Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Puntland Halkaan waa pageka Wasaaradda caafimaadka Puntland. This is the official page for the Puntland Ministry of Health.

Baargaal, 6 September 2026 — Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaara...
06/09/2026

Baargaal, 6 September 2026 — Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Marwo Maryan Osman Ahmed, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagtay Isbitaalka Degmada Baargaal.

Kusimaha Wasiirka ayaa kulan la qaadatay maamalka caafimaadka gobolka iyo shaqaalaha Isbitaalka, iyadoo ka dhageysatay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee xarunta, adeegyada caafimaad ee bulshada loo fidiyo iyo caqabadaha ay la kulmaan shaqaalaha.

Kormeerka ayaa sidoo kale lagu qiimeeyay habsami-u-socodka adeegyada caafimaad ee Isbitaalka iyo baahiyaha jira, iyadoo Kusimaha Wasiirku ay indha-indheyn ku sameysay qeybaha kala duwan ee xarunta iyo adeegyada caafimaad ee ka socda.

Kusimaha Wasiirka ayaa maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka ku boorrisay inay sii xoojiyaan dadaallada loogu adeegayo bulshada, iyadoo Wasaaradda Caafimaadkuna ay qiimeyn doonto baahiyaha iyo qodobadii kasoo baxay kormeerka.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka, laguna hubinayo in bulshada ku nool degmooyinka Puntland ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh oo joogto ah

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter):
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: .puntland
YouTube:

Garoowe, 6 Sebtembar 2026: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ka furtay tababar soco...
06/09/2026

Garoowe, 6 Sebtembar 2026: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ka furtay tababar soconaya saddex maalmood oo ku saabsan Tayada Xogta Saadka, Maamulka Bakhaarada iyo Maareynta Kaydka Daawooyinka iyo Agabka Caafimaadka.

Tababarka waxaa ka qaybgalaya shaqaalaha xarumaha caafimaadka ee ku shaqeeya Nidaamka Maareynta Xogta Saadka (LMIS), kuwaas oo ay ka mid yihiin farmashiyeyaasha iyo shaqaalaha kale ee ku shaqada leh maamulka, kaydinta iyo maaraynta daawooyinka iyo agabka caafimaadka.

Ujeeddada tababarka ayaa ah in kor loo qaado tayada, saxnaanta, dhammaystirka iyo waqtiga xogta saadka, iyadoo la xoojinayo awoodda shaqaalaha ee ururinta, diiwaangelinta, hubinta, falanqaynta iyo isticmaalka xogta si loo taageero go’aannada ku saabsan qorshaynta, saadaalinta baahida, qaybinta iyo maaraynta kaydka daawooyinka iyo agabka caafimaadka.

Madaxa LMIS wasarada Caafimaadka, Mohamud Abdikadir (Gaacir), ayaa ka qaybgalayaasha ku dhiirrigeliyey inay si buuxda uga faa’iidaystaan tababarka, isla markaana muujiyaan ka qaybgal firfircoon, si aqoonta iyo xirfadaha laga kororsado loogu dabaqo xarumahooda caafimaad.

Agaasimaha Waaxda Adeegyada Caafimaadka Mr Jama Ali Yusuf ayaa si rasmi ah u furay tababarka, isagoo xusay muhiimadda ay tayada xogta saadka u leedahay qorshaynta, saadaalinta baahida, qaybinta iyo maaraynta kaydka daawooyinka iyo agabka caafimaadka.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ee lagu xoojinayo Maamulka iyo Maareynta Saadka Caafimaadka (Health Supply Chain Management), si loo horumariyo tayada xogta loona xoojiyo helitaanka iyo maaraynta hufan ee daawooyinka iyo agabka caafimaadka ee xarumaha caafimaadka Puntland.

Tababarkan waxaa taageeraya UNICEF, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda shaqaalaha caafimaadka iyo horumarinta nidaamka maamulka iyo xogta saadka caafimaadka ee Puntland

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter):
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: .puntland
YouTube:

Ufeyn, 5 September 2026 — Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda...
05/09/2026

Ufeyn, 5 September 2026 — Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Marwo Maryan Osman Ahmed, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagtay Isbitaalka Degmada Ufeyn, halkaas oo ay kula kulantay maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka.

