Dowladda Hoose ee Garoowe

Dowladda Hoose ee Garoowe This is the official page of the Garowe Local Government. Page-ka Caasumadda Puntland ee ( Garoowe ).

Garoowe: 2 September 2026: Xoghayaha Dowladda hoose iyo Mas’uuliyiin katirsan Dowladda hoose ayaa ka qeybgalay Shir loog...
02/09/2026

Garoowe: 2 September 2026: Xoghayaha Dowladda hoose iyo Mas’uuliyiin katirsan Dowladda hoose ayaa ka qeybgalay Shir looga hadlayay Aas aaska Iskaashi udhaxeeya Bulsahada iyo Dowladda hoose.

Shirka Waxaa Daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.

Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe ayaa Shirka kusoo Bandhigtay Guulaha ay ka gaartay Maamul daadajinta Adeegyada Bulshada Gaar ahaan Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Shirka Waxaa ka qeybgalay Qaar kamid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Puntland, Madaxda heer gobol ee shirkadaha isgaarsiinta, hawlwadeenada Wasaaradaha, Wakiilo ka socday Wasaaradaha Caafimaadka, Tamarta iyo Biyaha, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Qorshaynta.

Ujeeddada ugu weyn ee shirka ayaa ahayd in la soo bandhigo adeegyada aasaasiga ah ee ay Dowladda Hoose ee Garoowe bixiso, gaar ahaan adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka aasaasiga ah, iyo sidii loo heli lahaa ilo dhaqaale oo waara oo lagu horumarin karo adeegyadaas iyo warbixinta Xarumihii Waxbarashada iyo Caafimaadka ee lagu wareejiyey Dawladda Hoose ee Degmada Garowe.

Sidoo kale, shirka waxaa si gaar ah looga hadlay waxtarka iyo kaalinta $2-da doollar ee laga qaado shirkadaha biyaha iyo korontada, taas oo ay ururiyqan Guddiga Horumarinta Dowladda Hoose, looguna talagalay taageeridda iyo maalgelinta adeegyada horumarineed ee degmada gaar ahaan kaabayaasha dhawaalaha oo ay ugu horeeyaan dhismaha waddooyinka Caasimadda.

Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in la balaariyo nidaamka maalgelinta adeegyada bulshada, iyadoo la soo kordhinayo $1 doollar oo laga qaado shirkadaha bixiya adeegyada Internet-ka, kaas oo lagu dari doono ilaha dhaqaale ee Guddiga Horumarinta Degmada, si loogu maalgeliyo loona xoojiyo adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana shirarkaan laga qaban doonaa Degmooyinka Gaalkacyo, Qardho iyo Bosaaso, kadibna waxaa la isugu imaan doonaa Garowe si loo dhamaystiro qorsheyaasha maalgelinta Dawladaha Hoose.

Hindisahan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Puntland ee lagu xoojinayo iskaashiga Dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay (Public-Private Partnership), si kor loogu qaadayo awoodda maaliyadeed ee dowladaha hoose, isla markaana loo abuurayo hannaan waara oo lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in Dowladda Hoose, bulshada iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo la hubinayo in dhaqaalaha laga helo iskaashiyada noocan ah si hufan loogu maalgaliyo baahiyaha mudnaanta u leh bulshada.

Garoowe: 31 August 2026:  Agaasimaha Cusub ee Dakhliga Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe oo xilka la wareegey.Xoghaya...
31/08/2026

Garoowe: 31 August 2026: Agaasimaha Cusub ee Dakhliga Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe oo xilka la wareegey.

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe Hon Abdale Mohamed Abdale ayaa xilka u kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Waaxda Dakhliga Dowladda hoose Cabdulahi Maxamuud Ismaaciil (Maroori) iyo Ku-simaha Agaasimaha waaxda Dakhliga Maxamuud Joomitir.

Sido kale Munaasibada Xilwreejinta waxaa ka qeybgalay Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka, Agaasimayaasha iyo Madax qeybeedyada Waaxyaha Dowladda Hoose.

Xoghayaha Dowladda Hoose oo bogaadiyey waxqabadka ku-simaha waaxda ayaa kula dardaarmay agaasinka cusub inuu dardar geliyo shaqooyinka hortebinta leh ee horyaalla iyo adeegga loo hayo bulshada Caasimadda.

Dowladda Hoose ee Garoowe
Xafiiska Warfaafinta

Garoowe: 27 August 2026: Duqa Caasimadda Garoowe Hon Abdulkadir Geedi ayaa magacaabay Agaasimaha Cusub ee Waaxda Dakhlig...
27/08/2026

Garoowe: 27 August 2026: Duqa Caasimadda Garoowe Hon Abdulkadir Geedi ayaa magacaabay Agaasimaha Cusub ee Waaxda Dakhliga Dowladda hoose Garoowe.

Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda Garoowe ahna Duqa Caasimadda DPL

- Markii uu arkay: Sharciga Maamulka Gobolada Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose

- Markii uu helay: dad aqoon, karti iyo Waayo aragnimo uleh shaqadaas

- Markii uu la tashaday; Guddiga Fulinta Caasumadda Dowladda Puntland ee Garoowe.
Wuxuu Go’aamiyey:

Waxaa Maanta oo taariikhdu tahay 27/08/2026, Agaasimaha Waaxda Dakhliga Dowladda Hoose Garoowe, loo magacaabay :-

1. Cabdulaahi Maxamuud Ismaaciil Agaasimaha Dakhliga Dowlada Hoose ee Garoowe.

Go’aankaan wuxuu dhaqan galayaa markii uu saxiixo Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Garoowe ahna Duqa Caasumadda DPL, wuuna saxiixey.

Dowladda Hoose ee Garoowe
Xafiiska Warfaafinta

Kooxda Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe Garowe City Club Football  ayaa lasoo wareegtay Ciyaaryahano Cusub Xili Ciya...
25/08/2026

Kooxda Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe Garowe City Club Football ayaa lasoo wareegtay Ciyaaryahano Cusub Xili Ciyaareedka 2026/2027.

Ciyaaryahan Najiib Faarax Aadan ( Hasaad ) ayaa ah ciyaaryahan ka ciyaara Weerarka Garabka Bidix.

Macalinka Kooxda Caasimadda ee Garoowe City Maxamuud Ciise Aw Axmed ayaa wada Dardargalinta iyo Isku dubaridka Kooxda Caasimadda Garoowe taas oo kamid ah Kooxaha Heerka 1’aad ee Gobolka Nugaal.

Dowladda Hoose ee Garoowe
Xafiiska Warfaafinta

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa manta siweyn looga xusey Munaasibadda Dhalshada Nabi Muxamed NNKH...
25/08/2026

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa manta siweyn looga xusey Munaasibadda Dhalshada Nabi Muxamed NNKH, Waxaana ka qeyb galay Culumo Awdiinka Garoowe iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda.

Dowladda Puntland maanta fasaxday Shaqaalaha Hay'addaha kala duwan ee Dowladda, iyadoo dalka oo dhan laga xusay Mowliidka.

Dowladda Hoose ee Garoowe
Xafiiska Warfaafinta

WARGELIN MUHIIM AH Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe waxa ay Bulshada kunool guud ahaan Caasimadda ku wargalin in Bar...
24/08/2026

WARGELIN MUHIIM AH

Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe waxa ay Bulshada kunool guud ahaan Caasimadda ku wargalin in Bari subax la xirayo Laamiga Islaam Maxamed ( Guureeye) gaar ahaan isgoyska Laamiga Masjidka Xaaji Cali iyo Laamiga Islaam Maxamed oo ay soo gaartay Shaqadii Tuubooyinka Biyaha Macaan.

Bulshada Waxaa laga codsan in ay dulqaataan Maalmaha kooban ee wadadu xirnaanayso, si looga gudbiyo Tuubooyinka Biyaha macaan ee Shirkada NUWACO.

Dowladda Hoose ee Garoowe
Xafiiska Warfaafinta

Garoowe: 23 August 2026: Xoghayaha Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe ayaa maanta kormeer ku tagay Suuqa Injida Garoow...
23/08/2026

Garoowe: 23 August 2026: Xoghayaha Dowladda hoose ee Caasimadda Garoowe ayaa maanta kormeer ku tagay Suuqa Injida Garoowe.

Ujeedka Kormeerka ayaa ahaa ukuurgalida Xaalada Suuqa, Iyadoo Xoghayuhu booqdey qeybaha Kala duwan ee Suuqa Injida.

Sido kale Dowladda Hoose ayaa Wada Qorshaha banaynta Wadooyinka Suuqa si loo yareeyo Jaamka faraha badan ee Suuqa si aysan u fudaadato adeegsiga Wadooyinka Suuqa.

Dowladda hoose ee Garoowe
Xafiiska Warfaafinta

21/08/2026
Garoowe: 21 August 2026: Agaasimaha Arrimaha Bulshasa oo ay weheliyaan Xildhibaan Axmed Muuse iyo Madaxa Fayodhowrka Dow...
21/08/2026

Garoowe: 21 August 2026: Agaasimaha Arrimaha Bulshasa oo ay weheliyaan Xildhibaan Axmed Muuse iyo Madaxa Fayodhowrka Dowladda Hoose ayaa ka qeybgalay Kulan dhirrigelin ah oo loo sameeyay koox kuguulaystay Tartanka Ciyaaraha Kubada cagta ah.

Kulanka waxaa soo qaban qaabisay Gudoomiyaha Xaafada Wadajir Fu'aad Diiriye, Waxaan sido kale ka qeybgashay kulanka Gudoomiyaha Xaafada Mubaarak.

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Saadiq Xirsi , Xildhibaan Axmed Muuse, Madaxa Fayodhowrka Caydaruus Xasan iyo Gudoomiyaha Xaafada Mubaarak ayaa dhallinyarada kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan Adkaynta amniga lana shaqeeyaan maamulka Xaafaada iyo Laamaha amniga.

Dowladda Hoose ee Garoowe
Xafiiska Warfaafintaa

Address

Garowe National Park
Garowe
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose ee Garoowe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dowladda Hoose ee Garoowe:

Shortcuts

Share