Puntland Ministry of Commerce, Industries and Investment

Puntland Ministry of Commerce, Industries and Investment Official page Puntland Ministry of Commerce, Industries and Investment Wasaarada Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL.

WASIIRKA OO SOO XIRAY KULANKA VALIDATION Ka XEERARKA MAALGASHIGA , SHIRKADAHA  ,SIYAASADOODA IYO HABRAACA SHIRKADAHA WAD...
23/08/2026

WASIIRKA OO SOO XIRAY KULANKA VALIDATION Ka XEERARKA MAALGASHIGA , SHIRKADAHA ,SIYAASADOODA IYO HABRAACA SHIRKADAHA WADAAGA (Investment Law, Corporate act, Policies and PPP framework)

‎Garoowe: 23-AUG-2026: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga DPL DR Ahmed Shire Said ayaa soo xiray kulanka validation ka Sharciyada Maalgashiga, Shirkadaha, Siyaasadahooda iyo Habraaca shirkadaha wadaaga ee PPP.

Shirka ayaa waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL Eng: Cabdisamad Maxamuud Maxamed oo faahfaahiyay ujeedada shirka iyo heerarkii kala duwanahaa ee ay soo mareen diyaarinta sharciyada iyo siyaasadaha, sidoo kala xusay kulamadii wadatashiga ee lasoo qabtay.

Khubarada diyaarisay sharciyada iyo siyaasadaha ayaa sameeyay soo jeedinta qabyo qoraalka Xeerarka Maalgashiga , Shirkadaha , Siyaasadahooda iyo Habraaca Dheef wadaaga(PPP Framework).

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada DPL, Wasiirku xigeenka Wasaaradda Cadaalada, arimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan celinta DPL, Wasiiru-dowlaha Wasaardda Qorshaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamigaa DPL, Gudoomiyaha Hay’ada Wadooyinka Puntland, Gudoomiyaha Hay’adaha Qandaraasyada, Garsooyaal ka tiirsan Maxkamada sare, madax ka socotay hay’adaha UN ka, Kuwa caalamigaa iyo hay’adaha maxaligaa, ururada Bulshada, Jaamacadaha iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Madaxdii dowlada iyo martidii kale ee kasoo qaybgalay kulanka ayaa bogaadiyay dedaalka wasaaradda Ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga ee ku aadan casriyaynta iyo dib u habaynta sharciyada iyo siyaasadaha muhiimka u ah maalgashiga Puntland, Shirkadaha iyo habraaca PPP.

Kulanka waxaa soo xiray Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga DPL DR Ahmed Shire Said oo u xusay muhiimada ay dowladdu siinayso dib u habaynta iyo casriyaynta sharciyada iyo siyaasadaha si loo horumariyo ganacsiga, maalgashiga kheyraadka dabiicigaa ee Puntland iyo fududeynta maalgashiga dibada iyo kan maxaligaa.

Shirka ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa dhamaystirka qabya qoraalka dib-u-eegista xeerka maalgashiga Puntland iyo diyaarinta xeerka shirkadaha, habraaca PPP iyo siyaasadahooda.

Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga DPL waxa ay u mahadcelinaysaa Hayadda EU-TAPF (Technical assistance and partnership facility) oo shirka farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba u taageertay.

- DHAMMAAD -

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL

18/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga ee Dowladda Puntland oo uu weheliyo Agaasimaha waaxda qorshaynta iyo siyaasadaha ayaa kulan la qaatay madaxda sare ee hay'adaha Islamic Relief ee Xafiiska Puntland

Garoowe- 18-August -2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga ee Dowladda Puntland ayaa ku...
18/08/2026

Garoowe- 18-August -2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga ee Dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay madaxda sare ee hay'adaha Islamic Relief Worldwide ee Xafiiska Puntland oo kala ah IRS Program Manager, Senior Oporation and Liaison Officer iyo Senior Program Coordinator.

Kulanka waxaa ku weheliyay Agaasimaha Guud agaasimaha waaxda Qorshaybta iyo siyaasadaha ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Maalgashiga.

