Dawlada Hoose ee Degmada Sallaxley

Dawlada Hoose ee Degmada Sallaxley Waa boga rasmigaa Dawlada Hoose Degmada salaxley. This is official page of Sallahley local government

10/08/2026

Dhismaha schoolka boardingka ah ee degmada ah sallaxley oo gebo gebo ku dhaw.

Wadajir iyo waxqabad.


04/08/2026

Kulan ka dhacay wasaarada xanaanada xoolaha oo uu hogaaminayay wasiirka wasaarada ayaa lagu kala saxeexday heshiis bulsho oo dhex maray wasaarada xanaanada xoolaha maamulka degmada iyo gudida deeganka u qaabilsan ka shaqaynta seeraha banka qoolcaday.

Heshiiskani oo ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda X. Xoolaha iyo horumarinta Reer Miyiga,Dawlada hoose ee degmada sallaxley iyo dadka deegaanka, si loo horumariyo daaqsinka iyo tayada seeraha Qoolcaday loona kordhiyo wax-soo-saarka xoolaha.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa wasiir xigeenka wasaarada, xoghayaha fulinta dawlada hoose
Masuuliyiinta mashruuca u qaabilsan haayada SDF iyo gudida ka shaqaysa seeraha banka qoolcaday.

28/07/2026

"Qof kasta oo ka qayb qaatay in deegaanka Kaam tuug laga dhiso xanaanada hooyada iyo dhalaanka waanu u mahad celinayna". maayarka degmada Sallaxley Cabdillaahi Ibraahin Xasan

26/07/2026

"Masuuliyiinta cusub ee caafimaadka degmada Sallaxley loo soo magacabay Allah haku asturo xilka anaguna ka maamul ahaan waanu la shaqayn doonaa sidii kuwii h**e ula shaqayn jiray" Xoghayaha fulinta degmada Sallaxley Maxamed Xaashi

23/07/2026

Maanta oo taariikhdu tahay 23/7/2026 maalin khamiis ah waxaa tuulada higlada oo ka tirsan degmada sallaxley soo gaadhay wafti balaadhan oo uu higaaminayo wasiirka wasaarad biyaha isaga oo xadhiga ka jaray dhaam biyood ay halkaa ka hirgalisay haayada Pharo Foundation.





21/07/2026

Agaasimaha arrimaha bulshada dawladda hoose ee degmada Sallaxley Mubaarig Sugulle

21/07/2026
21/07/2026

Ganacsade Mustafe Cali Deeq oo beertiisa iyo xerada geela kusoo dhaweeyay Xariir Koosar iyo Xamse Shaacir

Address

Wadada Cad
Hargeisa

Telephone

+252634249740

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawlada Hoose ee Degmada Sallaxley posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dawlada Hoose ee Degmada Sallaxley:

Shortcuts

Share