Hon Mohamed Baarri Shire

Hon Mohamed Baarri Shire This is the Official page of the First Deputy Speaker of the Puntland Parliament, Hon. Mohamed Baarri Shire

04 September 2026- Waxaa Maanta qayb ka ahaa wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdul...
04/09/2026

04 September 2026- Waxaa Maanta qayb ka ahaa wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo socdaal shaqo ku marayay Gobolka Bari, iyadoo ujeeddadu tahay in si dhow loogu kuurgalo xaaladda deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Bari.

Waxaana si diirran noogula soo dhaweeyey Deegaanka Yalho ee Degmada Boosaaso, Deegaanka Kob-dhexaad iyo Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari, halkaas oo bulshada iyo maamulka deegaanka nagu soo dhaweeyay.

Socdaalkan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda ee ku aaddan qiimaynta xaaladda guud ee deegaannada Gobolka Bari, la kulanka bulshada iyo dhageysiga baahiyaha iyo arrimaha muhiimka u ah horumarka deegaanka.

Hon Mohamed Baarri Shire

BOSAASO: Waxaan ka qeybgalay Shirka Amniga Gobolka Bari, kaas oo si qoto dheer ugu hadalnay xaaladda amniga Gobolka Bari...
02/09/2026

BOSAASO: Waxaan ka qeybgalay Shirka Amniga Gobolka Bari, kaas oo si qoto dheer ugu hadalnay xaaladda amniga Gobolka Bari, gaar ahaan xoojinta hawlgallada ka dhanka ah Argagixisada, xakamaynta hubka sharci darada ah, la dagaalkanka burcad Badeeda iyo tahribka, ka hortagga isku dhaca iyo colaadaha beelaha, horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga, horumarinta bilicda, nadaafadda iyo banneynta waddooyinka xiran ee magaalada Bosaso. Sidoo kale, Shirka waxaa ugu hadalnay kor u qaadista ilaha dakhliga Dowladda, la dagaallanka maandooriyaha, ilaalinta tayada daawooyinka iyo raashinka, iyo arrimaha dhul daaqsimeedka iyo deegaameynta.

Hon Mohamed Baarri Shire

Garowe:-Waxaan caawa ka qayb galay munaasabadda lagu xusay sannad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Dowladda...
01/08/2026

Garowe:-Waxaan caawa ka qayb galay munaasabadda lagu xusay sannad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Dowladda Puntland. Koowda Ogos waa maalin ku astaysan asaaska DPL.

Mar kele hanbalyo hanbalyo hanbalyo Ciid wanaagsan dhammaan Shacab & Dowladba.

Hon Mohamed Baarri Shire

01/08/2026

HANBALYO SHACAB & DOWLADBA.

Garowe:-Waxaan Maanta ka qeybgalay Xuska munaasibadda 1-da Ogos oo ku astaysan sannad guurada 28-aad ee asaaska DPL.1-Og...
01/08/2026

Garowe:-Waxaan Maanta ka qeybgalay Xuska munaasibadda 1-da Ogos oo ku astaysan sannad guurada 28-aad ee asaaska DPL.

1-Ogos 1998-dii waa maalin ku astaysan gobonnimo iyo guul aya gaareen dhammaan bulshada ku midawday ee dhisatay haykal dowladeedkan hana-qaaday.

Mar kele hanbalyo hanbalyo hanbalyo Ciidwanaagsan dhammaan Shacab & Dowladba.

Hon Mohamed Baarri Shire

HANBALYO SHACAB & DOWLADBA.Waxaan munaasibadda 1-da Ogos oo ku astaysan sannad guurada 28-aad ee asaaska DPL darteed aan...
31/07/2026

HANBALYO SHACAB & DOWLADBA.

Waxaan munaasibadda 1-da Ogos oo ku astaysan sannad guurada 28-aad ee asaaska DPL darteed aan hanbalyo u dirayaa umadda Reer Puntland. 1-Ogos 1998-dii waa maalin ku astaysan gobonnimo iyo guul ayaa gaareen dhammaan bulshada ku midawday ee dhisatay haykal dowladeedkan hana-qaaday.

Sida loogu najaxay Dowladda Puntland waxay ka muuqataa dhinac kasta oo nolosheena ka mid ah hadday noqon lahayd horumarrada laga sameeyey Kaaba-yaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo habfekerka siyaasiga oo bisayl xooggan laga gaaray.

Keliya asaaskii DPL bulshadii dhisatay ma intifaacsane waxaa ku wada faa'iiday dhammaan ummadda Somaaliyeed maddaama PL ay naf iyo maal-ba ay u hurtay dibu-curashada iyo soo kabashada dowladnnimada Somaaliya ee ku dhisan hannaanka Federaalka ah.

Muddadaas ay jirtay Dowladda Puntland waxaa duullaano kala duwan ku soo qaaday kooxaha Argagixisada dhammaan duulaamadooda-na shacabka iyo Ciidameeda geesiyada ah ee DPL ayaa fashiliyey.

