25/07/2026
BAYAAN NABADEED
Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda (GCD)
Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda (GCD) waxa uu si weyn uga xun yahay colaadda mar kale dib uga qaraxday deegaanno ka tirsan Gobolka Sanaag, taas oo dhex martay laba beelood oo walaalo ah, isla markaana dhaawac culus gaarsiisay wada noolaanshihii iyo xasilloonidii bulshada.
Goluhu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelada, qoysaska iyo bulshada ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday colaaddan. Sidoo kale waxa uu Alle uga baryayaa dhaawacyada inuu caafimaad degdeg ah siiyo, dadka ay dhibaatadu saamaysayna samir iyo adkaysi ku mannaysto.
Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda waxa uu ku baaqayaa xabbad-joojin degdeg ah, in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka, lana badbaadiyo dhiigga dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Goluhu waxa uu muujinayaa walaac weyn oo ku saabsan kaalintii ay ahayd inay qaadato dowladda. Dowladda waxaa waajib dastuuri ah ka saaran ilaalinta amniga muwaadiniinta iyo ka hortagga colaadaha soo noqnoqda. Waxay ahayd in mar h**e la qaado tallaabooyin wax ku ool ah, lana kala dhex dhigo ciidamo amni si loo xakameeyo xiisadda ka hor inta aysan isu beddelin dagaal sababa dhimasho iyo burbur. Dib u dhaca ku yimid tallaabooyinkaas waxa uu horseeday in dhibaatadu sii fido.
Goluhu waxa uu ugu baaqayaa Isimada dhaqanka, cuqaasha, culimada, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada labada dhinac inay gutaan doorkooda taariikhiga ah ee nabadaynta, kana hormariyaan danta guud, wada noolaanshaha iyo ilaalinta dhiigga shacabka wax kasta oo kale. Taariikhda Soomaaliyeed waxay marar badan caddeysay in nabad waarta lagu gaari karo wada hadal, is-afgarad iyo xeer dhaqameed caddaalad ku dhisan.
Ugu dambayn, Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyaddu waxa uu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka fogaadaan hadallada iyo falalka hurinaya colaadda, kana shaqeeyaan dejinta xaaladda, xoojinta walaaltinimada iyo dib u soo celinta kalsoonida bulshada.
Nabadda ayaa guul ah. Dhiigga Soomaaliyeedna waa karaamo ay waajib tahay in la ilaaliyo.
Golaha Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda (GCD)