15/10/2025
iyo Qisaastu Waa Daawada Dilka iyo Xalka Nabadgelyada Gobolka Mudug.
dhibaatooyinka ugu waaweyn ee gobolka Mudug maanta haysta waa burburka nidaamka sharciga iyo xeerarka bulshada ee soojireenka ah. Xaaladdu waxay maraysaa heer ay nolosha bini’aadamku noqotay mid qiimaheedu dhulka yaallo, dhiigga shacabka aan waxba galabsanina lagu daadiyo si fudud, iyada oo aan laga baqayn sharci iyo ciqaab midna.
Marka sharcigu uusan shaqayn, cadaaladuna ay aamusto, waa marka fowdada,dilka iyo qaxu bilowdo. Waxaana soo baxa kooxo hubaysan oo isu arka in ay yihiin garsooreyaal aan cidna u turayn.
waana tiirka ugu weyn ee hoos u dhigaya amniga, burburinayana rajada,nabada iyo wada noolaansho.
Xaaladdan foosha xun waxay u baahan tahay in si degdeg ah loogu istaago, gaar ahaan dadka caqliga leh, culimada, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanka, iyo dhalinyarada daacadda ah ee weli damiirkoodu nool yahay. Waxaa waajib ah in laga hortago dhaqanka aanada iyo dooxatooyinka oo ah cudur gubay halbowlayaashii bulshada.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in la dhiso hannaan lagu soo celiyo kalsoonida shacabka iyo in la abuuro gole bulsho oo dhab ah oo u istaaga xalka waara ee dhibaatadan.
Dowladdu waa in ay ka baxdaa daawashada iyo aamusnaanta, oo ay qaado masuuliyadda ilaalinta nafta iyo nolosha shacabka. Waa in si dhab ah loo dhisaa hay’adaha amniga iyo cadaaladda, lagana takhaluso dadka danaha gaarka ah u adeegsanaya dhiigga shacabka iyo kuwa ka macaashaya.
Waa lama huraan in sharciga iyo xeerarka bulshada Soomaaliyeed ay si dhab ah u shaqeeyaan, si qof kasta uu u ogaado in fal kasta uu leeyahay cawaaqib uu mutaysanayo. Waana in la soo celiyo haybaddii cadaaladda iyo kalsoonidii bulshadu ku qabtay in qofka dambi gala lagu ciqaabi doono qisaas si caddaalad ah. Qisaastuna unoqoto daawo lagu kala badbaado, waana tiirka ugu muhiimsan ee lagu yareyn karo dhiigga aan micnaha lahayn ee maanta sida joogto ah u daadanaya.
Qofka dila qof, ha ogaado in noloshiisa iyo xorriyaddiisu aysan ka sarreynin tan qofka kale. Qofka dhiig ku daadiya magaca qabiil, waa inuu dareemaa in uusan difaacin sharafta qabiilkiisa balse uu dilayo nabada iyo nolosha dadka. Haddii sharcigu shaqeeyo, haddii xeerka dhaqanka iyo kan dowladeed la isku xoojiyo, waxaa suurtagal ah in la joojiyo silsiladda aargoosiga iyo aanada, oo noqotay cudurka ugu halista badan ee gobolka qabsaday.
Bulshada reer Mudug waa in ay fahmaan in cadaaladdu ay tahay laf-dhabarka nabadda. Haddii aan la helin ciqaab lagu kalsoon yahay, cadaaladna aan si siman loo wada dareemin, dhiiggu wuu sii daadanayaa, qalbiyaduna waa sii gubanayaa.
Waxaa la joogaa waqtigii la odhan lahaa:
“Dhiig dambe maya, ee sharcigu ha shaqeeyo.”
Waxaa lagama maarmaan ah in maamulka gobolka, culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ay si wadajir ah u garab istaagaan hirgelinta nidaam cadaaladeed oo dhab ah.
Waa in la sameeyaa hannaan lagu kalsoonaan karo oo dambiilaha lagu ciqaabo, dhibbanuhuna uu helo cadaalad iyo xaqiisa si sharaf leh.
Markaas ayaa la odhan karaa Mudug waxay ku socotaa jidkii nabadda iyo horumarka.
Nabadda runta ahi ma timaaddo inta aan cadaaladd la helin, iyo inta sharcigu yahay mid la iska indha-tirayo.