Hon Abdirisak Ahmed Said

Hon Abdirisak Ahmed Said This is my official page, as Speaker of Puntland Parliament Hon. Abdirisak Ahmed Said

TACSI:  ‎إنا لله وإنا إليه راجعون الله يرحمه
03/08/2026

TACSI: ‎إنا لله وإنا إليه راجعون الله يرحمه

01/08/2026

Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin gaara udirayaa qaybaha kala duwan ee Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, oo naftooda, iyo waqtigooda uhuray xasiloonida iyo nabadda aan haysano ee sal-dhiga u ah horumarka kala duwan ee aan gaarnay 28-kii sano ee Puntland Jirtay.

Waxaaan si gaaaar ah u bogadaaaniyaaa qaybaha difaaca kaga jira buuraha, soohdimaha iyo meeelkasta oo Mihim ah.

Hambalyo, abaalkiina Eebbe Jano haka dhigo.

Waxaan guud ahaan shacabka reer Puntland, meel kasta oo ay dunida ka joogaan, ugu hambalyeynayaa munaasabadda Sanad-guur...
01/08/2026

Waxaan guud ahaan shacabka reer Puntland, meel kasta oo ay dunida ka joogaan, ugu hambalyeynayaa munaasabadda Sanad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Dowladda Puntland.

1-da Agoosto waa maalin taariikhi ah oo astaan u ah midnimo, nabadgelyo, xasillooni, dowladnimo iyo horumarka ay Puntland ku tallaabsatay muddadii 28-ka sano ahayd. Waa maalin dib inoogu xusuusinaysa qiimaha wadajirka, iskaashiga iyo ilaalinta hay'adaha dowladnimada.

Sanad-guuro Wacan shacabkaygow farxad ku Dabaaldega.

01/08/2026
31/07/2026

Mashaariicda aan maanta Xarig-jarnay waxay aragtidoodu kasoo bilaamatay Daraasad aan ka samaynay kormeer aan kutagay gobolada sanaag iyo Haylaan Bishii 9-aad 2024, oo aan kula kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada si aan u ogaado baahiyaha iyo caqabadaha ka jira degaanadaas…

Maanta waxaan si rasmi ah xarigga uga jaray mashaariic horumarineed oo Dowladda Puntland ka hirgelisay Degmada Dhahar, x...
31/07/2026

Maanta waxaan si rasmi ah xarigga uga jaray mashaariic horumarineed oo Dowladda Puntland ka hirgelisay Degmada Dhahar, xarunta Gobolka Haylaan.

Mashaariicdan oo ay ka mid yihiin Xarunta Maamulka Gobolka Haylaan, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, Xarunta Garsoorka iyo Laanta Bangiga, waxay yihiin adeegyo muhiim ah oo bulshada Gobolka Haylaan ay muddo dheer baahi weyn u qabeen. Waxayna door muuqda ka qaadan doonaan tayeynta adeegyada dowliga ah, xoojinta maamulka, dardargelinta hannaanka garsoorka, iyo kor u qaadidda amniga iyo hufnaanta adeegyada gobolka.

Muddo aan fogeyn ayay ahayd markaan dhagax-dhigay Xarumahan, dhamaystirkoodu wuxuu markhaati cad u yahay sida ay Dowladda Puntland uga go’an tahay hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah, kuwaas oo kor u qaadaya tayada adeegyada bulshada, xoojinaya hay’adaha dowladda, isla markaana dardargelinaya horumarka iyo koboca deegaannada Puntland.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan hay’adihii, masuuliyiintii, farsamayaqaannadii iyo bulshada kaalinta muuqata ka qaatay hirgelinta mashaariicdan. Ka Gole ahaan waxaan sii wadi doonaa dadaallada aan ugu qareemayno Golaha Fulintana kula xisaabtamayno dadaalada lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah iyo kaabeyaasha dowladeed si loo xaqiijiyo horumar waara oo ay bulshada Puntland wada dheefsato.

31/07/2026

Maanta waxaan si rasmi ah xarigga uga jaray Xarumaha Maamulka Gobolka Haylaan, Wasaaradda Maaliyadda, Garsoorka iyo Laanta Bangiga ee Gobolka Haylaan, oo ah mashaariic horumarineed oo Dowladda Puntland ka hirgelisay Degmada Dhahar.

30/07/2026

Address

Parliament Avenue
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon Abdirisak Ahmed Said posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon Abdirisak Ahmed Said:

Shortcuts

Share