Kormeerka ayaa daaranaa in Wasaaraddu si dhow ugu kuurgasho xaaladda guud ee Isbitaalka, adeegyada caafimaad ee bulshada loo fidiyo, iyo habsami-u-socodka shaqada iyo adeegyada caafimaad ee ka socda xarunta.

Kusimaha Wasiirka ayaa warbixinno ka dhageysatay maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka, iyadoo sidoo kale indha-indheyn ku sameysay qeybaha kala duwan ee isbitaalka iyo adeegyada caafimaad ee halkaasi laga bixiyo.

Kusimaha Wasiirka ayaa maamulka iyo shaqaalaha ku boorrisay inay sii xoojiyaan dadaallada loogu adeegayo bulshada, iyadoo Wasaaradduna ay qiimeyn doonto baahiyaha la soo bandhigay iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka, kor loogu qaadayo tayada adeegyada isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka, iyo in si joogto ah loo qiimeeyo xaaladda iyo baahiyaha xarumaha caafimaadka ee Puntland.

Kormeerka waxaa wasiirada ku wehelinayay qaar kamid ah maamulka caafimaadka gobolka Bari.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter):
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: .puntland
YouTube:

Boosaaso: 2 Sep 2026:- Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, oo safar shaq...
02/09/2026

Boosaaso: 2 Sep 2026:- Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, oo safar shaqo ku joogta magaalada Boosaaso, ayaa kormeer shaqo ku tagtay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Bari, Xarunta cafimaadka Dr Cabdiraxmaan Siciid Dhagowayne iyo Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso.

Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd in Wasiir Ku-xigeenku si dhow ugu kuurgasho habsami-u-socodka shaqada, tayada adeegyada caafimaad ee bulshada loo hayo iyo baahiyaha ka jira xarumaha caafimaadka, gaar ahaan Isbitaalka Guud ee Boosaaso oo ah mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee ugu muhiimsan gobolka.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa warbixinno ka dhageysatay masuuliyiinta iyo maamulka xarumaha ay booqatay, iyadoo wax laga weydiiyay adeegyada caafimaad ee ay bulshada u fidiyaan, xaaladda shaqaalaha, baahiyaha jira iyo caqabadaha saameeya bixinta adeeg caafimaad oo hufan.

Dr. Maryan Cismaan Axmed ayaa sidoo kale booqatay bukaannada ku jira Isbitaalka Guud ee Boosaaso, iyadoo mid-mid ula kulantay bukaannada isla markaana u kuurgashay xaaladdooda iyo adeegyada caafimaad ee ay helayaan.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay ku xoojinayso la socodka xarumaha caafimaadka, fahamka baahiyaha jira iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaad ee bulshada, gaar ahaan xarumaha qaabila bukaanno tiro badan.

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo adeeg caafimaad oo tayo leh, la jaanqaadaya baahiyaha bulshada, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo wax ka qabashada baahiyaha iyo caqabadaha ka jira Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter):
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: .puntland
YouTube:

Garoowe, 25 Agoosto 2026 – Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir  Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Ma...
25/08/2026

Garoowe, 25 Agoosto 2026 – Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Maryan Osman Ahmed, ayaa maanta Garowe ka furtay shir-weynaha Aqoon-is-weydaarsiga Puntland ee Dib-u-eegista iyo Kala-hormarinta Mudnaanta Barnaamijka Tallaalka (VPOP) ee GAVI 6.0 (Puntland VPOP and Reprioritization for GAVI 6.0 Workshop) oo soconaya muddo laba maalmood ah, 25–26 Agoosto 2026.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa dib-u-eegista, kala-hormarinta iyo qorshaynta mudnaanta barnaamijyada tallaalka Puntland, iyadoo la eegayo baahiyaha jira iyo sidii loo sii xoojin lahaa adeegyada tallaalka iyo gaarsiintooda bulshada.

Waxaa shirka ka qaybgalaya masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, oo ay kamid yihiin Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Asaasiga ah, Abdirisaaq Abshir Xirsi, Agaasimaha Qorshaynta Abdirizak Mohamed Artan, Madaxa Talaalada Muhiyadiin Mohmed iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda.

Sidoo kale shirka waxaa joogay khubaro iyo masuuliyiin ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo bah-wadaagta Wasaaradda kala shaqeeya barnaamijyada Caafimaadka, oo ay kamid yihiin, UNICEF, WHO, PSI, SCI, Care International SRCs

Inta uu socdo shirku ka qaybgalayaashu waxay si wadajir ah u qiimayn doonaan mudnaanta iyo baahiyaha barnaamijka tallaalka, iyagoo ka shaqaynaya sidii loo diyaarin lahaa qorshe wax-ku-ool ah oo waafaqsan baahiyaha caafimaad ee Puntland iyo jihada GAVI 6.0.

Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo mudnaano muhiim ah oo gacan ka geysta xoojinta nidaamka tallaalka Puntland, kor u qaadista adeegyada tallaalka iyo in carruurta iyo bulshada Puntland ay helaan adeegyo tallaal oo tayo leh oo si siman loo gaarsiiyo.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter):
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: .puntland
YouTube:

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Daah-furtay Istaraatiijiyadda Tallaalka 2026–2030Garoowe, 23 Agoosto 2026 – Wasiir Ku...
23/08/2026

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Daah-furtay Istaraatiijiyadda Tallaalka 2026–2030

Garoowe, 23 Agoosto 2026 – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Wasiirka, Maryan Osmaan Ahmed, ayaa maanta daah-furtay shirka wadatashiga daneeyayaasha ee lagu diyaarinayo laguna dejinayo Istaraatiijiyadda Tallaalka Puntland (2026–2030).

Shirkan muhiimka ah waxaa ka qayb galay Kusimaha Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha Qorshaynta iyo Shaqada iyo Shaqaalaha, masuuliyiinta Wasaaradda ee gobollada, iyo bah-wadaagta caafimaadka ee caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin WHO, UNICEF, PSI, ICRC iyo Save the Children.

Agaasimaha Qorshaynta Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Abdirisaaq Mohamed Artan, ayaa sheegay in shaqada diyaarinta istaraatiijiyaddan ay muddo soo socotay, ayna hadda marayso heer lagu dhammaystirayo. Wuxuu xusay in muhiimad gaar ah la siinayo sidii loo sii wadi lahaa loona xoojin lahaa adeegyada tallaalka, iyadoo la tixgelinayo xaaladda dhaqaale iyo baahiyaha caafimaad ee jira.

Dr. Mamady, Madaxa Tallaallada ee WHO Soomaaliya, ayaa sheegay in ujeeddada kulanka labada maalmood soconaya ay tahay in la diyaariyo qorshe si wanaagsan looga fikiray, la dhaqangelin karo, isla markaana ku salaysan xog dhammaystiran. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in istaraatiijiyaddu noqoto mid horumarsan oo si dhab ah looga hirgelin karo Puntland.

Abdirisaaq Abshir, Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ahna Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah, ayaa sheegay in shirka lagu falanqaynayo qorshaha iyo jihada istaraatiijiyadda tallaalka. Wuxuu tilmaamay in tallaalka hadda laga bixiyo ku dhowaad 200 xarumood oo ku yaalla guud ahaan Puntland, iyadoo ujeeddadu tahay in si cad loo qeexo caqabadaha jira, lana isla meel dhigo sidii loo sii wadi lahaa horumarka adeegyada tallaalka.

Maryan Osmaan Ahmed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ahna Kusimaha Wasiirka, ayaa bogaadisay qabsoomidda shirka, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay in si qoto dheer looga wada hadlo caqabadaha keena in cudurrada looga hortagi karo tallaalka ay mararka qaar soo noqnoqdaan, iyadoo adeegyada tallaalku ay jiraan.

