Ururka deegaanka D,burtinle

Ururka deegaanka D,burtinle Ururka badbadinta degaanka iyo duurjogta BOSEWA

Wafti ka socda Puntland Ministry of Environment and Climate Change ayaa booqasho shaqo ku yimid degmada Burtinle,waftiga...
23/05/2026

Wafti ka socda Puntland Ministry of Environment and Climate Change ayaa booqasho shaqo ku yimid degmada Burtinle,waftiga oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Shaafici Maxamuud Ismaaciil, oo ay ku waheliyen Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Mudane Liban Farah Barre Safe, iyo Agaasimaha Waaxda Noolaha Nastexo Muuse Omar

Safarkan shaqo ayaa ujeeddadiisu ahaa u kuurgalidda xaaladda deegaanka ee degmada Burtinle, xoojinta ilaalinta deegaanka, iyo kor u qaadidda bilicda degmada.

Intii ay wafdigu joogeen degmada, waxay qabteen kulan lagu xusayay Maalinta Adduunka ee Noolaha, kaas oo diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka, dhirta, iyo noolaha kala duwan.

Sidoo kale, wafdigu waxay kulan muhiim ah la yeesheen bulshada degmada, Golaha Deegaanka, nabadoonnada, waxgaradka, iyo Ururka Ilaalinta Deegaanka, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha dowladda ee la xiriira ilaalinta deegaanka

Kadib wacyigelin la xiriirta deegaanka, wafdigu waxay booqdeen xafiiska Ururka Ilaalinta Deegaanka si ay ugu kuurgalaan howlaha ay bulshada u hayaan iyo dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka.

Dhanka kale, wafdiga Wasaaradda waxay booqdeen Burtinle Hospital, halkaas oo Wasaaraddu h**e uga fulisay qorshe dhirayn iyo bilicayn deegaanka ah. Intii lagu guda jiray booqashada, Wasaaraddu waxay maamulka hospital ka ku wareejisay geedo dheeraad ah si loo sii xoojiyo bilicda iyo nadaafadda xarunta caafimaadka.

Booqashadan ayaa muujinaysa dadaalka joogtada ah ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ay ugu jirto ilaalinta deegaanka, horumarinta bilicda magaalooyinka, iyo dhiirrigelinta bulshada inay door muuqda ka qaataan badbaadinta deegaanka iyo noolaha kala duwan

20/05/2026
Kiisaska Khatarta ah ee Ka Dhacay Degmada Burtinle Sanadihii Ugu DambeeyaySanadihii ugu dambeeyay, degmada waxaa ka dhac...
20/05/2026

Kiisaska Khatarta ah ee Ka Dhacay Degmada Burtinle Sanadihii Ugu Dambeeyay

Sanadihii ugu dambeeyay, degmada waxaa ka dhacay kiisas halis ku ahaa deegaanka, amniga, iyo kheyraadka dabiiciga ah hay’adaha amniga ayaa qaaday tallaabooyin sharciyeed si loo ilaaliyo deegaanka iyo xuquuqda bulshada.

1: Laynta Ugaadha

Waxaa degmada lagu qabtay dad si sharci darro ah u ugaarsanayay xayawaanka duurjoogta ah. Maxkamaddu waxay ku xukuntay eedeysanayaashii xabsi dhan 5 sano, si loo joojiyo ugaarsiga sharci darrada ah.

2: Dhuxulaysato Lagu Qabtay Deegaanka

Kooxo ku hawlanaa jarista geedaha iyo samaynta dhuxusha ayaa lagu qabtay deegaanka. Tallaabo sharci ah ayaa laga qaaday si loo badbaadiyo dhirta iyo deegaanka.

3:Xirmaysi Sharci darro ah

Waxaa la ogaaday dad sameystay xirmooyin sharci darro ah oo lagu xannibayay dhulkii guud. Wana laga burburiyo xirmooyinkaas.

4: Cagaf La Geliyay Dhul Daaqsimeed

Qaar ka mid ah dhulkii daaqsinka xoolaha ayaa lagu sameeyay qodis iyo cagaf qaab sharci darro ah. Tani waxay khatar gelisay nolosha xoolo dhaqatada iyo deegaanka.

5: Beeraha oo Laga Sameeyay Goobo Aan Ku Habboonayn

Waxaa jiray dad b**r ka sameystay meelo aan ku habboonayn sida dhulka daaqsinka iyo meelaha biyuhu maraan, taas oo saameyn ku yeelatay deegaanka iyo xoolaha.

6: Geed Quwaax La Dhoofinayay

Waxaa marar kala duwan la qabtay geed quwaax si sharci darro ah loo dhoofinayay. Taas oo ahayd fal waxyeello weyn u geysanaya deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee degmada.

7: Qabashada Dambiilayaal Ugaadh sanayay duurjoogta

Dambiilayaal ku lug lahaa ugaadhsiga xayawaanka duurjoogta ah ayaa la qabtay, waxaana maxkamaddu ku ridday xukun ku habboon si ay u noqoto cashar digniin ah.

Kiisaskan waxay muujinayaan dadaalka ku aaddan ilaalinta deegaanka, kheyraadka dabiiciga ah, iyo danta guud ee bulshada. Waxaa muhiim ah in bulshada oo dhan ay ka qayb qaadato ilaalinta deegaanka iyo la dagaallanka falalka sharci darrada ah.

28/04/2026

Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Burtinle ayaa xukun ku riday eedeysanayaal lagu helay falal la xiriira Ugaarsi sharci darro ah iyo Ka ganacsiga duurjoogta.

Qarmaqal dabadeed maxkamadu waxa ay ku heshay eedaysanayaasha danbiyadii lagu soo eedeyay, oo ah in ay jabiyeen shuruucda ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.

Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Puntland waxay si buuxda u boggaadinaysaa xukunka ay maxkamaddu gaartay, iyadoo u aragta tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.

Wasaaraddu waxay bulshada faraysa in ugaarsiga sharci darrada ahi uu yahay fal dambiyeed leh ciqaab sharciyeed, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah loo ilaaliyo deegaanka iyo xayawaanka duurjoogta ah ee dalka.

-DHAMMAAD-
-Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha

23/03/2026
23/03/2026
08/03/2026

Address

Garowe

Telephone

+252907700181

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka deegaanka D,burtinle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category