Ciidanka Booliska Puntland

Ciidanka Booliska Puntland Official page, Puntland Police Force - PPF

Twitter.com/Plpoliceforce

Puntland Police Force - PPF, as part of, and empowered by, the community, is committed to protect the lives, property, and rights of Puntland people, to maintain order, and to enforce the law impartially. We will provide quality police service in partnership with other members of the community. To fulfill our mission, we will strive to attain the highest degree of ethical behavior and professional conduct at all times.

03/09/2026

Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa ka warbixiyay shir ku saabsanaa kor u qaadista aqoonta iyo tayeynta saraakiisha Ciidanka Booliska ee qaybaha gobollada Puntland.

Shirka ayaa waxaa soo xiray Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire
iyadoo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa aqoonta, hogaaminta iyo tayada shaqo ee saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland.

02/09/2026

Ciidanka Miino-baarka Puntland oo Garoowe ku Burburiyey Qaraxyo IED ah

GAROOWE, 2 Sebtembar 2026 – Ciidanka Miino-baarka Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku burburiyey qaraxyo (IED), kuwaas oo ciidamadu kasoo ururiyeen deegaanka Togga Jaceel ee Calmiskaad.

Howlgalka burburinta qaraxyada waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire, Taliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, iyo Taliye Ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Taliyaasha qaybaha iyo Hogaanada iyo taliyaha waaxda Miinabaarka Puntland G/le Cabdirazaaq Axmed (Buur) kuwaas oo kormeeray hannaanka loo marayo burburinta walxaha qarxa.

Qaraxyadan ayaa si ammaan ah loogu soo ururiyey goobta, kadibna lagu burburiyey Xarunta Bangarka Burburinta Walxaha Qarxa ee magaalada Garoowe, iyadoo la raacay habraacyada amniga iyo badbaadada ee loogu talagalay maaraynta iyo burburinta walxaha qarxa.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Miino-baarka Puntland ugu jiraan sifaynta iyo xaqiijinta amniga, iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara walxaha qarxa ee lagu aasay ama lagu diyaariyey goobaha ay khatartu ka jirto.

02/09/2026

Hadal-jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire, ee kulanka xoojinta wada-shaqaynta Ciidanka Booliska iyo hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh wax-soo-saarka iyo kobcinta dakhliga Puntland.

GAROOWE: Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxaa lagu qabtay kulan ballaaran oo looga hadlay xooj...
02/09/2026

GAROOWE: Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxaa lagu qabtay kulan ballaaran oo looga hadlay xoojinta wada-shaqaynta Ciidanka Booliska Dowladda Puntland iyo hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh wax-soo-saarka iyo kobcinta dakhliga Puntland.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdin Shire Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Agaasimeyaal ka socday Wasaaradaha Dowladda Puntland iyo saraakiisha amniga.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii hay’adaha dowladda iyo Ciidanka Boolisku ay si wadajir ah uga shaqayn lahaayeen kor u qaadista dakhliga dowladda, xoojinta nidaamka canshuuraha iyo hirgelinta ganaaxyada sharciga ah, gaar ahaan ganaaxyada la xiriira gaadiidka iyo ajaaniibta.

Taliyaha Ciidanka booliska Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire ayaa xusay in Ciidanka Boolisku diyaar u yahay in uu si buuxda ula shaqeeyo Wasaaraddaha bahwadaagta la ah iyo hay’adaha kale ee dowladda, si loo xoojiyo kor u qaadista dakhliga dowladda, hirgelinta ganaaxyada sharciga ah iyo fududaynta hawlaha la xiriira canshuuraha, iyadoo la ilaalinayo nidaamka iyo sharciga.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda, gaar ahaan Wasaaradaha Maaliyadda, Amniga, Kalluumaysiga, Hawlaha Guud, Gaadiidka, Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Ciidanka Boolisku ay yeeshaan wada-shaqayn joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga, ilaalinta hantida guud iyo kobcinta dakhliga dowladda.

BOSAASO- Ciidamada Laanta illalaada Canshuuraha Gobalka iyo Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka  gobolka Bari ayaa bilaabay...
01/09/2026

BOSAASO- Ciidamada Laanta illalaada Canshuuraha Gobalka iyo Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka gobolka Bari ayaa bilaabay ayaa ololaha cashuuraha gaadiidka ee sadex biloodlaha ah iyadoo lahubinayo gaadiidka aan wali bixin cashuuraha wado marista ee ku waajibay.

Saraakiisha Ciidanka Laanta Ilaalada Canshuuraha Gobalka Bari ayaa Bulshada leh baaburta ay kuwajibtay cashuurta ugu baqay inay bixiyaan cashuurta dawlada ee ku waajibtay gaadiidkooda Ama ay Tagaan Xafiska Canshuuraha Gobalka.

01/09/2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa guddoomiyey shir looga hadlay xoojinta amniga, horumarinta adeegga Booliska iyo dardar-gelinta hawlaha shaqo ee Ciidanka Booliska Puntland.

Garoowe, 01-Sep- 2026: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa guddoomiyey shir looga ...
01/09/2026

Garoowe, 01-Sep- 2026: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa guddoomiyey shir looga hadlay xoojinta amniga, horumarinta adeegga Booliska iyo dardar-gelinta hawlaha shaqo ee Ciidanka Booliska Puntland.

