03/09/2026
MAS’UULIYIINTA LABADA GOLE EE DOWLADDA PUNTLAND OO KULAN LA YEESHAY GUDDIGA AMNIGA GOBOLKA MUDUG
Galkacyo: Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Xildhibaannada Dowladda Puntland oo howlaha shaqo u jooga Gobolka Mudug ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga Amniga Gobolka Mudug,
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga Gobolka Mudug, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.
Mas’uuliyiinta labada gole ee dowlada ayaa sidoo kale iska xog-waraystay xaaladda guud ee Gobolka Mudug, arimaha shaqo melaha ay Kala marayaan gaar ahaan amniga iyo nabadda, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sugidda amniga, xoojinta nabadgelyada iyo ilaalinta danaha bulshada ee gobolka mudug
-DHAMAAD-
AGAASINKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE MAAMULKA GOBOLKA MUDUG