Puntland State TV

Puntland State TV Official page of Puntland State TV which is a public broadcasting network of Puntland State. Its headquarters are capital of Garowe.
(3)

The service also maintains an office in London. Founded in April 2013. Difaacaha Danaha Puntland

06/09/2026

"Waxaan ugu baaqaynaa qurbo joogta Puntland in ay maalgashtaan dalkooda"
Xildhibaan Dhakuul oo katirsan mudanayaasha golaha wakiillada dawladda Puntland

06/09/2026

"Farriintaan halkaan ka diraynaa waa in dadka reer Puntland ay maalgashtaan dhulka xeebaha oo Baargaal ka mid tahay"

Xildhibaan Maxamuud Shire Cismaan oo kamida golaha Wakiillada dawladda Puntland.

06/09/2026

Xildhibaan Maxamed Siciid Cali Qoslaaye oo kamida mudanayaasha golaha wakiillada dawladda Puntland ayaa sharaxaya Badda iyo jawigeeda shaqo wakhtigaan lagu jiro.

06/09/2026

"waxaan tusaynaa dunida in Puntland ay leedahay xeebo qurxoon, dalxiis ku haboon oo nabad ah"
Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta ahna siihayaha Maamulka Tvga dawladda Bile Qabowsade.

06/09/2026

"waddanku amni ahaan kaliya uma dhsimin ee kaabayaal dhaqaalana waa ka dhisan yahay, anoo FrankFort kasoo casheeyay baan habeenkii xigayna Ufayn ka casheeyay"
Shiine Culay oo kusugan Xeebta Baargaal

06/09/2026

"Hawl-galkii Calmiskaad wuxuu dhalay in madaxweyne 9-saac habeenimo uu socdo waana wax ilaahay loogu mahad naqo"
Genr.Ayub Abdirizak

06/09/2026

"Amnigaan iyo farxaddaan waxay ku yimaadeen dhiigga shuhahadeenii, waana wax ilaahay loogu mahad celiyo''

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland Maxamed Baarri Shire.

06/09/2026

Waxaan lakulanay Madaxweynaha dawladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo bulshada degmada Baargaal kula cawaynaya Xeebta Baargaal.

Maxamed Rasaas.

GAALKACYO: Masuuliyiinta Dowladda oo ka kooban Wasiiro,Xildhibaan iyo Maamulka Gobalka Mudug ayaa mudo 10 bari oo shaqo ...
06/09/2026

GAALKACYO: Masuuliyiinta Dowladda oo ka kooban Wasiiro,Xildhibaan iyo Maamulka Gobalka Mudug ayaa mudo 10 bari oo shaqo ah kadib soo Geba-gabeeyey arrimahii shaqada ee Gobalka ka socday, sida Biyaha Saarka, Xoojinta Nabadeynta iyo Xalinta Khilaafyada dhulalka.

Sidoo kale Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir dib-u-heshiisiin ah oo muddo toban maalmood ah u socday labada beelood ee walaalaha ah ee Dir saleban Cabdale iyo Sheekhaal Lo’booge.

Shirkan oo ku soo dhammaaday is-afgarad iyo jawi nabadeed, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo soo celinta xiriirka walaaltinimo ee labada beelood.

Waxana loo balamay in labada belood udiyaar garoobaan gogosha uu madaxwaynaha dowlada Puntland Mudane Siciid cabdulahi Dani, uu dhigay Casimada Puntland ee Gorowe
Shirka Garoowe ayaa la filayaa inuu noqdo tallaabo kale oo lagu sii xoojinayo heshiiska iyo nabadda laga gaaray khilaafka labada beelood, iyadoo mas’uuliyiinta iyo waxgaradkuna ay ku boorriyeen dhinacyada inay si wada jira uga shaqeeyaan nabada iyo wada noolaansha.

06/09/2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ku maraya Gobolada Bari iyo Raasi Caseyr, ayaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyay degmada Baargaal ee gobolka Raasi casayr.

Address

Wadajir
Garowe
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland State TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Puntland State TV:

Shortcuts

Share