‎Kulanka waxaa looga wada-hadlay fulinta Bilaabashada mashruuca Hanaqaadka iyo Tayaynta Beeralayda Puntland (ACALS) oo diirada lagu saaray ujeeddooyinka mashruuca;
Doorka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee dhinacyada taageerida Ururada ayuutooyinka (VSLA yda), ganacsiyada leh hal abuurka ganacsiga, fududeynta suuqgaynta iyo helitaanka adeegyada maalgelinta iyo tababarada ganacsiyada.

DHAMMAAD...................

‎Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL

Garoowe: 10-Aug-2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland Eng. Abdisam...
10/08/2026

Garoowe: 10-Aug-2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland Eng. Abdisamad Maxamamuud Maxamed oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta & Siyaasada ee WGWM DPL Mohamed Saahid ayaa ka qayb galay kulan lagu soo bandhigay hawlaha ay hay’adda Mercy Corps ka waddo Puntland, gaar ahaan bilaabida Regional Livestock Programme (RLP).

‎Kulanka oo ay ka qaybgaleen Agaasimayaasha Guud, kuwa Waaxyaha Qorsheynta iyo La-taliyayaasha Wasaaradaha ay khusayso, waxaa lagu soo bandhigay ujeeddooyinka mashruuca, doorka hay’adaha dowladda iyo hababka isku-duwidda iyo hirgelinta mashruuca Regional Livestock Program ee Gaalkacayo Corridor.

‎Sida oo kale kulanka waxaa lagu wadaagay ujeeddooyinka iyo qorshayaasha RLP, oo diiradda saaraya horumarinta wax-soo-saarka xoolaha, xoojinta ganacsiga iyo suuq-geynta xoolaha, taageerida Ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, fududeynta dhoofka xoolaha. Sidoo kale RLP ayaa kor u qaadaya taageerida ganacsiga xoolaha, soo-saarka iyo helitaanka calafka xoolaha, kobcinta fursadaha dhaqaale ee haweenka iyo bulshada xoolo-dhaqatada ah, iyo dhisidda u adkaysiga xoolaha iyo bulshada ee isbeddelka cimilada.
.......................DHAMMAAD...................

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL.

𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐋𝐘𝐎 𝟏-𝐃𝐀 𝐀𝐔𝐆𝐔𝐒𝐓 🎉Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL waxay ugu Hambalyaynaysa dhammaan shacab wayn...
31/07/2026

𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐋𝐘𝐎 𝟏-𝐃𝐀 𝐀𝐔𝐆𝐔𝐒𝐓 🎉

Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL waxay ugu Hambalyaynaysa dhammaan shacab waynaha reer Puntland Sanad guuradii 28 aad ee kaso wareegtay asaaska dowladda Puntland.

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH – SUMMADAHA GANACSIGAGanacsigan waxaa loo diiwaangeliyay 4 Summadood oo Ganacsi Summadahaas oo ay b...
29/07/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH – SUMMADAHA GANACSIGA

Ganacsigan waxaa loo diiwaangeliyay 4 Summadood oo Ganacsi Summadahaas oo ay bixiso Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland.

🏷️ Magacyada Summadaha

1️⃣ MARWO SHAMPOO
2️⃣ MARWO MARIS
3️⃣ OOMO MARWO
4️⃣ NAFAQO CHIPS

🏢 Shirkadda loo diiwaangeliyay: AMIIR GROUP

⚠️ Haddii aad qabto cabasho ku saabsan Summadahan, fadlan la xiriir Xafiiska Diiwaangelinta Summadaha Ganacsiga muddo 45 maalmood gudahood laga bilaabo taariikhda ogeysiiska.

