Puntland Ministry of Energy Minerals & Water

Puntland Ministry of Energy Minerals & Water Official page of the Ministry of Energy, Minerals and Water of Puntland State of Somalia .

DAAH-FURKA NIDAAMKA MAARAYNTA XOGTA BIYAHA PUNTLAND (WIMS)Garoowe, 24 June 2026 – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta,...
24/06/2026

DAAH-FURKA NIDAAMKA MAARAYNTA XOGTA BIYAHA PUNTLAND (WIMS)

Garoowe, 24 June 2026 – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland mudane abdirahman khalif ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Nidaamka Maaraynta Xogta Biyaha Puntland (WIMS), oo ah nidaam casri ah oo loogu talagalay ururinta, kaydinta, falanqaynta iyo wadaagista xogta biyaha, si loo xoojiyo qorshaynta iyo go’aan-qaadashada ku salaysan xog sax ah oo la isku halayn karo.

Munaasabadda ayaa lagu soo gabagabeeyay khudbad uu jeediyay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Liibaan Muuse Boqor, oo si rasmi ah u xiray munaasabadda, isaga oo adkeeyay muhiimadda nidaamka WIMS uu u leeyahay horumarinta maamulka iyo maaraynta xogta biyaha ee Puntland.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu gudoonsiiyay shahaadooyin dhammaan ka qaybgalayaashii dhammaystay tababarkii afarta maalmood socday ee ku saabsanaa adeegsiga iyo maamulka Nidaamka Maaraynta Xogta Biyaha Puntland (WIMS).

Daah-furka waxaa ka soo qaybgalay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Korontada Puntland, Isku-duwayaasha Gobollada, farsamayaqaanno ka kala socday hay’adaha dowladda, wakiillo ka socday PPP-da iyo khubaro la-talin ka socday AKVO.

Mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa bogaadiyay hirgelinta nidaamka WIMS, iyagoo tilmaamay in uu door muhiim ah ka qaadan doono helitaanka xog biyo oo sax ah, kor u qaadista isla xisaabtanka, iyo taageeridda go’aan-qaadasho wax ku ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada biyaha ee Puntland.

= DHAMMAAD =

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland

GUNAANADKA TABABARKA NIDAAMKA MAARAYNTA XOGTA BIYAHA PUNTLAND (WIMS)Garowe 23 jun 2026 Waxaa si rasmi ah loo soo xiray t...
24/06/2026

GUNAANADKA TABABARKA NIDAAMKA MAARAYNTA XOGTA BIYAHA PUNTLAND (WIMS)

Garowe 23 jun 2026 Waxaa si rasmi ah loo soo xiray tababarkii afarta maalmood socday ee Nidaamka Maaraynta Xogta Biyaha Puntland (WIMS), kaas oo lagu xoojiyay aqoonta iyo xirfadaha ka qaybgalayaasha ee la xiriira ururinta, xaqiijinta, maaraynta iyo falanqaynta xogta biyaha.

Munaasabadda xiritaanka waxaa si rasmi ah u soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland saadaq mohamoud, isaga oo ku bogaadiyey ka qaybgalayaasha dadaalkii iyo ka go'naantii ay muujiyeen muddadii tababarku socday.

Sidoo kale, Maareeyaha Wakaalada horumarinta biyaha ee puntland mudane mohamed abdulqadir ayaa ka hadlay muhiimadda nidaamka WIMS iyo doorka uu ka qaadanayo horumarinta maamulka xogta biyaha ee Puntland. Waxaa sidoo kale la soo bandhigay dulmar ku saabsan casharradii iyo aqoontii laga bartay afartii maalmood ee tababarka.

