20/08/2026
NAIROBI : Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland , Mudane Faysal Cabdullaahi Warsame (Murcanyo) ayaa ka qaybgalay kulamo ay Dowladdu la yeelatay Hay’adaha horumarinta iyo daneeyayasha caalamiga ah ee kala ah Safaaradda Denmark, Xafiiska Arrimaha Dibedda, Horumarinta iyo Arrimaha Barwaaqo-sooranka ee Boqortooyada Midowday (FCDO) iyo Bangiga Adduunka (World Bank).
Wafdiga Dowladda Puntland ayaa waxa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yusuf Ahmed Mohamud (Barre Faatax), iyadoo kulamada lagu soo bandhigay cilmi-baarista ku saabsan Nuglaanta iyo Adkaysiga Dhaqaalaha Puntland (Economic Vulnerability and Resilience in Puntland ) iyo dadaallada Bangiga ee horumarinta nidaamka maaliyadeed iyo casriyeynta adeegyada bangiyada.
Bangiga dowlada Puntland ayaa kulanka kuso bandhigay natiijooyinka cilmi-baarista “Economic Vulnerability and Resilience in Puntland”, oo ah Cilmi baaris uu dhawaan Bangigu soo saaray isaga oo kashanaya Hay’ada PDRC iyo Jaamacadda East Africa , taas oo iftiiminaysa khataraha dhaqaale iyo kuwa dibadda ee saameeya Puntland, oo ay ka mid yihiin Amni-darrada ay sababeen Dagaaladii ISIS ee buuraha Calmiskaad, abaaraha soo noqnoqda, hoos u dhaca kaalmada caalamiga ah, xirnaanti Marinka Hurmus iyo saameynta isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee gobolka iyo adkaysigeda.
Sidokle kulamada aya loga wada hadlay muhiimadda Casriyaynta adeegyada maaliyadeed (Digital Financial Services) sida mobile money, digital payments iyo sidii loo ballaarin lahaa helitaanka adeegyada maaliyadeed (financial inclusion) gaar ahaan dadka iyo ganacsiyada aan weli si buuxda uga faa’iidaysan adeegyada maaliyadeed.
Dhinaca kale, waxaa xoogga la saaray muhiimada kobcinta awoodda shaqaalaha Bangiga iyado lasiinayo tababarro xirfadeed iyo taageero farsamo, gaar ahaan dhinacyada Nidaamka bangiyada , dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed, digital finance, cilmi-baarista iyo maaraynta xogta.
Hay’adaha horumarinta ee kulanka ka qaybgalay ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyay dadaallada Bangiga dowlada Puntland iyago si gaar ah u muujiyay xiisaha iyo qaddarinta ay u hayaan ee casriyeynta, Nidaamka Bangiga iyo xoojinta nidaamka maaliyadeed, sidoo kale waxay aqoonsaden muhiimada cilmi-baarista Economic Vulnerability and Resilience in Puntland iyo kaalinta ay ka qaadan karto fahamka caqabadaha dhaqaale iyo meelaha u baahan taageero iyo iskaashi horumarineed.
Kulankan ayaa fursad muhiim ah u noqday xoojinta iskaashiga Bangiga dowlada Puntland iyo hay’adaha horumarinta caalamiga ah, Waxaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada.
Bangiga dowlada Puntland waxa uu muujiyay in uu kujiro marxalad dib u habayn oo muhiim ah wuxuuna sii wadi doonaa dadaallada lagu casriyeynayo hay’adda iyo xoojinta doorkeeda ku aaddan horumarinta iyo adkeysiga nidaamka maaliyadeed ee Puntland.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA BANGIGA DOWLADA PUNTLAND