08/08/2026
Wafdi ka socda dowladda Puntland ayaa saaka kormeer ku tagay dhismaha waddada Bacaadweyn ilaa Dusmada, mashruuc ay maalgelinayso Puntland, fulintiisana ay gacanta ku hayso Shirkadda Shacabka Kebarco Construction CO.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay boorka hay’adda waddooyinka Puntland (PHA) oo ay ka mid yihiin
Wasiirka howlaha guud, Faarax Cawad Jaamac
Wasiirka maaliyadda, Maxamed Faarax Maxamuud
Wasiirka qorsheynta, Yuusuf Maxamed Maxamuud Barre Faatax, Agaasimaha Madaxtooyada Puntland, Arshe Said iyo Agaasimaha guud ee Bangiga Puntland, Faysal Cabdullaahi Warsame Murcanyo.
Sidoo kale wafdiga waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Gargaarka, Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Green, Guddoomiyaha PHA, Cabdititaax Sugulle Guddoomiye ku-xigeenka PHA, Cabdirisaaq Xayir iyo Maamulaha shirkadda Kebarco, Faysal Baaburaqiis
Wafdiga ayaa intii ay kormeerka ku jireen la kulmay maamulada iyo bulshada deegaannada Margaaga, Bacaadweyn, Cagaaran iyo Horogle. Dadweynaha ayaa dowladda uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixisay dhismaha waddada Bacaadweyn ilaa Gaalkacyo, taas oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo koboca ganacsiga gobolka.