Dhanka kale, teamka AKVO ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin guusha tababarka, iyagoo xusay in ujeeddooyinkii loo qorsheeyay si wanaagsan loo gaaray, ayna ka qaybgalayaashu muujiyeen faham iyo ka qaybqaadasho heer sare ah.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamyada xogta biyaha si loo helo go'aan-qaadasho ku salaysan xog sax ah oo lagu horumarinayo adeegyada biyaha ee Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland, Mudane Liibaan Muuse Boqor, oo uu weheliyo Madaxa la...
22/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland, Mudane Liibaan Muuse Boqor, oo uu weheliyo Madaxa la socodka Mashaaricda iyo Hawlfulinta Dawladda Mawliid Bashiir Ahmed . ayaa guddoomiyey kulan iyo kormeer heer sare ah oo la xiriira Mashruuca Soo Kabashada Korontada Soomaaliya (SESRP/ILAYS), kaas oo ay ka qeyb galeen wafdi ka socday Bangiga Adduunka, Unugga Fulinta Mashruuca (PIU), shirkadaha qandaraaslayaasha ah ee Asunim Renewvia JV, iyo masuuliyiin ka socday shirkadaha ka faa’iideysanaya mashruuca ee NECSOM iyo NEPCO.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray horumarka mashruuca, guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo qorshaha lagu xaqiijinayo in mashruucu u socdo si waafaqsan jadwalkii loo asteeyey.

Intii uu socday kulanka, Wasiir Liibaan Muuse Boqor ayaa adkeeyey sida ay Dowladda Puntland uga go’an tahay hirgelinta mashaariicda tamarta ee istiraatiijiga ah, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhammaan dhinacyada ay khusayso si loo xaqiijiyo adeeg koronto oo la isku halayn karo, waara, isla markaana ka faa’iideystan bulshada reer Puntland.

Wafdigu waxa ay sidoo kale booqdeen xarunta cusub ee dhalinta korontada ee Garoowe, halkaas oo ay ku qiimeeyeen heerka uu marayo mashruucu. Waxaa la xaqiijiyey in si guul leh loo dhammeystiray wejigii koowaad (Phase I), iyadoo la isla qaatay in dadaallada la sii xoojiyo si loo dardargeliyo wejiyada xiga ee mashruuca.

Kulanka iyo kormeerkuba waxay ku soo dhammaadeen is-afgarad, wada-shaqeyn iyo ballanqaad ku aaddan in mashruuca lagu dhammeystiro si hufan, ammaan ah, isla markaana waafaqsan heerarka farsamo, deegaan iyo bulsho ee lagu heshiiyey.

= DHAMMAAD =

XAFIISKA WARFAAFINTA
WASAARADDA TAMARTA, MACDANTA IYO BIYAHA PUNTLAND

Furitaanka Tababarka Nidaamka Maaraynta Xogta Biyaha Puntland (WIMS)Garoowe: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macd...
21/06/2026

Furitaanka Tababarka Nidaamka Maaraynta Xogta Biyaha Puntland (WIMS)

Garoowe: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, oo ay weheliyaan Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Saadiq Maxamed Maxamuud, iyo Mareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland , Maxamed Cabdulqaadir Maxamed, ayaa si rasmi ah u furay tababarka Nidaamka Maaraynta Xogta Biyaha Puntland (WIMS).

Tababarkan ayaa lagu qabanayaa magaalada Garoowe, wuxuuna diiradda saarayaa kor u qaadista awoodda hay’adaha biyaha ee Puntland, xoojinta maaraynta xogta biyaha, iyo taageeridda go’aan-qaadasho ku dhisan xog sax ah oo la isku halayn karo. Sidoo kale, tababarku wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo maamul-wanaagga, hufnaanta, iyo tayeynta adeegyada waaxda biyaha.

Nidaamka Maaraynta Xogta Biyaha Puntland (WIMS) waxaa si wadajir ah u hirgeliyey Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland (PWDA), iyo Hay’adda UNICEF, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo nidaam casri ah oo lagu kaydiyo, lagu maareeyo laguna falanqeeyo xogta ilaha biyaha ee Puntland.

Tababarka waxaa ka qaybgalaya saraakiil iyo farsamayaqaanno ka kala socda Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland (PWDA), Isku-duwayaasha Gobollada ee Wakaaladda, wakiillo ka socda PPP-da, saraakiil ka socota Hay’adda UNICEF, iyo khubaro la-talin (Consultants) oo ka socda AKVO, kuwaas oo bixinaya tababarka farsamo ee la xiriira nidaamka WIMS iyo horumarintiisa.

Tababarkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo awoodda isticmaalayaasha nidaamka, korna u qaado tayada xogta biyaha ee Puntland, si loo helo qorsheyn iyo go'aan-qaadasho ku saleysan xog sugan oo la isku halayn karo.

= DHAMMAAD =

XAFIISKA WARFAAFINTA
WASAARADDA TAMARTA, MACDANTA IYO BIYAHA PUNTLAND

Garoowe: Juun 18, 2026Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland mudane Saadiq Maxamuu...
18/06/2026

Garoowe: Juun 18, 2026

Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland mudane Saadiq Maxamuud Maxamed, ayaa furay Shirka Saddex-biloodlaha ah ee Daneeyayaasha Biyaha.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa looga hadlaa guulaha la gaaray, gaabiska la wajahay iyo qorshaynta saddexda bilood ee aoo socota. Shirkani waxa uu kulmiyaa bahwadaagta ka shaqeeya biyaha, Nadaafadda iyo Faydhowrka.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen; Wasaaradda Caafimaadka, Wakaaladda Biyaha, Hay’adda IMC, hay’adaha UNICEF, NRC, PSI, CARE, World Vision, Islamic Relief, SRCS, TASS, ASAL, NODO, SOMFORD, KAALO Aid, Kaalo-Natherland, PMWDO, NODO, iyo qaar kale ayaa lagu wadaagay guulihii laga gaaray horumarinta kaabayaasha biyaha.

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA TAMARTA, MACDANTA IYO BIYAHA DPL

Shimbiraale, Dawaco iyo Daarasalaam -Sanaag, Juun 7, 2026: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha DPL...
08/06/2026

Shimbiraale, Dawaco iyo Daarasalaam -Sanaag, Juun 7, 2026: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha DPL mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax oo qayb ka ahaa wafdi ka kooban wasiirro iyo guddoomiyaha gobolka Sanaag ayaa safar shaqo ku tegey deegaannada Shimbiraale, Dawaco iyo Daarasalaam ee gobolka Sanaag.

Wafdigu waxa ay bulshada deegaanka gaarsiiyeen gargaar ay dawladdu ugu talagashay dadka ay saameeyeen abaaraha iyo colaaddii ka dhacday deegaanka.

Safarkan waxaa qayb ka ahaa dhallinyarada gobollada Sanaag iyo Haylaan oo isu-xilqaamay nabadaynta dadka walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay Laashimo.

Wafdigu waxa ay kulammo la yeesheen bulshada deegaanka iyaga oo kala hadlay xoojinta nabadda iyo xasilloonida deegaanka. Sidoo kale, wafdigu waxa ay booqdeen xarumaha caafimaadka, ceelasha iyo goobaha lagu bixiyo adeegga bulshada si ugu kuurgalaan xaaladda adeegyada bulshada.

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA TAMARTA, MACDANTA IYO BIYAHA DPL

KORMEER SHAQO.Bursaalax: Juun 4, 2016:kusimah  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland mudan...
04/06/2026

KORMEER SHAQO.
Bursaalax: Juun 4, 2016:kusimah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland mudane Saadiq Maxamuud Maxamed ayaa kormeer shaqo ku tegey degmada Bursaalax ee gobolka Mudug.

Ujeedka kormeerka agaasimaha ayaa daarranaa u-kuurgelidda halka uu marayo mashruuca ballaarinta cadceedda degmada Bursaalax.

Mashruucan oo ay si wadajir ah u maalgelinayaan Dawladda Norway iyo Hay’adda Iskaashiga Horumarinta ee Switzerland (SDC), ayaa laga rakibay warshadda tamarta cadceedda oo waxsoosaarkeedu gaarayo 350MW/H, iyo batari kaydkiisu yahay 430 MW/H.

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA TAMARTA, MACDANTA IYO BIYAHA DPL

Garoowe: May 25,2026, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha mudane Saadiq Maxamuud Maxame...
25/05/2026

Garoowe: May 25,2026, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha mudane Saadiq Maxamuud Maxamed ayaa tababar u furay shaqaalaha wasaaradda dhexe.

