06/06/2026
Garoowe, 6 Juun 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowladda Puntland,Hon Riyaad Ahmed Ali, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Deegaanka Adduunka, taas oo diiradda lagu saaray muhiimadda ilaalinta deegaanka iyo xoojinta dadaallada lagula tacaalayo saameynta isbeddelka cimilada.
Munaasabaddan ayaa ahayd fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada ee ilaalinta deegaanka, la dagaallanka xaalufka deegaanka, iyo yaraynta saameynta isbeddelka cimilada.
Wasiir Ku-xigeenku wuxuu bogaadiyey dadaallada Wasaaradda Deegaanka iyo dhammaan hayโadaha, ururrada iyo shacabka ka qayb qaadanaya ilaalinta deegaanka, isagoo xusay in deegaanku yahay saldhigga nolosha, horumarka iyo badbaadada jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.
Sidoo kale, wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga dowladda, hayโadaha iyo bulshada si loo xoojiyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah loogana hortago dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.
Link Official X/ TWITTER
https://x.com/plhumanitarian?s=21
Link Official TIKTOK:
https://www.tiktok.com/
๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐
๐๐๐
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐.