VP Office Puntland

VP Office Puntland Official page Office Of Vice President Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor.

Garoowe : 02 September 2026: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor , ayaa maanta ka ...
02/09/2026

Garoowe : 02 September 2026: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor , ayaa maanta ka qayb-galay Bandhigga 1-aad ee Wax-soo-saarka Timirta Puntland, oo ay soo diyaarisay Waaaraadda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Puntland.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay noocyada Timirta Puntland soo saarto ee dalka iyo dibadiisa loo kala dhoofiyo, siyaabaha loo horumarin karo ka faa’ideysiga Timirta, Maalgashiga iyo ka ganacsiga Timirta Puntland, iyadoo sidoo kale la xusay faa’idooyinka caafimaad ee Timirta.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa bogaadiyey Shirka, isagoo xusay in Dowladdu ay muhiimad gaar ah siinayso wax-soosaarka Timirta Puntland, Sidaasi darteedna Shirkan ay tahay in ay kasoo baxaan fekrado kor u qaadaya Maalgashiga Timirta oo ka mid ah waxyaabaha aynu u iib geyno adduunka iyo in la horumariyo noocyada Timirta aynu soo saarno.

Waxaa Shirka kasoo qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Hay’adaha ku shaqo leh arrimaha Wax-soosaarka, Beeralayda Puntland, Ganacsatada ka shaqeysa Timirta, Shirkadaha Maalgashiga, Khuburo arrimahan aqoon u leh iyo marti sharaf kala duwan oo isaga yimid Gobollada Puntland.

02/09/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ka qayb-galay Bandhigga 1-aad ee Wax-soo-saarka Timirta Puntland, oo ay soo diyaarisay Waaaraadda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Puntland.

25/08/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyay kulan heer Wasiiro ah oo lagu dardargelinayo shaqooyinka Mashruuca Bulsho, oo ah mashruuc lagu horumarinayo degmooyinka Dowladda Puntland.

Garoowe, 25- Agoosto 2026: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa shir-guddoomi...
25/08/2026

Garoowe, 25- Agoosto 2026: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyay kulan heer Wasiiro ah oo lagu dardargelinayo shaqooyinka Mashruuca Bulsho, oo ah mashruuc lagu horumarinayo degmooyinka Dowladda Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Wasaaradaha Mashruuca xidhiidhka la leh uga wada shaqayn lahaayeen dardargelinta iyo taabbagelinta waxqabadyada iyo horumarka laga fulin doono Mashruuca Bulsho.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isuduwidda hay’adaha dowladda, isla-xisaabtanka iyo in la helo hannaan wada-shaqayn oo hufan, si loo xaqiijiyo in khayraadka iyo maalgelinta Mashruuca Bulsho loo beddelo adeegyo iyo horumar muuqda oo ay bulshada degmooyinku si toos ah uga faa’iidaystaan.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.

19/08/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor , ayaa maanta ka qayb galay Xuska Maalinta Bini’aadantinimada, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee Dowladda Puntland.

Garoowe: 19 August 2026: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta ka qayb galay X...
19/08/2026

Garoowe: 19 August 2026: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta ka qayb galay Xuska Maalinta Bini’aadantinimada, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee Dowladda Puntland.

Munaasabadda xuska ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka socday qaar ka mid ah Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah, mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xuskan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka, iskaashiga iyo awood-siinta bulshada deegaanka, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa doorka bulshada ee ka qayb-qaadashada dadaallada bani’aadantinimo iyo gurmadka xaaladaha degdegga ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta Dowladda iyo hay’adaha bani’aadantinimo, iyadoo mudnaanta la siinayo baahiyaha bulshada iyo sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha bani’aadantinimo.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe : 13 August 2026: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa xafiiskiisa ku...
13/08/2026

Garoowe : 13 August 2026: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo, Mudane George Conway.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha gargaarka bani’aadannimo, xoojinta isku-duwidda hay’adaha gargaarka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay abaaraha soo noqnoqday, roobabkii oo baaqday iyo saameynta ay xaaladahaasi ku yeesheen bulshada nugul.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in gargaarka degdegga ah lagu xoojiyo xalal waara oo bulshada u horseeda adkaysi iyo isku-filnaansho, gaar ahaan dhinacyada biyaha, sugnaanta cuntada, caafimaadka, nafaqada iyo ilaalinta hab-nololeedka dadka ay abaartu saameysay.

XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.

13/08/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor , ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo, Mudane George Conway.

12/08/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E. Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta ka qayb galay xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada adduunka, oo lagu qabtay magaalada Garoowe, munaasabadda waxaa soo qaban qaabiyey Dalladda Dhallinyarada Puntland (PYAN), oo kaashanaysa Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Dowladda Puntland.

Garoowe : 12 August 2026: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta ka qayb ...
12/08/2026

Garoowe : 12 August 2026: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta ka qayb galay xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada adduunka, oo lagu qabtay magaalada Garoowe, munaasabadda waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Dowladda Puntland, oo kaashanaysa Dalladda Dhallinyarada Puntland (PYAN).

Hal-ku-dhigga sanadka ayaa ah “Doorka Dhallinyarada ee Horumarinta Nabadda, Wax ka Qabashada Isbeddelka Cimilada iyo Shaqo Abuurka.” Sidaasi darteed waxaa munaasabadda looga hadlay muhiimadda ay dhallinyaradu u leeyihiin nabadda, horumarka, xasilloonida bulshada iyo ka qeyb qaadashada wax ka qabashada saameynta isbedelka cimilada.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyey dhallinyarada Puntland ee doorarka muhimka ah ka qaadanaya heerarka kala duwan ee nolosha bulshaweynta Puntland, wuxuuna muujiyey in dhallinyaradu yihiin Mustaqbalka dalka iyo dadkeenna, sidaasi darteedna ay Dowladdu muhiimad gaar ah siinayso.

Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Dhallinyarada Puntland , Ururada bulshada Rayidka ah iyo marti-sharaf kala duwan .

XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXWEYNE KU-XIGEEENKA DOWLADDA PUNTLAND.

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when VP Office Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to VP Office Puntland:

Shortcuts

Share