Dr. Cismaan Salaad Xirsi (PhD), oo kaaliye-bare ka ah Jaamacadda Regina, Kanada ayaa daadihinayey tababarka oo ku saabsanaa khayraadka macdanta iyo shidaalka. Diktoorku waxa uu xoogga saaray xogaha laga qoray iyo daraasado laga sameeyey khayraadka macdanta iyo shidaalka ee Soomaaliya.

Tani waxa ay ka mid tahay dadaallada Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyuhu ugu jirto kobcinta aqoonta khayraadka dalka, waxaana qorshaha sannadka ee wasaaradda ku jira in ay tababar siiso macdanlayaasha gacmaha ku qoda macdanta, si loo kordhiyo aqoontooda deegaan iyo badbaadadooda.

Dhammaad

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA TAMARTA, MACDANTA IYO BIYAHA DPL.

Waxaa magaalada Garoowe ka qabsoomay shir muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Punt...
18/05/2026

Waxaa magaalada Garoowe ka qabsoomay shir muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray mideynta iyo xoojinta wada shaqeynta daneeyayaasha ka shaqeeya arrimaha WASH (Biyaha, Fayadhowrka iyo Nadaafadda).

Ugu horrayn, shirka waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Sadiq Mohamoud Mohamed, isaga oo soo dhaweeyay dhammaan masuuliyiinta iyo madaxda ka qayb gashay kulanka. Agaasimaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta iyo isku xirka daneeyayaasha ka shaqeeya arrimaha biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka si loo gaaro adeegyo waara oo bulshada anfaca.

Kulanka u-qareemidda biyaha ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay biyuhu u leeyihiin nolosha, caafimaadka, beeraha iyo horumarka bulshada. Masuuliyiintii ka hadlay shirka ayaa adkeeyey xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta biyaha, iyagoo xusay in biyuhu yihiin laf-dhabarka nolosha isla markaana loo baahan yahay in bulshada oo dhan laga wada qeybgeliyo ilaalinta iyo horumarinta adeegyada biyaha. Waxaa sidoo kale laga hadlay saameynta isbeddelka cimilada iyo baahida loo qabo qorsheyaal waara oo lagu xoojinayo helitaanka biyo nadiif ah.

Ugu dambeyntii, shirka waxaa soo xiray Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Abdirahman Khalid Farax, isaga oo ku bogaadiyay ka qaybgalayaasha dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta iyo xoojinta Sector-ka WASH ee Puntland.

Golaha Wasiirrada Puntland oo la Qaybiyey Hindisaha Siyaasadda Horumarinta Tamarta.Maanta waxaa Golaha Wasiirrada Puntla...
14/05/2026

Golaha Wasiirrada Puntland oo la Qaybiyey Hindisaha Siyaasadda Horumarinta Tamarta.

Maanta waxaa Golaha Wasiirrada Puntland loo qaybiyey Hindisaha Siyaasadda Horumarinta Tamarta, taas oo noqon doonta hagaha iyo tubta lagu horumarinayo kaabeyaasha tamarta ee Puntland.

Wasaaraddu waxay si weyn ugu mahadcelinaysaa dhammaan khubaradii iyo hawlwadeennadii door muhiim ah ka qaatay diyaarinta iyo dhamaystirka siyaasaddan.

Sidoo kale, mahadnaq gaar ah ayaa loo dirayaa dhammaan shirkadaha korontada ee ka howlgala Puntland, kuwaas oo qayb weyn ka qaatay hirgelinta iyo dhamaystirka siyaasaddan.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay mahadcelin u diraysaa Wakaaladda Horumarinta Tamarta, puntland iyadoo ku bogaadinaysa taageerada farsamo ee ay ka geysteen diyaarinta siyaasaddan muhiimka ah.
.Dhamaad..

Address

Xaruntii H**e Ee Dalxiiska, Dhabarka Danbe Ee Madaxtooyadii H**e Ee DPL
Garowe

Opening Hours

Monday 07:00 - 14:00
Tuesday 07:00 - 14:00
Wednesday 07:00 - 14:00
Thursday 07:00 - 14:00
Saturday 07:00 - 14:00
Sunday 07:00 - 14:00

Telephone

+252907776380

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Ministry of Energy Minerals & Water posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Puntland Ministry of Energy Minerals & Water:

Shortcuts

Share