Shirka waxaa ka qayb galay Taliye Ku-xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, Taliye Ku-xigeenka 2-aad, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Hoggaannada Ciidanka Booliska, Taliyeyaasha Qaybaha Gobollada, madaxda Waaxyaha, Laamaha iyo Fadhiyada Madaxa-bannaan ee Ciidanka Booliska Puntland.

Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda guud ee amniga Puntland, iyadoo Taliyeyaasha Qaybaha ay shirka ku soo bandhigeen warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee gobollada iyo hawlgallada ciidamada ka socda.

Taliyeyaasha Gobollada ayaa sidoo kale ka warbixiyey halka ay marayaan hawlgallada lagula dagaallamayo burcad-badeedda iyo dadaallada lagu xoojinayo sugidda amniga iyo ilaalinta xeebaha Puntland.

Hoggaannada Ciidanka Booliska DPL ayaa shirka ku soo bandhigay waxqabadka xafiisyada, guulihii la gaaray iyo warbixinnada guddiyada Hoggaannada ee loo kala diray deegaanada Puntland, kuwaas oo qiimeyn iyo dabagal ku sameynaya hawlaha Booliska.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray isbeddelka iyo horumarka ka muuqda Ciidanka Booliska Puntland muddadii u dambaysay, iyadoo Taliyaha Ciidanka Boolisku uu saraakiisha faray in la sii laba-jibbaareeyo dadaallada lagu horumarinayo adeegga Booliska, tayeynta ciidanka iyo xoojinta wada shaqaynta hay’adaha amniga iyo bulshada.

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa adkeynaya dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara, adeeg Boolis oo tayo leh iyo ciidan leh aqoon, karti, anshax iyo diyaar-garow buuxa.

- DHAMMAAD -

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:Dhamme
Farah Mohamed - Yemeni Madaxa Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Ciidanka Booliska Puntland

📞 WhatsApp: +252 905 811111
☎️ Emergency: 999
📧 Email: [email protected]
🌐 Website: www.police.pl.so
🐦 Twitter:

Boosaaso, 1 Sebtembar 2026: Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa, magaalada Boosaaso ka fuliyey howlgal qorshaysan ...
01/09/2026

Boosaaso, 1 Sebtembar 2026: Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa, magaalada Boosaaso ka fuliyey howlgal qorshaysan oo lagu bartilmaameedsaday shabakad lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha nooca xashiishka ah iyo hub sharci-darro ah.

Howlgalkan oo laga sameeyey xaafadaha Laanta-Hawada iyo Xaafatu-Carab, ayaa lagu soo qabtay xubno muhiim ah oo ka tirsan shabakadda, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay shixnado xashiish ah, qori AK-47 ah iyo bambooyin gacanta laga tuuro.

Dadka la qabtay ayaa lagu tuhunsan yahay inay doorar kala duwan ku lahaayeen kaydinta, qaybinta iyo iibinta maandooriyaha, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo kiiska.

Ciidanka Booliska Gobolka Bari wuxuu caddeynayaa inuu sii wadi doono la-dagaallanka maandooriyaha iyo hubka sharci-darrada ah, iyadoo eedaysanayaasha loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda.

- DHAMMAAD -

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland.

📞 WhatsApp: +252 905 811111
☎️ Emergency: 999
📧 Email: [email protected]
🌐 Website: www.police.pl.so
🐦 Twitter:

28/08/2026

Hadal jeedinta:Taliyaha Hogaaanka Booliska Bulshada G/sare Xuseen Cali Maxamed ee kulanka doorka dhalinyarada ee sugidda amniga iyo horumarinta bulshada.

Garoowe, 28 Agoosto 2026: Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Diri...
28/08/2026

Garoowe, 28 Agoosto 2026: Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa ka qayb-galay kulan uu soo qaban qaabiyay Hoggaanka Booliska Bulshada, kaas oo looga hadlayay doorka dhalinyarada ee sugidda amniga iyo horumarinta bulshada.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Hoggaanka Booliska Bulshada oo uu hoggaaminayay G/sare Xuseen Cali Maxamed, saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland, masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dhalinyarada, Booliska iyo bulshada, iyadoo dhalinyarada lagu dhiirrigeliyay inay door muuqda ka qaataan ilaalinta amniga, ka hortagga falalka waxyeellada u leh bulshada iyo horumarinta nabadda.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada lagu dhiirrigeliyo inay noqdaan tiir muhiim u ah amniga iyo horumarka bulshada, iyadoo xoogga la saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta dhalinyarada iyo laamaha amniga.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay sidii dhalinyarada looga qaybgelin lahaa wacyigelinta bulshada, ka hortagga falalka amni-darrada ah, ilaalinta nabadda iyo xallinta caqabadaha bulshada, iyadoo la adkeeyay in dhalinyaradu yihiin qayb muhiim ah oo kaalin muuqata ka qaadan karta sugidda amniga.

Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, S/G Cabdiqaadir Jaamac Dirir, ayaa kulanka ka jeediyay hadal uu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Booliska iyo bulshada, gaar ahaan dhalinyaradu, ay yeeshaan xiriir iyo wada-shaqayn joogto ah.

Address

Puntland Police Force/PPF Command
Garoowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidanka Booliska Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ciidanka Booliska Puntland:

Shortcuts

Share