Mohamed-Amin Omer Abdi

Mohamed-Amin Omer Abdi Former Mayor of Gabiley District & Former Chairman of the Local Council

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mudane Maxamu...
11/08/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mudane Maxamuud Xasan (Doob) oo aabbihii Marxuum Xasan Saleebaan Nuur ku geeriyooday Magaalada Gabiley.

Waxaan si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Badhasaabka Iyo Qoyska guud ahaanba, ehelkii, qaraabadii Iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu marxuumka ku mannaysto naxariistiisa janno, dembiyadiisana dhaafo, hoygiisana ka dhigo Jannatul Firdowsa. Ehelkii, qaraabadii Iyo asxaabtii uu ka baxayna waxaan Alle uga baryayaa samir iyo iimaan.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Inaalilaahi Wainaa Ilayhi Raajacuun.Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelkii, bahda suugaanyahanka iyo guud...
22/07/2026

Inaalilaahi Wainaa Ilayhi Raajacuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ehelkii, bahda suugaanyahanka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay abwaankii caanka ahaa iyo halgamaahii xaq-u-dirirka ahaa Marxuun Aadan Tarabbi Jaamac.

Marxuunka waxa lagu xusuusan doonaa dhaxalkii qaaliga ahaa ee uu kaga tegey suugaanta Iyo doorkii muuqday ee uu ku lahaa kobcinta wacyiga dawladnimo, isaga oo hal-abuurkiisa ku baahin jiray halgan, waddaniyad, caddaalad Iyo garab istaagga xaqa.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu marxuumka u naxariisto, dambigiisana dhaafo, Janatul Firdowsana ka waraabiyo. Qoyskii, ehelkii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Somaliland ee uu ka baxayna waxaan Eebbe uga baryayaa samir iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelka, Qaraabadda Iyo Qoyska uu ka bax...
21/07/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelka, Qaraabadda Iyo Qoyska uu ka baxay Marxuum Daahir Madar Xirsi oo maanta ku geeriyooday Cusbitaalka Gargaar.

Waxaan si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Qoyska Balaadhan ee Ilma Daahir Madar.

Waxaan Alle SWT uga baryayaan Marxuumka inuu naxariistiisa Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, dembiyadiisana dhaafo.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUNWaxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, ciidamada k...
11/07/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, ciidamada kala duwan ee Qaranka Iyo Guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Hoggaankii Baadhista Dambiyada Ciidanka Booliska JSL, Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi, oo maanta geeriyooday.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa saraakiishii muddada dheer u soo adeegaysay Qaranka, isaga oo door muuqda ka soo qaatay sugidda amniga, caddaaladda iyo la-dagaallanka dambiyada. Waxa uu ka tegay taariikh wanaagsan, daacadnimo iyo hawlkarnimo lagu xasuusan doono.

Waxaan Alle SWT uga baryayaan Marxuum Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi inuu naxariistiisa Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, dembiyadiisana dhaafo.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

07/07/2026

Waxaan maanta ka Qaybgalay Munaasibadda Caleemo-saarka Caaqilka Guud ee Beesha Baha Dalal Caaqil Xasan Maxamuud Cumar.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu Caaqilka ku gallado khayrka xilkan, ku mannaysto caafimaad, cimri dheeri, xigmad iyo garasho suubban.

Waxaan maanta ka Qaybgalay Furitaanka Shirka 5-aad ee Golaha Dhexe Xisbul Xaakimka Wadani oo uu Furay Madaxweynaha Jsl M...
30/06/2026

Waxaan maanta ka Qaybgalay Furitaanka Shirka 5-aad ee Golaha Dhexe Xisbul Xaakimka Wadani oo uu Furay Madaxweynaha Jsl Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

24/06/2026

Go'aammadda Siyaasadda waxaa qaabeeya hadba waaqica taagan markaa, Afar Jeer baan Kulmiye Iyo Musharixiisaba dhisay anigoo Masuul Iyo Taageeraba ah waxaanan Aaminsanaa in ay ahayd Aragti Sax ah.

Waaqica Siyaasaddeed ee Maantana marka la eego Waxaan Go'aansaday Inaan ka Qayb qaato Dhismaha Xisbiga Waddani Iyo Dhismaha Qaranka.

14/06/2026

Maanta waa maalin kale oo Codka Iyo Calanka Somaliland uu si wayn uga dhex muuqanayo Saaxadda Caalamka Iyo Fagaarayaasha Adduunka.

Waxaan bogaadinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Dadaalka uu ugu jiro furitaanka albaabada cusub ee Iskaashi Iyo Saaxiibtinimo ee danta u ah shacabka Somaliland. Guusha diblomaasiyadeed ee maanta Dalkeenu gaadhay waa mid dhaxal u noqon doonta jiilasha soo socda, Xoojinaysana Himiladda Qaranimadda Iyo Horumarka dalkeenna.

Guul Somaliland.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUNWaxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, ciidamada k...
08/06/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum S/Guuto Yuusuf Aadan Nuur (Marduuf).

Marxuum Yuusuf Marduuf waxa uu ka mid ahaa mujaahidiintii naf iyo maalba u huray halgankii dib u xoreynta Somaliland, Waxa kale oo uu ahaa haldoor qaran oo muddo dheer ka shaqaynayey nabadaynta, xasillinta dalka iyo dhismaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Marxuumku waxa uu ahaa astaan waddaniyadeed, sarkaal karti iyo geesinimo lagu xasuusan doono, kana tagay raad wanaagsan oo ku suntan daacadnimo, hawlkarnimo Iyo u adeegidda qaranka.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu marxuumka ku mannaysto naxariistiisa janno, dembiyadiisana dhaafo, hoygiisana ka dhigo Jannatul Firdowsa. Ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, ciidamada Qaranka iyo dhammaan shacabka Somaliland ee uu ka baxayna waxaan Alle uga baryayaa samir iyo iimaan.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo qoyska ay ka baxd...
02/06/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo qoyska ay ka baxday Marxuumad Nasli Cabdalla Kaamil oo ku geeriyootay magaalada Jabuuti.

Waxaan si gaar ah u tacsiyeeynayaa Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xeyd oo marxuumaddu ahayd inanteedii Iyo Wasiir Cali Xasan Bahdoon, oo ahaa sayga marxuumadda geeriyootay.

INNAA LILLAAHI WAA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Address

Main Road
Gebiley
00252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed-Amin Omer Abdi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Mohamed-Amin Omer Abdi:

Shortcuts

Share