Hon Mohamed Mursal Mohamed

Hon Mohamed Mursal Mohamed This my Official page, as Member of Puntland Parliament, serving on the Security and Peace Committee - Hon Mohamed Mursal Mohamed

Tacsi Tiiraanyo LehInnaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.Alle ha u naxariisto adeerkay Yexye Xasan Aadan Wiidho, oo k...
14/08/2026

Tacsi Tiiraanyo Leh

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

Alle ha u naxariisto adeerkay Yexye Xasan Aadan Wiidho, oo ku geeriyooday magaalada Chicago ee dalka Maraykanka.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyskiisa, ehelka, qaraabada iyo dhammaan reerka uu ka baxay, anigoo ka mid ah qoyskiisa iyo ehelkiisa.

Alle ha u naxariisto marxuumka, qabrigiisana ha u waasiciyo oo ha u nuuriyo, Jannatul Firdowsana haka waraabiyo. Dhammaanteenna Alle ha inaga siiyo samir iyo iimaan.

Aamiin Aamiin.

Hon Mohamed Mursal Mohamed

13/08/2026

WAR-SAXAAFADEED
13 August 2026

06/08/2026

Amniga Dowladda Puntland waa muqaddas, waana masuuliyad qaran oo u baahan in la ilaaliyo. Waxaan bogadinayaa ciidamada, u taagan difaaca nabadda iyo xasilloonida Puntland.

Soo-dhaweyn iyo Taageero Heshiiska Iskaashiga Dowladda Puntland iyo Dowladda MaraykankaWaxaan si diirran u soo dhoweynay...
02/08/2026

Soo-dhaweyn iyo Taageero Heshiiska Iskaashiga Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka

Waxaan si diirran u soo dhoweynayaa heshiiska iskaashiga ee ay kala saxiixdeen Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka, kaas oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Ballaarinta iskaashigan iyo saldhigga hawlgallada ee Bosaaso waxay ka tarjumaysaa kalsoonida caalamku ku qabo doorka Dowladda Puntland ee ilaalinta amniga gobolka iyo la dagaallanka khataraha argagixisada.

Xildhibaan ahaan, waxaan aaminsanahay in iskaashi kasta oo ku dhisan ixtiraamka sharciga, danaha shacabka iyo xoojinta awoodda hayโ€™adaha amniga uu yahay tallaabo muhiim u ah nabadda, xasilloonida iyo horumarka Puntland, Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Waxaan Dowladda Maraykanka ku soo dhoweynayaa Puntland, anigoo rajaynaya in iskaashigani noqdo mid miro-dhal u ah labada dhinac isla markaana gacan ka geysta ciribtirka argagixisada iyo xaqiijinta amni waara.

Hon Mohamed Mursal Mohamed

02/08/2026

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž โ€“ Xalay waxaan ka qaybgalay munaasabadda lagu xusay sannad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Dowladda Puntland Soomaaliyeed.

Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka reer Puntland munaasabaddan qiimaha badan, anigoo u rajaynaya nabad, horumar iyo barwaaqo sii socota.

Hambalyo Sannad-guurada 28-aad ee Dowladda Puntland Soomaaliyeed.

Hon Mohamed Mursal Mohamed

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž โ€“ Xalay waxaan ka qaybgalay munaasabadda lagu xusay sannad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Dowladd...
02/08/2026

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž โ€“ Xalay waxaan ka qaybgalay munaasabadda lagu xusay sannad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Dowladda Puntland Soomaaliyeed.

Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka reer Puntland munaasabaddan qiimaha badan, anigoo u rajaynaya nabad, horumar iyo barwaaqo sii socota.

Hambalyo Sannad-guurada 28-aad ee Dowladda Puntland Soomaaliyeed.

Hon Mohamed Mursal Mohamed

Hambalyo Sanad-guurada 28-aad ee Dowladda Puntland Soomaaliyeed (1998โ€“2026).Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamm...
31/07/2026

Hambalyo Sanad-guurada 28-aad ee Dowladda Puntland Soomaaliyeed (1998โ€“2026).

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda Sanad-guurada 28-aad ee aas-aaska Dowladda Puntland Soomaaliyeed.

Muddo 28 sano ah, Puntland waxay ahayd astaan u taagan nabad, dowladnimo iyo horumar. Waxay door muhiim ah ka qaadatay dib-u-dhiska Soomaaliya, hirgelinta nidaamka federaalka, xoojinta hayโ€™adaha dowliga ah iyo taageeridda geeddi-socodka nabadda iyo dowlad-dhiska dalka.

Sanad-guuradani waa fursad aynu ku xusuusanno halgankii, dadaalkii iyo guulihii la gaaray, isla markaana aynu dib ugu ballanqaadno ilaalinta nabadda, midnimada, horumarka iyo wadajirka shacabka.

Waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu Puntland iyo Soomaaliya oo dhan ku mannaysto nabad waarta, horumar joogto ah, barwaaqo iyo midnimo.

Hambalyo Sanad-guurada 28-aad ee Dowladda Puntland Soomaaliyeed.

Guul Puntland โ€ข Guul Soomaaliya

Hon Mohamed Mursal Mohamed

TacsiInnaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.Waxaan si murugo leh uga tacsiyeynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariis...
31/07/2026

Tacsi

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan si murugo leh uga tacsiyeynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Cali Cigaal, oo ahaa haldoor si weyn uga dhex muuqday fanka, suugaanta iyo ilaalinta hidaha, dhaqanka iyo Afka Soomaaliyeed.

Marxuumku wuxuu bulshada Soomaaliyeed uga tegay dhaxal qiimo badan oo dhinaca suugaanta iyo fanka ah, kaas oo sii noolaan doona, laguna xusuusan doono kaalintii uu ku lahaa kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelkii, qaraabadii, bahda fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, shacabka Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu marxuumka u naxariisto, dembigiisana dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo. Ehelkii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna waxaan Alle uga baryayaa samir iyo iimaan.

Aamiin.

30/07/2026
๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ‘๐ŸŽ ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” โ€“waxaan Maanta qayb ka ahaa Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Punt...
30/07/2026

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ‘๐ŸŽ ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” โ€“waxaan Maanta qayb ka ahaa Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, oo lagaga dooday soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland, adkaynta midnimada, wadajirka iyo ilaalinta xuduudaha Dowladda Puntland, iyo sidoo kale arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka, gaar ahaan xaaladda Magaalada Qudus.

Kadib dood iyo falanqayn ay yeesheen Mudanayaasha Golaha, waxaa cod aqlabiyad leh ku meelmaray soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka si waafaqsan Qodobka 139-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland.

Ugu dambayn, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u soo xiray Kalfadhiga 58-aad ee Golaha, kaddib markii la soo gabagabeeyey hawlihii horyaallay Golaha intii uu socday kalfadhigu.

Hon Mohamed Mursal Mohamed

Address

Garoowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon Mohamed Mursal Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share