28-sanno oo u buuxsamay jiritaanka DPL waxaan shacaabkeeda Gude iyo dibbad-ba aan ugu baaqayaa inay ilashadaan midnimadooda, dowladnnimadooda iyo sarraynta sharciga isla markaana ay Dowladooda ku garab siiyaan ka hortegga Argagixisada iyo hoggaanka waqtigoodu dhammaaday ee sida sharci darrada ah ku jooga VIlla Somaliya dhagaraha ay maleegayaan .

Mar kele hanbalyo hanbalyo hanbalyo Ciidwanaagsan dhammaantiin.

MAHADSANIDIIN NABAD & BARWAAQO SANNADKAN SANNADKIISA RABBI HA INAGU GAARSIIYO.

Hon Mohamed Baarri Shire

TACSI TIIRAANYO LEH.‎( إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ) Inaallihaahi waa inaa ileyhi raajacuun.ALLAHA u naxa...
31/07/2026

TACSI TIIRAANYO LEH.

‎( إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)
Inaallihaahi waa inaa ileyhi raajacuun.

ALLAHA u naxariisto Abwaan, Fanaan, cod iyo laxan isku darsaday Axmed Cali Cigaal oo goor dhow ku geeriyooday Mareykanka, Axmed wuxuu ka mid ahaa xiddigigii ugu caansana looguna jeclaa Hobolada Waaberi. Runtii 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 wuxuu ahaa shakhsi isku darsaday wadaniyad, akhlaaq, gobonimo, hibo faneed iyo dadnimo.
Samir iyo iimaan allaha kasiyo dhamaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed uu ka baxay.

Aamiin, Aamiin.
Hon Mohamed Baarri Shire

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟑𝟎 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔:- Waxaa maanta shir guddoominay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟐-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Puntland....
30/07/2026

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟑𝟎 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔:- Waxaa maanta shir guddoominay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟐-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Puntland.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa Soo jeedinta wax- ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga gaarka ah ee Falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland

Ugu horreyn, Guddiga Gaarka ah ayaa Golaha la wadaagay warbixintooda iyo soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland, taas oo ku salaysan arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyeynta, si loo waafajiyo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee Puntland.

Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha Golaha, waxaa Oggol ugu codeeyay 41 mudane, Diidmo majirin, waxaa ka aamusay 4 Mudane , waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta Xukuumadda ee ku aaddan wax-ka-bedelka si waafaqan 139 ee Dastuurka Puntland.

Hon Mohamed Baarri Shire

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟐𝟖 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔 – Waxaa maanta shir guddoominay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟎-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Puntland....
28/07/2026

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 𝟐𝟖 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔 – Waxaa maanta shir guddoominay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟎-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta waxaa laga hor akhriyey warbixin ay soo diyaariyeen Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba, kuwaas oo Golaha Wakiillada Kalfadhigii 57-aad fadhigiisii 22- aad ee 7/12/2025.

Guddiga Gaar ah ayaa warbixintantooda oo ay ku saleeyey kormeerro iyo booqashooyin ay ku tageen hay’adaha dowladda, dalladaha, xarumaha iyo dhammaan daneeyayaasha ka shaqeeya arrimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyagoo soo bandhigay xog iyo talooyin ku saabsan sidii loo horumarin lahaa adeegyada iyo xuquuqda bulshadaas.

Kulankan oo goob-joog ahaa wakiillo ka socday dalladaha iyo ururrada ka shaqeeya arrimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaas oo si dhow ula socday akhrinta warbixinta.

Ugu dambayn, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa warbixinta guddiga u beddelay go’aan Golaha, iyadoo qodobadii iyo talooyinkii ku xusnaa loo ansixiyey inay noqdaan go’aan rasmi, waxaana loo gudbindoona hay'adaha qoraalku uu khuseeyo.

Hon Mohamed Baarri Shire

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞:Waxaa maanta shir guddoominay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟎-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Puntland.Fadhiga maanta a...
28/07/2026

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞:Waxaa maanta shir guddoominay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟎-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa wadista ka shaqeynta Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2025 ee Puntland.

Waxaana Golaha laga hor akhriyey Warbixinta 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚, 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 Golaha Wakiillada ee 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛-𝐱𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝-𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟓.

Intaas ka dib, waxaan cod aqlabiyad leh ku Meelmarinay ansixinay Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2025 si waafaqsan Qodobada 64(13) iyo 137(1) ee Dastuurka DPL iyo qodobka 64 ee Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada DPL, Waxaana Oggol ugu codeeyay 32 mudane, waxaa diiday 4 mudane , halka ay ka aamuseen 4 mudane.

Hon Mohamed Baarri Shire

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon Mohamed Baarri Shire posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon Mohamed Baarri Shire:

Shortcuts

Share