25/06/2023
Bismilahi,
Waxaan salaamayaa dhamaan Ummadda Somaliyeed, gaar ahaan inta muuqayga ama maqal ahaan igu taqaan.
Bacda salaan, Xilku waa meerto, Isbadalkuna waa sunne, Dawladnimadduna waa qori isu dhiib.
Waxaan Mahad balaaran u soo jeedinayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Md Siciid Cabdullahi Dani oo fursad ii siiyay in aan u adeego Bulshadayda, waliba ii Magacaabay Wasarad aan shaqo ahaan iyo Khibrad ahaanba u leeyahay 16 sano oo aan is leeyahay waxaan ku biirin karaa aqoontayda iyo Khibradayda aan u leeyahay Maamulka, Maaliyadda iyo Xisaabaadka Dawladda.
Waxaan Ummadda Reer Puntland ka codsanayaa in ay igu garab istaagaan Xilkaas balaaran ee lay igmaday oo runtii ah Masuuliyadda uu diiday Dhulka iyo Cirkuba laakin Aadamuhu xambaaray.
WAXAAN SI GAAR AH UGA CODSANAYAA INTA I TAAGEERSAN IYO KUWA AAN I TAGEERSANAYN IN AY GARAB ISTAAG TALO IYO TUSAALEBA IGU BIIRIYAAN.
ALLAAH WAXAAN WAYDIISANAYAA IN UU XILKAAS IGU ASTURO OO AAN SI HUFAN U GUTO.
GUUL IYO GOBONIMO.