08/08/2026
KORMEERKA DHISMAHA WADDADA BACAADWEYN–DUSMADA
Bacaadweyn | 8 Agoosto 2026
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland iyo Guddiga Sare ee Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay dhismaha waddada Bacaadweyn–Dusmada, oo ka mid ah mashaariicda kaabayaasha waddooyinka ee ay maalgelinayso isla markaana fulinayso Dowladda Puntland.
Kormeerka waxaa hoggaaminayey masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorsheynta, Agaasimaha Madaxtooyada Puntland, Agaasimaha Guud ee Bangiga Puntland, Wasiirka Gargaarka, Guddoomiyaha Hay'adda Wadooyinnka Puntland, Guddoomiye Ku-xigeenka PHA, Injineerrada PHA iyo Maamulaha Kebarco Construction Co.
Intii uu kormeerku socday, waxaa si gaar ah loo qiimeeyay heerka uu marayo mashruucu, tayada dhismaha, iyo horumarka shaqada, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in waddada lagu dhammaystiro tayada, qorshaha iyo waqtiga loogu talagalay.
Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) waxay sii wadi doontaa kormeerka iyo la socodka mashaariicda waddooyinka, iyadoo mudnaanta la siinayo tayada, hufnaanta iyo dhamaystirka mashaariicda kaabayaasha Puntland.