📧 Email: [email protected]
🌐 Website: mocii.pl.so

📍 Xafiiska Diiwaangelinta Summadaha Ganacsiga

WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA & MAALGASHIGA DPL OO KA QAYB GASHAY DAAHFURKA MASHRUUCA AARAN‎‎Garoowe: 22-Jul-2026: Wa...
22/07/2026

WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA & MAALGASHIGA DPL OO KA QAYB GASHAY DAAHFURKA MASHRUUCA AARAN

‎Garoowe: 22-Jul-2026: Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee Dowladda Puntland Abdikarim Mohamed Hassan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Eng Abdisamad Mohamud Mohamed ayaa ka qayb galay Daahfurka Mashruuca AARAN oo ka shaqeynaya yareynta baahiyaha bani’aadanimo & barakaca khasabka ah, isaga oo isku xiraya adkeysiga reer miyiga, adeegyada magaalooyinka, suuqyada, khayraadka dabiiciga ah iyo xalalka waara ee barakacayaasha.

‎Mashruucaan oo muhiim u ah adkaysiga bulshada ee xaaladaha adag wuxuu xoogga saarayaa xuquuqda iyo isla-xisaabtanka bulshada, taageeridda aqoonsiga sharci, xuquuqda dhulka & guryaha, helitaanka caddaaladda iyo xallinta khilaafaadka.

‎Sido kale waxa uu xoojinayaa ilaalinta & soo celinta deegaanka, maaraynta biyaha & khayraadka dabiiciga ah, dib-u-dhiraynta daaqa, beeraha, horumarinta suuqyada, taageeridda iskaashatooyinka, ganacsiyada yaryar iyo helitaanka adeegyada maaliyadeed.

‎Munaasabadda daahfurka waxaa ka qaybgalay madaxda sare Wasaaradaha fulinta & bahwadaagta la leh Mashruuca, masuuliyiinta hay'adda Kaalo iyo marti sharaf kale.

- DHAMMAAD -

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL.

𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮, 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗴𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗣𝗟, 𝗗𝗿 𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝘄𝗲𝗵𝗲𝗹𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗿𝗼 𝗸𝗮 𝘁𝗶𝗿𝘀𝗮𝗻 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱...
19/07/2026

𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮, 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗴𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗣𝗟, 𝗗𝗿 𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝘄𝗲𝗵𝗲𝗹𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗿𝗼 𝗸𝗮 𝘁𝗶𝗿𝘀𝗮𝗻 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗼𝗼𝘀𝗮𝗮𝘀𝗼 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝗼𝗿𝗺𝗲𝗲𝗿 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗼 𝗸𝘂 𝘁𝗲𝗴𝗮𝘆 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗕𝗼𝗼𝘀𝗮𝗮𝘀𝗼.

Mas'uuliyiintu waxay kormeer iyo qiimeeyeen ku sameeyeen dardargelinta shaqooyinka dekedda, tayeynta adeegyada ay siiso ganacsatada, iyo xaaladda guud ee Dekedda.

Kormeerkani wuxuu muujinaya dadaalka joogtada ah ee Dowladda Puntland ay ku doonayso inay ku casriyeyso Dekedda Boosaaso, oo ah tiirka dhaqaalaha, kobaca ganacsiga iyo horumarka gobolka Bari.

𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗

XAFIISKA WARFAAFINTA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DOWLADDA PUNTLAND.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland, Mudane Ahmed Shire, oo uu weheliyo Wasiir K...
10/07/2026

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Dowladda Puntland, Mudane Ahmed Shire, oo uu weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa ka qayb galay Shirweynaha Xoojinta Wadashaqaynta iyo Maamul-daadejinta Hay’adaha Dowladda Puntland, kaas oo uu furay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane H.E Said Abdullahi Deni.

Shirweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqaynta hay’adaha dowladda, dardargelinta maamul-daadejinta, iyo horumarinta adeegyada bulshada, amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Shirka waxaa ka qayb galay Golaha Wakiillada, Golaha Garsoorka, Golaha Xukuumadda, hay’adaha dowladda, maamullada degmooyinka iyo Taliska Ciidanka Booliiska.

- DHAMMAAD -

𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐑𝐅𝐀𝐀𝐅𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐀𝐍𝐀𝐂𝐒𝐈𝐆𝐀, 𝐖𝐀𝐑𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐆𝐀𝐒𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐃𝐏𝐋.

Address

Garowe, Puntland
Garowe
00252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Ministry of Commerce, Industries and Investment posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Puntland Ministry of Commerce, Industries and Investment:

Shortcuts

Share