Wasiir Ku-xigeenku waxay ku nuuxnuuxsatay in laga filayo shirka in ay ka soo baxaan qodobo muhiim ah oo la fulin karo, ayna muhiim tahay in natiijooyinka shirka aysan ku ekaan dood iyo talooyin oo keliya, balse loo beddelo tallaabooyin wax-ku-ool ah. Waxay sidoo kale si gaar ah u tilmaantay baahida loo qabo in la xoojiyo gaarsiinta adeegyada tallaalka meelaha fogfog iyo bulshada ay adag tahay in adeegyada caafimaadku gaaraan.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-xigeenka ayaa u mahadcelisay dhammaan hay’adaha iyo bah-wadaagta caafimaadka ee Wasaaradda kala shaqeeya horumarinta iyo xoojinta adeegyada tallaalka Puntland.

Shirkan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa lagu wadaa in lagu sameeyo falanqayn dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda tallaalka Puntland, laguna qeexo caqabadaha jira, fursadaha la heli karo iyo jihada loo wajahayo mustaqbalka, si loo helo Istaraatiijiyad Tallaal oo waarta, la fulin karo, isla markaana ka jawaabta baahiyaha bulshada Puntland.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND

Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter):
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: .puntland
YouTube:

Garoowe, 22 August 2026:- Wasiir Ku-xigeenka ahna Kusimaha Wasiirka Caafimaadka Puntland Marwo Maryan Osman Ahmed ayaa m...
22/08/2026

Garoowe, 22 August 2026:- Wasiir Ku-xigeenka ahna Kusimaha Wasiirka Caafimaadka Puntland Marwo Maryan Osman Ahmed ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay masuul ka socday hay’adda MSF, oo uu hogaaminayay Madaxa Mashaariicda, Dr. Thok Johnson, waxaana kulanka looga hadlay dardargelinta adeegyada biyaha ee Gaalkacyo, u-diyaargarowga saameynta isbeddelka cimilada iyo dhacdooyinka El Niño.

Sidoo kale, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta ka hortagga iyo xakamaynta cudurrada faafa, gaar ahaan Jadeecada (Measles) oo kusoo badanaysa Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad lagu sii xoojinayo wada shaqaynta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland iyo Hay’adda MSF, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka loona xaqiijiyo adeegyo tayo leh oo bulshada la gaarsiiyo.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Caafimaadka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter):
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: .puntland
YouTube:

20/08/2026

Xiritaanka tababarka marwo caafimaad.

Garoowe, 20 August 2026:- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Wasiirka, Marwo Mary...
20/08/2026

Garoowe, 20 August 2026:- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Wasiirka, Marwo Maryan Osmaan Ahmed, ayaa soo xirtay wajiga labaad ee tababarka Marwo Caafimaad, kaas oo loogu talagalay xoojinta adeegyada caafimaad ee bulshada ku nool deegaannada fogfog ee Puntland.

Dufcadda labaad ee tababarka ayaa ka kooban 84 haween ah, kuwaas oo ka kala yimid tuulooyin iyo deegaanno fogfog oo ka tirsan Puntland. Tababarku wuxuu socday muddo 30 maalmood ah, waxaana haweenkan loo diyaarinayaa inay adeegyo caafimaad oo aasaasi ah gaarsiiyaan bulshada ku nool deegaannadii ay ka yimaadeen, gaar ahaan hooyada iyo dhallaanka.

Wasiir Ku-xigeenka ahna Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Marwo Maryan Osmaan Ahmed, ayaa bogaadisay ka qaybgalayaasha tababarka, iyadoo xustay muhiimadda barnaamijka Marwo Caafimaad uu u leeyahay gaarsiinta adeegyada caafimaadka bulshada ku nool deegaannada fogfog.

Waxay sidoo kale tilmaantay in Wasaaradda Caafimaadku ay ka go’an tahay xoojinta barnaamijyada caafimaadka aasaasiga ah iyo sidii adeegyada muhiimka ah loo gaarsiin lahaa bulshada, gaar ahaan hooyooyinka iyo carruurta ku nool deegaannada ay adag tahay in adeeg caafimaad si joogto ah loo gaarsiiyo.

