Ciidanka Madaxtooyada Puntland

Ciidanka Madaxtooyada Puntland Bogga rasmiga ah ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland. The official page of the Puntland Presidential Guards.
(1)

TACSITaliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Col. Siciid Nuur Shiira, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya Xildhi...
01/07/2026

TACSI

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Col. Siciid Nuur Shiira, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya Xildhibaan Daadir Xasan, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, geerida naxdinta leh ee ku timid Allaah ha u naxariistee Hooyo Buuney Cali Faarax.

Taliyuhu wuxuu Alle SWT uga baryayaa marxuumadda inuu u naxariisto, dembi dhaafsiiyo, qabrigeedana u waasiciyo, uguna deeqo Jannatul Firdowsa.

Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu Xildhibaan Daadir Xasan, dhammaan ehelka, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxday uga tacsiyeeynayaa geeridaas murugada leh, isagoo Alle uga baryaya inuu ka siiyo samir iyo iimaan.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

:DHAMMAAD:

XAFIISKA WARFAAFINTA CIIDAANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland Col. Siciid Nuur Shire, ayaa hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo u diraya dh...
30/06/2026

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland Col. Siciid Nuur Shire, ayaa hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

:DHAMMAAD:

XAFIISKA WARFAAFINTA CIIDAANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

TACSITaliyaha Madaxtooyada Dowladda Puntland G/sare Siciid Nuur Shire ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee ...
11/06/2026

TACSI

Taliyaha Madaxtooyada Dowladda Puntland G/sare Siciid Nuur Shire ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Xaaji Baari Shire Dharaar, oo ahaa aabbaha dhalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Hon Mohamed Baarri Shire

Taliyuhu wuxuu tacsida la wadaagay ehelka, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan shacabka Puntland ee uu marxuumku ka baxay, isagoo Alle uga baryey inuu janatul Fardowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday.

Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire geerida ku timid aabbihii Xaaji Baari Shire Dharaar. Alle ha u naxariisto marxuumka, qoyskii iyo dhammaan eheladiisana samir iyo iimaan haka siiyo

AAMIIN.

08/06/2026

Taliyaha Madaxtooyada Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire oo la hadlaya ciidanka maanta uu u furay tababarka ayaa sheegay in ciidamadu aysan shaqo ku lahayn siyaasadda, balse waajibaadkoodu yahay ilaalinta amniga, difaaca dalka iyo sugidda xasilloonida Puntland.

Taliyaha Madaxtooyada Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire (Saeed Nuur) ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar feer-celin ...
08/06/2026

Taliyaha Madaxtooyada Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire (Saeed Nuur) ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar feer-celin ah oo loo qabanayo Hoorin ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Puntland, kaas oo lagu xoojinayo aqoonta, xirfadaha iyo diyaar-garowga ciidamada.

Waxaan bogaadinayaa dadaallada lagu tayeynayo Ciidanka Madaxtooyada Puntland. Tababarrada noocan oo kale ah waxay sare u qaadaan kartida, hufnaanta iyo xirfadaha ciidamada, iyagoo door muuqda ka qaata sugidda amniga, ilaalinta xarumaha muhiimka ah iyo adkaynta xasilloonida Puntland.

Ciidan tababaran oo aqoon iyo karti leh waa tiirka amniga iyo horumarka Puntland. 🇸🇱💪

Garoowe: 30 April 2026: Taliyaha iyo dhammaan Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaah...
30/04/2026

Garoowe: 30 April 2026: Taliyaha iyo dhammaan Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaah ha u naxariistee Marxum Asad Carab Warsame, oo ku geeriyooday degaanka Garacad ee degmada Jariiban.

“Allaah ha u naxariisto Marxuum Asad Carab oo ka tirsanaa Ciidanka, kana mid ahaa dhalinyarada u heellan difaaca dalkooda iyo dadkooda. Marxuumka waxaa dishay gacan ka xaq daran,

Geeridiisa waxaan uga tacsiyeeynaynaa dhammaan Ciidanka Madaxtooyada, eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Puntland ee uu ka baxay. Marxuumka Allaah janadii ha geeyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan Allaah ha inaga siiyo, aamiin.”

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland, Taliye Saeed Nuur ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo a...
29/04/2026

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland, Taliye Saeed Nuur ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo xirayay tababar loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Birmadka ee Booliiska Dowladda Puntland, taas oo ka dhacday kulliyadda tababarada degmada Carmo, ee Gobolka Bari.

Tababarka ayaa si rasmi ah u soo xiray Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Barri Shire.

22/04/2026
22/04/2026

Address

State House
Garoowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidanka Madaxtooyada Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category