalka 12aad in Imtixaanka Dawladda ay ku geli doono jaam...
28/05/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH

Waxaan ogeysiinaynaa dhammaan ardaydeena fasalka 12aad in Imtixaanka Dawladda ay ku geli doono jaamacada PSU gaar ahaan xarunta weyn.

Waxaan idin rajaynaynaa guul iyo natiijo wanaagsan. Ilaahay ha idiin fududeeyo imtixaanka, idinka iyo dhammaan ardayda Soomaaliyeedba.

✅ Guulaysta, dadaalkiina sii laba jibbaar.

19/05/2026


ardayda F4 ayaa macalimiintooda u qabtay xaflad sagootin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, kuna dheehnayd maamuus, ixtiraam, iyo mahadnaq. Xafladdu waxay ahayd mid lagu muujiyay doorka weyn ee macalimiintu ku leeyihiin waxbarashada iyo horumarka ardayda. Ardaydu waxay uga mahadceliyeen dadaalkii, dulqaadkii, iyo hanuunintii ay macalimiintoodu siiyeen intii ay waxbarashadu socotay. Waxay ahayd munaasabad xusuus gaar ah reebtay, oo muujisay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya ardayda iyo macalimiinta.

  qaybta 1aadardayda F4 ayaa macalimiintooda u qabtay xaflad sagootin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, kuna dhee...
11/05/2026

qaybta 1aad
ardayda F4 ayaa macalimiintooda u qabtay xaflad sagootin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, kuna dheehnayd maamuus, ixtiraam, iyo mahadnaq. Xafladdu waxay ahayd mid lagu muujiyay doorka weyn ee macalimiintu ku leeyihiin waxbarashada iyo horumarka ardayda. Ardaydu waxay uga mahadceliyeen dadaalkii, dulqaadkii, iyo hanuunintii ay macalimiintoodu siiyeen intii ay waxbarashadu socotay. Waxay ahayd munaasabad xusuus gaar ah reebtay, oo muujisay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya ardayda iyo macalimiinta.

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland waxay bulshada, gaar ahaan ardayda fasallada shahaadiga, la wadaa...
26/04/2026

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland waxay bulshada, gaar ahaan ardayda fasallada shahaadiga, la wadaagaysaa jadwalka rasmiga ah ee imtixaanaadka sannad-dugsiyeedka 2025–2026.

Waxaan ardayda ku boorrinaynaa inay si wanaagsan isu diyaariyaan, wakhtiga ilaaliyaan, ayna raacaan tilmaamaha Xafiiska Imtixaanaadka.

Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda guul iyo natiijooyin wanaagsan.

Dhammaad.

🎓 Tababar “The Road to Exam Success” oo si guul leh u soo dhamaaday!Alxamdulillah, shalay waxaa si rasmi ah u soo gabaga...
15/04/2026

🎓 Tababar “The Road to Exam Success” oo si guul leh u soo dhamaaday!

Alxamdulillah, shalay waxaa si rasmi ah u soo gabagabeynay tababar muhiim ah oo loogu talagalay ardayda fasalka 8aad Ee isku diyaarinaya imtixaanka wasaarada ee dugsiga Ahmed guray oo Ustaad Kheyre Ahmed Abdulkadir uqabanayay ardayda. Dugsiga ayaa tababarkan ugu talagalay ardaydaas kaas oo diiradda saaray diyaarinta imtixaanka, xeeladaha saxda ah, iyo sidii loo gaari lahaa natiijooyin sare.

Ardaydu waxay ka faa’iideysteen talooyin wax ku ool ah, farsamooyin fudud, iyo dhiirigelin kor u qaadaysa kalsoonidooda kahor imtixaanka.

🙏mahadsanid Eng Kheyre
Mahadsanidiin dhammaan ardaydii ka qaybqaadaty
💡 Mustaqbalkiinnu waa iftiin — sii wada dadaalka!

📸 Hoos ka daawo sawirada tababarka

Address

Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Africa Primary and secondary school posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category