Munaasabadda xiritaanka waxaa Wasiir Ku-xigeenka ahna Kusimaha Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Aasaasiga ah, Abdirisaaq Abshir Xirsi, Madaxa Mashruuca Marwo Cafimaad Salma Osmaan Guureeye iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.

Barnaamijka Marwo Caafimaad ayaa qayb muhiim ah ka qaadanaya dadaallada lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka aasaasiga ah iyo sidii bulshada ku nool deegaannada fogfog loogu dhoweyn lahaa adeegyada caafimaad.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter):
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: .puntland
YouTube:

Garoowe, 19, August 2026:- Wasaaradda Caafimaadka Puntland, xarunteeda dhexe ee Garoowe, ayaa maanta lagu qabtay Shirka ...
19/08/2026

Garoowe, 19, August 2026:- Wasaaradda Caafimaadka Puntland, xarunteeda dhexe ee Garoowe, ayaa maanta lagu qabtay Shirka Dib-u-eegista iyo Cusboonaysiinta Qorshaha U-diyaargarowga Caafimaadka Degdegga ah ee Puntland.

Shirka oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qaybgalaya wakiillo ka socda dhammaan gobollada Puntland, hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda Caafimaadka, Kooxda Isku-xirka Caafimaadka (Health Cluster), iyo Unugyada Isku-xirka Ku Salaysan Deegaanka (Area-Based Coordination Units).

Shirka waxaa furtay Wasiir Ku-xigeenka ahna Kusimaha Wasiirka Caafimaadka Puntland, Marwo Maryan Osmaan Ahmed, oo ka hadashay muhiimadda uu shirku u leeyahay xoojinta u-diyaargarowga iyo jawaab-celinta xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.

Kusimaha Wasiirka ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la sameeyo diyaar-garow iyo qorsheyn ka hor inta aysan xaalad degdeg ahi dhicin, si marka ay xaaladdu timaaddo loo helo qorshe cad, awood jawaab-celin oo diyaarsan iyo isku-duwid wanaagsan oo u dhaxaysa dhammaan hay’adaha ay khusayso.

Dhankiisa, Mubarak Isse, Madaxa Waaxda Gurmadka Degdegga ah (Emergency) ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa sheegay in shirka lagu samayn doono dib-u-eegis ballaaran oo lagu qiimaynayo xaaladaha caafimaad ee degdegga ah ee Puntland, gaar ahaan waayo-aragnimadii iyo casharradii laga bartay xaaladihii h**e.

Waxa uu xusay in dib-u-eegistan ay fursad u tahay in la aqoonsado baahiyaha jira, caqabadaha horyaalla nidaamka jawaab-celinta iyo meelaha u baahan in la xoojiyo, si loo helo qorshe cusub oo ka jawaabi kara xaaladaha degdegga ah ee Puntland iyo khataraha mustaqbalka.

Inta uu shirku socdo, waxaa dib-u-eegis lagu samayn doonaa qorshaha hadda jira ee Wasaaradda Caafimaadka ee u-diyaargarowga xaaladaha caafimaad ee degdegga ah, iyadoo la qiimaynayo waayo-aragnimada, baahiyaha iyo caqabadihii laga bartay xaaladihii h**e.

Sidoo kale, waxaa la diyaarin doonaa oo la cusboonaysiin doonaa qorshe cusub oo u-diyaargarowga caafimaadka degdegga ah, kaas oo si wanaagsan uga jawaabi kara xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca Puntland iyo sidoo kale khataraha ka iman kara deegaannada ku xeeran ee saamayn ku yeelan kara Puntland.

Shirkan ayaa muhiim u ah xoojinta isku-duwidda hay’adaha caafimaadka, diyaar-garowga, awoodda jawaab-celinta degdegga ah iyo wada-shaqaynta dhammaan daneeyayaasha, si loo hubiyo in Puntland ay si hufan oo waqtigeeda ah uga jawaabi karto xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND

Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter):
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: .puntland
YouTube:

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Caafimaadka Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Caafimaadka Puntland:

Shortcuts

Share